Waa kuma taliyaha Xamaas ka soo horjeeday ee Qasa lagu dilay

Yasser Abu Shabab

Xigashada Sawirka, Yasser Abu Shabab/Facebook

Qoraalka sawirka, Yasser Abu Shabab
    • Author, David Gritten

Hoggaamiye caan ah oo ka tirsanaa maleeshiyo Falastiini ah oo ku sugan Marinka Qasa, kana soo horjeeday Xamaas, ayaa la dilay.

Yasser Abu Shabab ayaa hoggaaminayay kooxda loo yaqaan "Xooggaga caanka ah", oo haysta tobannaan dagaalyahan, kana hawlgasha dhulka ay Israa'iil maamusho oo ku dhow magaalada Rafax ee koonfurta Qasa.

Kooxda ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Abu Shabab la toogtay xilli uu "isku dayayay in uu xalliyo khilaaf" u dhexeeyay xubno ka tirsan qoyska Abu Seneima. Waxay been abuur ku tilmaantay wararka sheegaya in Xamaas dishay, taas oo hore ugu eedaysay in uu la shaqeynayay Israa'iil.

Mar sii horraysay hadal ka soo baxay qabiilka Abu Shabab ee Bedouin ayaa lagu sheegay in uu ku baxay "gacanta kooxaha iska caabinta", isla markaana lagu eedeeyay inuu khiyaameeyay shacabka Falastiin.

Ilo-wareedyo kale ayaa sheegay in geeridiisu ay ka dhalatay loollan awoodeed oo gudaha ka dhex jiray.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in "qaddarka ku dhacay" Abu Shabab uu yahay "ugu dambaynta lama huraanka ah ee ku dhici doona dhammaan kuwa khiyaameeya dadkooda iyo dalkooda, kana raalli noqda in ay noqdaan qalab loo adeegsado gacanta gumaysiga [Israa'iil", balse Xamaas ma aanay sheegan mas'uuliyadda dilkiisa.

Idaacadda Ciidamada Israa'iil ayaa soo xigatay ilo amni oo sheegay in Abu Shabab uu u dhintay dhaawacyadii soo gaadhay kaddib markii loo qaaday cisbitaalka Soroka, ee ku yaalla magaalada Beersheba ee koonfurta Israa'iil. Hase yeeshee, cisbitaalka ayaa beeniyay in uu u dhintay daryeel la'aan dhankooda ah.

War-saxaafadeedka ay soo saareen kooxda uu hoggaamiyaha u haaa ayaa lagu sheegay in ay sii wadi doonaan "wadadii" Abu Shabab, "illaa laga tirtiro argagixiso kasta oo ku sugan dhulka Qasa, islamarkaana loo dhiso mustaqbal ifaya oo ammaan ah dadkeenna rumeysan nabadda."

Dagaalyahanno ka tirsan kooxda Popular Forces

Xigashada Sawirka, Yasser Abu Shabab/Facebook

Qoraalka sawirka, Dagaalyahanno ka tirsan kooxda Popular Forces
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii Juun, raysalwasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in Israa'iil ay hubeynaysay qabiillo Falastiiniyiin ah oo ku sugan Qasa, kuwaas oo uu sheegay in ay ka soo horjeedaan Xamaas. Hadalkan ayaa yimid kaddib markii warbaahinta Israa'iil ay werisay in uu oggolaaday in hub loo gudbiyo kooxda Popular Forces amma Xooggaga Caanka ah. Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyadaasi way beenisay in Israa'iil ay hubaysay.

Kooxdan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay boobayeen gawaadhida gargaarka bani'aadanimo ee loo dirayay Qasa intii uu dagaalku socday, eedeyntaasi oo ay iyaguna iska fogeeyeen. Warar ka soo baxay Israa'iil ayaa sidoo kale soo jeediyay in laba ka mid ah xubnaha kooxdaasi ay hore xidhiidh ula lahaayeen kooxda la baxday Dowladda Islaamiga ah ee Daacish.

Tan iyo markii ay bilaabatay xabbad-joojinta u dhexaysa Israa'iil iyo Xamaas ku dhowaad siddeed toddobaad ka hor, Abu Shabab ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa hoggaamiyayaal dhowr ah oo maamula maleeshiyooyin ka soo horjeeda Xamaas ah oo ku loollamayay in ay kaalin iyo saamyn ku yeeshaan wejiga labaad ee qorshaha nabadda Qasa ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Wejiga labaad waxa uu ka koobnaan lahaa dhismaha dawlad ku-meel-gaadh ah, dirista ciidan caalami ah oo nabad-ilaalineed oo la geeyo Qasa, ka bixitaanka ciidammada Israa'iil iyo hub-ka-dhigista Xamaas.

Wejigii koowaad, Xamaas waxay oggolaatay in ay soo celiso dhammaan 48 maxbuus oo Israa'iili ah—kuwa nool iyo kuwa dhintay—ee ay haysatay, taas beddelkeedana Israa'iil ay sii daysay boqolaal maxaabiis ah oo ay ku jiraan kuwo siyaasadeed oo Falastiini ah oo ku xidhnaa xabsiyada Israa'iil, islamarkaana waxya ciidankeedu ka baxeen qaybo ka mid ah Marinka Qasa.

Welina waxa hadhsan maydka hal maxbuus oo Israa'iili ah oo aan dib loo soo celin.

Dowladda Israa'iil ayaa hore u sheegtay in aanay ka qayb qaadan doonin wada-hadallada wejiga labaad ilaa Xamaas ay soo celiso dhammaan la haystayaasha. Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Trump ayaa Arbacadii sheegay in wejiga labaad uu "dhici doono wakhti dhow".

Dagaalka Qasa ayaa ka dhashay weerarkii ay Xamaas hoggaaminaysay ee lagu qaaday koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023-kii, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 1,200 oo qof, halka 251 kalena lagu afduubtay.

In ka badan 70,120 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa'iil ay ka fulisay Qasa tan iyo xilligaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qasa oo ay maamusho Xamaas.