Soomaali ka carootay shaqaale Itoobiyaan ah oo ku kacay fal anshax xumo ah iyo musaafurin ka dhalatay

Xigashada Sawirka, Facebook
Kumanaan shaqaale Itoobiyaan ah ayaa laga saaray gobolka Mandheera ee Kenya.
Shaqaale sharci darro ah oo ka shaqeynayay deegaanka in ka badan 10 sano ayaa shaqada laga eryay ka dib markii nin uu sameeyay fal anshax xumo ah oo ka dhan ah neef lo' ah.
Dadka deegaanka, Golaha Odayaasha, Hogaamiyeyaasha Diinta iyo dhalinyarada Mandheera, gaar ahaan maamulka Ceel-Waaq, ayaa ku amray Itoobiyaanka inay ka baxaan deegaanka laga bilaabo bisha Maarso.
Mas'uuliyiinta degmada iyo culimada ayaa ka soo lugeeyay xaafadaha iyagoo wata makarafoonno iyo sameecado si ay amarka u gudbiyaan.
Tobias Otunga, guddoomiye ku xigeenka degmada El-Waaq, ayaa sheegay in dadku ay ka cabanayeen dhibaatada muddo dheer taagnayd.
Iyadoo ay jiraan cabashooyin, wuxuu sheegay inay ka wada hadlayeen tallaabada la qaadayo.
"In la eryo dadka si wadajir ah ma aha sida ay dowladdu u shaqeyso laakiin waa falcelinta bulshada ee xaaladda," ayuu yiri sarkaalka.
Safaaradda Itoobiya ee Nairobi ayaa tiri: "Waxaan si dhow ula soconnaa xaaladda".
Waxaan la hadlaynaa taliyaha booliiska Mandheera. "Waxaan ka codsanay inay arrinta wax ka qabtaan si ixtiraam leh sharafta aadanaha oo aan lagu xadgudbin xuquuqdooda", ayey tiri safaaraddu.
Dadka qaar loo shaqaaleeyay inay xoolaha ku ilaaliyaan gobolka ayaa lagu eedeeyay inay falal anshax xumo ah ku sameeyeen dameeraha iyo lo'da.
In kasta oo laga shakisan yahay, haddana arrinta waxaa sii xumeeyay markii dhawaan la ogaaday in qof adhi jir ah uu fal anshax xumo ah ku sameeyay sac.
Tani waxay ka careysiisay dadka gobolka waxayna horseeday in shaqaalaha Itoobiyaanka ah ee ka shaqeeya gobolka laga saaro.
Waxaa jira shaqaale badan oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Kenya, gaar ahaan waqooyiga. Waxay ka shaqeeyaan shaqooyinka guryaha, ganacsiga iyo dhaqashada xoolaha ee Moyale, Wajeer iyo Mandheera.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay jiraan in ka badan 1,000 shaqaale ah oo ku sugan aagga Ceel-Waaq oo keliya.
Alnasir Abdikadir oo degan El-Waaq ayaa sharraxaya in shaqaaluhu ay sameynayaan waxyaabo aan la aqoon oo aan la aqbali karin oo ka dhex jira bulshadooda.
Wuxuu sheegay in dhibaatada ugu weyn aysan ahayn dumarka balse ay tahay ragga, laakiin hadda tallaabo laga qaaday dhammaantood.
"Hal qof oo keliya ayaa ilaa hadda lagu qabtay wax khaldan, tanna waxay sababtay in dhammaantood la eryo." Alnasir wuxuu lahaa gabadh shaqaale ah oo ka timid Itoobiya. Waxay u shaqaynaysay isaga dhowr toddobaad oo keliya. Hadda, amarkan awgiis, wuxuu u diyaariyay mushaharkeeda oo uu siiyay si ay u aado Itoobiya.
Markii la eryay, shiyuukhda iyo mas'uuliyiinta degmadu waxay u tageen dadkii waxayna u sheegeen in mushaarkooda la bixin doono.
"Waxa aan shalay arkay waxay ahayd inay shaqada ka eryeen shaqaale la siiyay mushahar bil ama laba bilood ah, waxayna u tageen dowladda oo ay ku ooyeen," ayuu yiri Alnasir.
"Marka hadda waxaa jira baaqyo lagu dalbanayo in lacagtooda la siiyo".
"Dadku waxay ka baxayeen aagga tan iyo bishii Maarso 18keedii ilaa maanta". ayuu yidhi
Guddoomiye ku xigeenka Tobias Otunga wuxuu leeyahay ma jiro shaqaale dhaawacmay, inkastoo dadka deegaanka ay ka caroodeen.
Markaa wuxuu sheegay inuu go'aansaday in ay ku soo galaan heshiis si aan loo waxyeellayn.
Tirada shaqaalaha sharci darrada ah ee kasoo galaya Kenya dhanka Itoobiya ayaa sii kordheysa maalinba maalinta ka dambeysa, ayuu yiri Otunga.
Inkasta oo amni uu ka jiro xadka, dhulku waa weyn yahay waxaana jira albaabo badan.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Iyadoo dadka la xakameynayey waqtiyo kala duwan, dhibaatada lama xallin karin.
Gobolka Mandheera wuxuu ku yaal xuduudda Soomaaliya, muhaajiriinta sharci darrada ahna waxaa looga baqayaa dhibaatooyin amni.
"Al-Shabaab waxay shaqaaleysiisaa dad shaqo la'aan ah, inkastoo aynaan hore u maqlin in dadkan la shaqaaleysiiyay, haddana weli cabsi ayaa jirta" ayuu yiri.
Waa wax caadi ah in Itoobiyaanka si tahriib ah ay ku soo galaan meelaha xuduudda ah.
Qaarkood waa la xiraa, qaarna waxaa lagu celiyaa Itoobiya, kuwa kalena waxaa loo wareejiyaa waddamo kale.
Waxaa sidoo kale jira dhibanayaal badan oo ay dhibaato kasoo gaartay ka ganacsiga dadka. Haddana waxaa jiray kumanaan ka mid ah kuwa u yimid inay ka shaqeeyaan meelahan.
Taas oo keliya ma aha, ka ganacsiga daroogada ayaa ku badanaya meelaha xuduudaha ah.
Sida kuwa kale, Sheekh Isxaaq Muuse wuxuu cambaareynayaa dambiyada ka dhanka ah xayawaanka.
"Sidee bini'aadamku ugu samayn karaa wax aan anshax lahayn xayawaanka? Alle waxa uu kala soocay aadanaha iyo xayawaanka. uma dulqaadan karno waxyaabahaas oo kale."
Qof kale oo deegaanka ah, Fatima Ali, ayaa taageertay in dadka laga saaro guryaha. Waxay sheegtay in dadkani ay dadka ka caawinayeen shaqooyin badan.
Marka laga soo tago kuwa ka shaqeeya guryaha dadka kale, waxaa jira dad badan oo leh ganacsiyo u gaar ah.
"Waxay si nabad ah u maamulayeen goobo timo-jare, hoteella yar yar iyo ganacsi farsamo sannado badan."
Si kastaba ha ahaatee, markii waqtigu sii socday, ayay tiri, dhaqan aan loo baahnayn ayaa soo ifbaxay.
Tani wax kale ma aha marka laga reebo falalka hal ama laba qof. Laakiin waxay saameysay dhammaan dadka deegaanka.
Cayrintoodu wax dhibaato ah ma geysan doonto, ayay tiri Fahima, iyadoo intaas ku dartay in ay iyagu ay qasban jireen shaqooyinkooda ka hor inta aysan imaan haddana ay qabsan doonaan.
Isku dayga lagu doonayay in xiriir lala sameeyoi shaqaalaha shaqada looga eryay arrinta ayana suurta gelin. .













