Shidaal, awood iyo siyaasad ku salaysan juquraafi: Sababta Putin uu u booqanayo Delhi

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho laba maalmood ah ku tagay Hindiya, halkaas oo uu ku qaabilay Ra'iisul Wasaare Narendra Modi ka hor shir madaxeedka sannadeed ay labada waddan yeelanayaan.
Delhi iyo Moscow ayaa la filayaa inay saxiixaan heshiisyo dhowr ah inta lagu guda jiro booqashada, taasoo imaanaysa bilo ka dib markii Mareykanku uu kordhiyay cadaadiska saaran Hindiya si uu u joojiyo iibsashada saliidda Ruushka.
Waxay sidoo kale kusoo aadeysaa iyadoo maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu wadahadallo taxane ah la leeyahay Ruushka iyo Yukrayn si uu u soo afjaro dagaalka.
Hindiya iyo Ruushku waxay ahaayeen xulafo dhow muddo tobanaan sano ah, Putin iyo Modi-na waxay wadaagaan xiriir diirran. Waa kan sababta ay labaduba isugu baahan yihiin - iyo waxa la eegayo marka ay kulmaan.

Sawir Saaxiibtinimo gaar ah, heshiisyo ganacsi iyo juqraafiga siyaasadeed
Maxuu xiriirka Hindiya muhiim ugu yahay Kremlin?
Marka la fiiriyo tirade dad gaaraya ku dhawaad hal bilyan iyo bar iyo kobaca dhaqaalle oo ka badan 8%. Hindiya waa dhaqaalaha ugu weyn ee ugu kobaca badan adduunka.
Taasi waxay ka dhigaysaa suuq aad u soo jiidasho leh oo loogu talagalay badeecadaha iyo kheyraadka Ruushka - gaar ahaan saliidda.
Hindiya waa dalka saddexaad ee ugu isticmaalka badan saliidda cayriin adduunka waxayna ka iibsanaysay Ruushka tiro badan. Xaalku sidaasi am ahayn had iyo jeer. Kahor duullaankii buuxay ee Kremlin ee Ukraine, 2.5% oo keliya saliidda Hindiya laga soo dejiyo ayaa ahayd tan Ruushka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Tiradaasi waxay kor u kacday 35% iyadoo Hindiya ay ka faa'iidaysatay qiimo dhimista Ruushka oo ay sababtay cunaqabatayn ka dhan ah Moscow iyo Ruushka oo aan si buuxda u geli karin suuqa Yurub.
Hindiya way faraxsanayd. Washington way ka farxisay.
Horraantii sanadkan, maamulka Trump wuxuu canshuur dheeraad ah ku soo rogay badeecadaha Hindiya, isagoo ku doodaya in ay saliidda ka soo iibsatay Ruushka, Hindiya ay gacan ka geysaneysay maalgelinta sanduuqa dagaalka ee Kremlin. Dalabyada Hindiya ee saliidda Ruushka ayaa tan iyo markaas hoos u dhacay. Madaxweyne Putin wuxuu aad u jeclaan doonaa in Hindiya ay sii wadato wax iibsiga.
Moscow, iibinta hubka ee Hindiya waa mudnaan kale waxayna ahayd tan iyo xilligii Soofiyeetkii. Kahor booqashada Putin, waxaa jiray warar sheegaya in Hindiya ay qorsheyneyso inay iibsato diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ee casriga ah iyo nidaamyada difaaca cirka.
Ruushka, oo ay saameysay shaqo la'aan, ayaa sidoo kale u arka Hindiya inay tahay ilo qiimo leh oo shaqaale xirfad leh.
Tijaabada madaxbannaanida istaraatiijiyadeed ee Modi
Booqashada Putin ee Delhi waxay ku soo beegantay xilli muhiim u ah himilooyinka caalamiga ah ee Modi iyo Hindiya.
Xiriirka Hindiya iyo Ruushka wuxuu dib ugu soo laabtay xilligii Soofiyeetka wuxuuna soo jiray iyadoon loo eegin isbeddelka muuqaalka juqraafiyeed.
Putin wuxuu si la yaab leh u geliyay xiriirkan waqti iyo tamar badan marka loo eego hoggaamiyayaashii kale ee Ruushka ee isaga ka horreeyay.
Dhanka Modi, inkastoo uu cadaadis xooggan kala kulmay dowladaha reer galbeedka si ay u dhaleeceeyaan Ruushka dagaalkii uu ka galay Ukraine, haddana wuxuu ku adkaystay in wadahadalku uu yahay habka kaliya ee lagu xallin karo khilaafka.
Tani waxay ahayd "madax-bannaanida istaraatiijiyadeed" ee Hindiya - iyadoo Modi uu ku jiro meel gaar ah nidaamka juqraafiyeed halkaas oo uu xiriir dhow la lahaa Moscow isagoo isla waqtigaas ilaalinayay xiriirkiisa reer galbeedka.
Dhanka Modi, inkastoo uu cadaadis xooggan kala kulmay dowladaha reer galbeedka si ay u dhaleeceeyo Ruushka dagaalkii uu ka galay Ukraine, haddana wuxuu ku adkaystay in wadahadalku uu yahay habka kaliya ee lagu xallin karo khilaafka.
Tani waxay ahayd "madax-bannaanida istaraatiijiyadeed" ee Hindiya - iyadoo Modi uu ku jiro meel gaar ah nidaamka juqraafiyeed ee halkaas oo uu xiriir dhow la lahaa Moscow isagoo isla waqtigaas ilaalinayay xiriirkiisa reer galbeedka.
Taasi way shaqaysay - ilaa Trump uu ku soo laabtay Aqalka Cad. Xiriirka Hindiya iyo Mareykanka ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay abid bilihii la soo dhaafay iyadoo labada dal ay ku guuldareysteen inay xalliyaan ismari waaga canshuuraha.
Xaaladdan oo kale, booqashada Putin waxay u muuqataa mid muhiimad weyn u leh Modi marka loo eego sidii hore sababtoo ah waxay tijaabin doontaa madaxbannaanida juqraafiyeed ee Hindiya.
Modi wuxuu doonayaa inuu tuso dadka Hindida ah ee gudaha iyo adduunka oo dhan inuu weli ku tiriyo Putin saaxiibkiisii oo uusan u oggolaan cadaadis ka yimid Trump, kaas oo uu hore ugu yeeray "saaxiibkiisa dhabta ah".
Laakiin wuxuu sidoo kale la kulmay cadaadis ka imanaya xulafadiisa Yurub - toddobaadkan oo keliya, safiirrada Jarmalka, Faransiiska iyo UK ee Hindiya waxay qoreen maqaal naadir ah oo wadajir ah, oo wargeys dibadda ka soo baxay oo ayku dhaleeceynaya mowqifka Ruushka ee Ukraine.
Sidaas darteed, Modi waa inuu hubiyaa in xoojinta xiriirka Hindiya iyo Ruushka aysan hoos u dhigin wadahadallada ganacsi ee socda ee lala leeyahay Mareykanka iyo iskaashiga uu la leeyahay Yurub.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mudnaanta kale ee Modi waxay noqon doontaa in la furo suurtagalnimada ganacsiga labada dhinac ee u dhexeeya Hindiya iyo Ruushka.
Falanqeeyayaashu waxay inta badan sheegaan in xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya labada xulafo ee xooggan uu si hoose u socday tobanaan sano.
Ganacsigooda laba geesoodka ah ayaa kor u kacay ilaa $68.72 bilyan dhammaadkii Maarso 2025, taasoo ka badan $8.1 bilyan oo keliya sannadkii 2020. Tan waxa inta badan sabab u ah Hindiya oo si weyn u kordhisay qiimaha iibka saliidda Ruushka ee la dhimay. Tani waxay si weyn u leexisay dheelitirka iyadoo u janjeerta Ruushka waana wax uu Modi doonayo inuu saxo.
Iyadoo shirkadaha Hindiya ay horey u dhimeen soo iibsiga saliidda ee Ruushka si looga fogaado cunaqabataynta Washington, labada dal waxay eegi doonaan meelo kale si ay u kordhiyaan ganacsiga.
Dagaalkii hubeysnaa ee Hindiya ay la gashay Bakistaan bishii Maajo ee sanadkan wuxuu muujiyay doorka lama huraanka ah ee goobaha Ruushka sida nidaamyada difaaca cirka ee S-400 ee ciidamadeeda qalabka sida, laakiin sidoo kale wuxuu muujiyay nuglaanta uu dalku si degdeg ah u baahan yahay inuu hagaajiyo.
Warbixinnada ayaa sheegaya in Hindiya ay rabto inay iibsato nidaamyada S-500 ee la casriyeeyay iyo diyaaradda dagaalka ee jiilka shanaad ee Su-57. Iibsashada Bakistaan ee diyaaradaha dagaalka ee jiilka shanaad ee J-35 ee Shiinaha wax ay lama filaan ku noqotay Delhi, waxayna doonaysaa inay hesho diyaarad la mid ah sida ugu dhakhsaha badan.
Laakiin Ruushka ayaa durba wajahaya yaraanta qaybaha muhiimka ah sababo la xiriira cunaqabataynta iyo dagaalka Ukraine. Waqtiga kama dambaysta ah ee lagu soo gaarsiinayo qaar ka mid ah cutubyada S-400 ayaa la sheegay in dib loo dhigay ilaa 2026. Modi wuxuu doonaa dammaanad ku saabsan waqtiga oo la gaaro Putin.
"Booqashada Putin ma aha dib u soo laabasho taariikhi ah oo ku saabsan diblomaasiyadda Dagaalkii Qaboobaa. Waa wadahadal ku saabsan khatarta, silsiladaha sahayda iyo dhaqaalaha. Natiijo yar ayaa xaqiijin doonta saliidda iyo difaaca; rabitaanka ayaa dib u qaabayn doono dhaqaalaha gobolka," ayuu yiri GTRI.










