Wax ka ogoow: Qodobo cusub oo lagu soo kordhiyay xeerka ay isticmaalaan maxkamadaha Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Shuute
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka.
Shirka golaha oo uu guddoomiyay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sharciyada lagu meelmariyay waxaa ka mid ah Sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed ka dib markii uu kasoo gudbay la tashiyo ballaaran oo lagala yeeshay culumada, bulshada rayidka ah iyo sharci yaqaano, lana waafajiyay Diinta Islaamka, Dastuurka dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee dhanka xuquuqda aadanaha sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud oo BBC la hadlayey ayaa sheegay in xeerarku ay mar walba is beddelaan, dib u eegisna lagu sameeyo, tan Soomaaliya u goonida ahna ay tahay in xeerkan la sameeyay sanadkii1962kii.
" Lixdan sano ka badan waa dareemi kartaa isbeddelka ku dhacay dunida" ayuu yiri Xasan Macallin oo intaas ku daray in xeerarka sida xeerka ciqaabtu uu yahay kan ugu muhiimsan ee aan dib loo fiirin waqtigaas, waxyaabo badan ayaa sabab u ahaa sida isbeddelada siyaasiga ah ee dalkeena ka dhacayey iyo burburka ku dhacay dowladnimadeenii sidaasi darteed ayaa waxa lasoo gaaray buu yiri waqtigii dib u eegis lagu sameeyn lahaa waqtiga iyo dembiyada soo kordhay iyo kuwii hore wixii iska beddelay si uu ula jaanqaado.
Maxaa ku cusub xeerkan?
Xasan Macallin oo su'aashaasi ka jawabay ayaa sheegay in ciqaabta dembiyadu ay is beddeleen isagoo sheegay in hadda ay dembiyo cusub dhacaan kuwaas oo ay ka mid yihiin buu yiri kuwa lagu galo dhanka internetka ama online, dembiyadaas oo aan waagii hore jirin.
Wasiirku waxa uu sheegay in xitaa ganaaxii dembiyada qaarkood uu is beddelay sida haddii waagii hore shilin soomaali wax lagu ganaaxi jiray in hadda uu is beddelay, maantayna shilinku uu dhumiyay qiimihiisii sidaasi darteed buu sheegay in xeerka ciqaabtu uu la jaan qaadayo waqtiga iyo bulshada.
Wasiir Xasan Macallin oo ka hadlayey qoddobada lagu saleeyay xeerkan cusub waxa uu sheegay in 1962kii ay dowladnimada Soomaaliya cusbeyd aqoon badanna aanay jirin, dadka sharciyaqaanada ahna ay yaraayeen, ka qeybgalkuna waa uu yaraa halka 60 sano ka dib ay dadweynaha Soomaaliyeed ay ka qeeyb qaadanayaan iyadoo dastuurka Soomaaliyeed uu is beddelay oo shareecada Islaamku ay qeeyb weyn ka tahay ayuu sheegay xasan Macallin.
Waqti xaadirkan Garsooruhu marka uu xukun ridayo waxa uu wada aqriyaa qoddobka xeerka ciqaabta iyo daliilka aayadaha qur'aanka, laakinse xeerkan cusub ee ciqaabta marka uu garsooruhu aqrinayo waxa uu u aqrinayaa si ka duwan maadaama xeerarkii lagu dhex sameeyay oo lagu dhex dejiyay shareecada sida uu sheegay wasiir Xasan Macallin.

Xigashada Sawirka, Maxamed Ciise Turunji
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haddaba xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee hadda jira goorma ayaa la sameeyay sideese loo sameeyay? Maxamed Ciise Turunji oo ah qareen, qabiirna ku ah shuruucda iyo xeerarka Soomaalida ayaan weeydiinay su'aashaasi waxana uu kaga jawaabay : "In xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed la sameeyay sanadkii 1962kii sanad ka dib markii la qaatay madaxbanaanida iyadoo markii hore lagu dhaqmi jiray xeerkii Talyaaniga "Codice Penale" kaas oo la sameeyay waqtigii Gumeysiga 1927kii" isagoo intaas ku daray in xeerkaasi hore oo wax yar laga bedddelay lagu dhaqmayey hasa yeeshee saandkii 1969kii ayaa Baarlamaanku waxa uu siiyay awood dowladda in ay u saarto guddi farsama yaqaanno ah oo Xeerka Ciqaabta oo Soomalidu leedahay soo sameeyo
Guddi Soomaali iyo Talyaani iskugu jira ayaa loo saaray oo ay ku jiraan saraakiil boolis ah, kuwaas oo soo sameeyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed , wax badan lagama beddelin dhanka ciqaabta kii Talyaaniga waxaana ansaxiyay Baarlamaankii Soomaaliya ee waqtigaa waxaana dalka xukumayey xilligaas Cabdirashiid Cali Sharma Arke.
Turunji waxa uu sheegay markii uu dhacay midowgii labadii gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta in ay soo baxday dhibaatooyin ah in sharciyadu ay kala duwanaayeen waxaana loo saaray guddi si xeerarkii Ingriiska ee Hargeysa looga dhaqmaayey iyo kii Talyaaniga ee Xamar looga dhaqmaayey la iskugu keeno, waxaana la go'aamiyay in nidaamka iyo habka dacwadaha maxkamadda loo qaado la qaato habka Ingiriiska halka dhanka ciqaabta la qaatay xeerka Talyaaniga.
Kacaanku muxuu ka beddelay Xeerka Ciqaabta ee dowladdii Rayidka
Markii milaterigu ay dalka qabsadeen meelaha qaar ayeey wax ka beddeleen Xeerka Ciqaabta iyagoo markii la sameeyay Maxkamadda Badbaadada loo baahday in dacwooyinka qaadistooda maxakamadaha caadiga ah lagasoo beddelo oo Maxkamadda Badbaadada la keeno " Ciqaabihii ayey wax ka beddeleen iyo in maxakamadda awoodda ku leh in ay dacawdaha qaarkood qaadaan" ayuu yiri Turunji.
Xeerarku waa is bebeddalaan waxayna la jaanqaadaan had iyo jeer wadiciga dalka marka maadaama xeerkani muddo fog la sameeyay qoddobada aad isleedahay lama janaqaadi karaan xeerarka ciqaabta ee ay Maxakamduhu gaaraan maxa ka mid ah ayaana weeydiinay Turunji taas oo uu kaga jawaabay " Kan ugu weyn waa ciqaabta taas oo laba u kala baxda ganaax iyo xarig xabsiyeed, ganaaxyadu waagii hore waxa ay ahaayeen shilin Somali qaali ah, qof baa shan shilin lagu ganaaxaa, qof baa 10 shilin lagu ganaaxaa, maantana u maleyn maayo in ay 10 am 5 shiln ay qiimo leedahay" ayuu yiri Turunji oo sheegay meelaha loo baahnaa in la beddelo in ay kuwaasi ka mid ahaayeen.
Maxamed Ciise Turunji oo ka hadlayey hadii ay jiraan qoddobo ka hor imaanayey dastuurka iyo diinta ee ku jiray xeerkii Ciqaabta Soomaaliyeed ee la dejiyay 1962kii waxa uu sheegay "u maleeyn maayo in ay jiraan qoddobo aan dsatuurka iyo diinta waafaqsaneyn ee ku yaalay Xeerkii Ciqaabta Soomaaliyeed" isagoo ntaas ku daray in sababta guddiga Soomaalida loogu bixiyay in ay ahayd in ay arimahaasi eegaan.
Waa maxay caqabadaha ka hor imaan karo in guud ahaan dalka laga dhaqan geliyo xeerkan?
Maxamed ciise Turunji oo arintaasi ka hadlayey waxa uu sheegay in caabaduhu ay badan yihiin sabbatoo ah buu yiri Dowladdu ma wada xukunta dalka oo dhan waxaana jiro dowlad goboleedyo badan oo mid walbahaahi ay leedahay dastuurkeeda u gaarka ah.
Turunji waxa uu sheegay in loo baahan yahay wadahadal iyo in la is waafajiyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka iyo kan dowlad goboleedyada taas oo u baahan buu yiri waqti badan, iyadoo waqti badanna lasoo maray oo arimahan wax looga qaban karay balse aan la qaban.
Xeerkan ayaa maanta ka gudbay golaha wasiiradda kadib markii ay ansaxiyeen, waxana uu u gudbayaa labada aqal ee Baarlamaanka si waafaqasan habraaca xeer dejinta kadibna madaxweynaha ayaa kusoo saarayo sharci dhaqan gal ah markaas ka dibna faafinta rasamiga ah ayuu galayaa.













