10-ka dal ee Afrika ee soo maray afgambiyo milatari oo guulaystay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Afrika ayaa kaalinta 1-aad kaga jirta liiska qaaradaha ay sida aadka ah uga dhacaan afgambiyadii tan iyo 1950-kii.
Ku dhowaad 7 ka mid ah 10 afgambi ee caalamka ka dhaca waxay ka dhacaan qaaradda Afrika, sida ay muujinayaan xog isku-duwan oo ka yimid cilmi-baareyaasha Maraykanka Jonathan Powell iyo Clayton Thyne, oo ku takhasusay afgambiyada iyo kala-guurka siyaasadeed.
Tan iyo sanadkii 2000, saddex-meelood laba meel afgambiyadii guulaystay ee Afrika ka dhacay waxay ka dhaceen wadamadii uu horey u gumeysan jiray Faransiiska.
Guud ahaan, 45 dal oo Afrikaan ah ayaa soo maray ugu yaraan hal isku day oo xukunka looga tuurayo madaxdii xukuka haysay.
1. Burkina Faso (8 afgembi oo guulaystay)
Burkina Faso, oo muddo dheer loo tirin jiray shaybaar siyaasadeed, wuxuu soo maray 10 afgambi oo ay ku jiraan laba dhacay sanadkii 2022.
Kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah kuwii dhacay 1966, 1980, 1982, 1983, 1987, 2015, iyo labadii afgambi ee 2022 oo ay awoodda ku yimaadeen Paul-Henri Damiba kadibna Kaptan Ibraahim Traoré.
Haddii uu jiro afgambi ku haray xusuusta dadka oo dhan, waa kii dhacay Oktoobar 15, 1987. Intii lagu jiray kii loogu yeeri jiray "Khamiis Madow", dagaallo xooggan ayaa ka qarxay Qasriga Madaxtooyada iyadoo ay isku dhaceen fallaagada iyo ciidammada daacadda u ah dowladda.
Blaise Compaoré, oo khilaaf kala dhexeeyay Thomas Sankara oo ku saabsan sida loo hoggaamiyo "kacaanka," ayaa awoodda qabsaday afgambigan dhimashada badan sababay. Sankara, aabbaha "kacaanka" Burkino, ayaa lagu dilay isaga iyo 12 ka mid ah asxaabtiisa.
31-kii Oktoobar 2014, Blaise Compaoré waxaa xilka looga tuuray mudaaharaadyo waddooyinka ka dhacay isaga oo doonayay inuu beddelo Dastuurka si uu awoodda ugu sii joogo.
2. Sierra Leone (7 afgambi oo guulaystay)

Xigashada Sawirka, Issouf Sanogo/AFP via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sierra Leone waxay leedahay taariikh siyaasadeed oo ay calaamad u yihiin faragelinno milatari oo soo noqnoqday, kuwaas oo badanaa ka dhasha loollanka xisbiyada iyo kala-qaybsanaanta gudaha ciidanka.
Tan iyo xornimada, afgambiyadu waxay ahaayeen natiijo ka dhalata hammi siyaasadeed iyo sidoo kale fashillo ka jira dhismaha dowladnimada.
March 21, 1967 – waxay ciidamada xilka ka tuureen Overthrow Siaka Stevens
Siaka Stevens (APC), oo dhawaan la doortay, waxaa afgambi ku riday koox saraakiil ah oo uu hoggaaminayey Brigadier David Lansana. Ciidanka ayaa sheegay inay doonayeen inay ka hortagaan khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay murannadii doorashada.
Afgambigaan ugu horreeyay wuxuu dalka geliyey xilli shaki iyo hubanti la'aan weyn, wuxuuna calaamad u noqday gelitaanka ciidanka ee siyaasadda xisbiyada.
25-kii May 1997 – Afgambi uu sameeyey Johnny Paul Koroma iyo AFRC
Bilooyin yar ka dib doorashadii 1996, kuwa guuldareystay, oo ka niyad jabay markii SLPP ay awoodda qabatay, waxay taageereen afgambi ay abaabulay Johnny Paul Koroma iyo AFRC (Golaha Kacaanka Ciidamada Hubeysan).
Koroma wuxuu afgambi ku riday Madaxweynaha Ahmad Tejan Kabbah wuxuuna isbahaysi la galay kacdoonka RUF.
Afgambigaan lixaad wuxuu ka mid ahaa kuwa ugu rabshadaha badan taariikhda dalka, wuxuuna Freetown geliyey bilaha kacsanaanta iyo fowdada.
Tan iyo 1997, dalka ma soo marin wax afgambi ah. Afar doorasho qaran ayaa dhacay tan iyo 1997, iyadoo labo xil wareejin oo nabdoon ay jireen (2007, 2018), taasoo xoojisay sharcinimada habka doorashada.
3. Uganda (7 afgambi oo guulaystay)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Uganda waxay soo martay dhowr afgambi oo caan ah, oo ay ku jiray kii Milton Obote sameeyey 1966 kaasoo soo afjaray boqortooyada iyo federaalka.
Tan waxaa xigay afgambigii milatari ee 1971 oo uu sameeyey Idi Amin Dada, kaasoo afgambiyay Obote una sameeyey dowlad kali-talis ah oo arxan daran, taasoo la afgambiyay 1979 intii lagu jiray dagaalkii Uganda-Tanzania.
Xasilooni-darradu waxay sii socotay markii la sameeyey afgambigii 1985 ee markale afgambiyay Obote, ugu dambeyntiina Yoweri Museveni ayaa awoodda qabtay 1986 kadib dagaal sokeeye, ilaa haddana xilka haya.
4. Mauritania (6 afgembi oo guulaystay)
Mauritania waxay soo martay 6 afgambi milatari oo guulaystay tan iyo 1978. Marka laga soo tago kuwaas, waxaa jiray dhowr isku day oo fashilmay, mararka qaar si aad u rabshad badan, laakiin aan lagu darin kuwa guulaystay sida ku cad qeexitaanka cilmiyeed (Powell & Thyne, 2011).
Kii kowaad wuxuu dhacay, Luulyo 10, 1978: Dhamaadkii taliskii Moktar Ould Daddah
Afgambigii ugu horreeyay waxaa hoggaamiyey Colonel Mustafa Ould Salek, Taliyaha Guud, oo hogaaminaya koox saraakiil niyad-jabsan.
Dawladnimadii Daddah, oo talada haysay tan iyo xornimada, ayaa la afgambiyay. Colonel Salek wuxuu aasaasay saraakiil milatari, oo loo yaqaan Guddiga Milatari ee Soo-kabashada Qaranka (CMRN).
Kii ugu dambeeyay, 6-da Agoosto 2008: Afgambiga Madaxweynaha la doortay Sidi Mohamed Ould Cheikh Abdallahi.
In ka yar laba sano ka dib markii dib loo soo celiyey xukunka rayidka, ciidanku mar kale ayaa awoodda qabsaday. Janaraal Abdel Aziz, oo ahaa madaxii hore ee ilaalada madaxtooyada isla markaana shaqada laga eryay , ayaa abaabulay afgambiga Madaxweynaha la doortay, Sidi Ould Cheikh Abdallahi.
Hoggaamiyeyaasha afgambiga ayaa sheegay inay tallaabada qaadeen "si ay u badbaadiyaan Dastuurka" ka dib markii la eryay. Guddiga Sare ee Qaranka ayaa markaas qabsaday awoodda. Ould Abdel Aziz ayaa kadib abaabulay doorasho madaxweynaha, taasoo uu ku guulaystay 2009.
5. Suudaan (6 afgembi oo guulaysta)

Xigashada Sawirka, AFP
Suudaan waxay haysaa rikoodhka qaaradda ee isku dayada afgambiyada, iyadoo la diiwaangeliyey 17 tan iyo 1952, kuwaas oo 6 ka mid ah ay guulaysteen.
Mid kasta oo ka mid ah afgembiyadan wuxuu sababay xaalad jahwareer qoto dheer leh (dagaallo gudaha ah, burbur dhaqaale, khilaafaad xisbiyo, wuxuuna ka qayb qaatay samaynta nidaam ciidamado ay si joogta ah talada ugu dhex jiraan.
Laga soo bilaabo 1958-kii, ciidanku si joogto ah ayay halkaas u soo faragelinayeen, ilaa heer ay joojiyaan ku dhawaad isku day kasta oo ku saabsan isbeddel dimoqraadi ah.
Sannadkii 2019-kii, Madaxweyne Cumar Al-Bashiir oo sannado badan soo hayay talada dalkaas, ayaa xilka laga tuuray kaddib muddo bilo ah oo ay socdeen dibadbaxyo. Bashiir laftiisu waxa uu xukunka kula wareegay afgambi milatari sannadkii 1989kii.
Afgambigii 25-kii Oktoobar 2021 wuxuu sii dheereeyey dhaqankii maamul ee ay talada ku lahaayeen janaraallada, kuwaasoo hadda u kala jabay islamarkana Sudan ku dagaalamaya.
6. Burundi (5 afgembi oo guulaystay)
Tan iyo markii ay xornimada ka qaadatay Belgium 1962, Burundi waxaa ruxay taxane afgambi oo badanaa la xiriira xiisadaha qowmiyadeed ee u dhexeeya Hutu iyo Tutsi, iyo sidoo kale loollanka awoodda ee gudaha ciidanka.
Burundi, oo ah dal yar oo Bariga Afrika ku yaal kana xuduudaha Rwanda, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, ayaa soo maray shan afgambi oo guulaystay tan iyo 1965, mid kastaana wuxuu muujinayaa dhibaatada dhisidda dowlad deggan iyadoo ay jiraan kala-qaybsanaan qowmiyadeed oo qoto dheer iyo ciidammo awood badan.
Inqilaab kasta waxa weheliya, rabshado isir, iyo dhibaatooyin bulsho oo saameeyay dadweynaha. Inqilaabyada soo noqnoqday waxay sidoo kale curyaamiyeen horumarka dhaqaalaha waxayna xaddideen xoojinta hay'adaha dimuqraadiga ah ee xooggan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
7. Mali (5 afgembi oo guulaystay)
Tan iyo markii ay xornimada ka qaadatay Faransiiska 1960, Mali waxaa calaamad u noqday dhibaatooyin siyaasadeed oo soo noqnoqda, iyadoo taxane afgambi milatari ay si qoto dheer u qaabeeyeen taariikhdeeda casriga ah.
19-kii November 1968, dowladdii Modibo Keita waxaa afgambi ku riday saraakiil dhallinyaro ah, oo uu hoggaaminayey Kaboole Moussa Traoré, kadib markii ay ka dhasheen dareenka shacabka.
Kadib markii la caburiyey mudaaharaad ay ku dhinteen dhowr iyo toban qof, kaboole hore oo noqday janaraal ayaa la afgambiyay 26-kii Maarso 1991 iyada oo ay fuliyay Korneel Amadou Toumani Touré.
22-kii Maarso 2012: Kaptan Amadou Sanogo ayaa afgambi ku riday Madaxweynaha Amadou Toumani Touré, laba bilood ka hor dhamaadka muddadii labaad ee xilkiisa. Mali waxay markaas ku jirtay xaalad amni oo xun oo la xiriirta kacdoonka Tuareg ee waqooyiga dalka iyo ballaarinta kooxdi Islaamiga ah ee Ansar Dine. Afgambigaan ayaa abuuray marnaan sharciyeed oo degdeg ah kaasoo sababay qalalaasaha Mali iyo qabsashada waqooyiga ee kooxaha hubeysan.
Ogosto 18, 2020: Ibrahim Boubacar Keita waa la afgambiyay
Colonel Assimi Goïta, oo ay taageerayaan saraakiil kale, ayaa xukunka la wareegay, waxaana xilka ka tuuray Madaxweyne IBK cadaadis dadweyne iyo xaalado amni iyo mid dhaqaale oo sii xumaanaya. Inqilaabkaasi waxa uu dhidibada u taagay dawlad milatari oo ku meel gaar ah.
21-kii May 2021: Assimi Goita ayaa afgambi ku riday dowladda ku meel gaarka ah ee uu ka qayb qaatay in la dhiso, wuxuuna qabsaday xukunka dowladda. Tani waa afgambigiisii labaad wax ka yar hal sano gudaheed. Labadan afgambi ayaa muujinaya xasillooni-darro joogto ah iyo dhibaatada ku jirta soo celinta kala-guur dimoqraadi Mali.
8. Niger (5 afgembi oo guulaystay)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Niger waxay soo martay shan afgambi oo waaweyn tan iyo 1974, mid kastaana wuxuu la xiriiray isku-darka dhibaato siyaasadeed, mudaaharaad dadweyne iyo cadaadis milatari.
April 15, 1974: Inqilaabkii ugu horreeyay: Lieutenant-Colonel Seyni Kountché ayaa afgambiyay madaxweyne Hamani Diori, oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo wax ka qabasha la'aan ku abaartii 1973-kii. Kountché waxa uu dhidibada u taagay nidaam milatari oo kali talis ah kaas oo socday ilaa dabayaaqadii 1987kii.
Janaayo 27, 1999: Inqilaab iyo dilkii Mainassara: Kadib dilkii Janaraal Ibrahim Baré Maïnassara, guddi milatari oo uu hoggaaminayey Daouda Malam Wanké ayaa qabsaday awoodda. Afgambigaan wuxuu fursad u abuuray dib ugu laabashada dimuqraadiyadda, iyadoo doorasho la qabtay dabayaaqadii sannadkaas.
July 26, 2023: Afgambi ka dhan ah Maxamed Bazoum
Madaxweynaha la doortay Mohamed Bazoum waxaa afgambi ku riday Janaraal Abdourahamane Tchiani, oo ahaa madaxa ilaalada madaxtooyada. Afgambigaan wuxuu ka dhacay xilli ay sii kordhayeen dhibaatooyin amni oo ka dhashay weerarada jihaadiyiinta iyo xiisadaha bulshada, wuxuuna calaamad u noqday afgambigii shanaad ee milatari ee guuleysta ee Niger tan iyo xornimada.
9. Nigeria (5 afgembi oo guulaystay)
Tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1960, Nigeria waxay soo martay shan afgambi milatari.
Intii u dhexeysay 1966 iyo 1999, dalka waxaa si joogto ah u maamulayay nidaam milatari, marka laga reebo muddo gaaban oo dib loogu laabtay dimuqraadiyadda xilligii Jamhuuriyadda Labaad (1979-1983).
Afgambigii ugu horreeyay wuxuu dhacay 15-kii Janaayo 1966. Kaboole-Kolonel Chukwuma Kaduna Nzeogwu iyo koox saraakiil ah ayaa abaabulay afgambigii ugu horreeyay ee milatari ee Nigeria.
Afgambigii ugu dambeeyay wuxuu dhacay 1993, mana jiro isku day kale oo weyn oo ka dhacay xilligii Jamhuuriyadda Afaraad, taasoo dib u soo celisay siyaasadda xisbiyada badan 1999.
10. Guinea-Bissau (4 afgembi oo guulaystay)
Guinea-Bissau , oo ah dal yar oo Galbeedka Afrika ku yaal, waxay weli si qoto dheer ugu calaamadeysan yahay xasillooni-darro siyaasadeed tan iyo xornimadeeda. Afar afgambi oo guulaystay ayaa ka dhacay taariikhdeeda, taasoo xaqiijinaysa doorka dhexe ee afgambiyada ee ku saabsan sida awoodda loo isticmaalo.
Afar afgambi oo guulaystay waxay qayb ka yihiin 16 isku day afgambi iyo dagaal sokeeye oo weyn tan iyo xornimada. Taariikhda siyaasadeed ee Guinea-Bissau waxay muujinaysaa in faragelinta milatari ay weli tahay aalad dhexe oo awoodda lagu haysto, taasoo wiiqaysa dadaallada loogu jiro dimuqraadiyadda iyo horumarka.
Afgambigii cusub ee November 2025 wuxuu na xusuusinayaa in, inkastoo ay jireen xilliyo deganaan ah, xasillooni-darradu ay si qoto dheer ugu xiran tahay dalka.
Waa maxay Inqilaab?
Inqilaab waxaa lagu qeexi karaa inuu yahay mid sharci darro ah oo cad, oo ay wataan ciidan ama saraakiil kale oo rayid ah, si ay xukunka uga tuuraan cidda haysa.
Daraasad ay sameeyeen laba cilmi-baare oo Maraykan ah, Jonathan Powell iyo Clayton Thyne, ayaa lagu ogaaday in ka badan 200 oo isku day ah oo Afrika gudaheeda ah tan iyo 1950-yadii. Qiyaastii kala barna waxay ahaayeen kuwo lagu guulaystay.
Wadamo badan oo ku yaala Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ayaa waxaa ka dhacay dhowr afgembi oo guuleystay. Ku dhawaad kala bar 17-ka waddan ee soo maray ugu yaraan afar afgambi oo guulaystay waxay ku yaalliin Galbeedka Afrika.
Saddex meelood meel oo kaliya dalalka Afrika, gaar ahaan Bariga iyo Koonfurta Afrika, ayaan weligood la kulmin afgembi guulaystay.
Muddadii u dhaxaysay 2020 ilaa 2023 waxa la arkay afgambiyo dib uga soo cusboonaadey Afrika. Si ka duwan 1960-kii ilaa 1980-meeyadii, hoggaamiyeyaasha afgambiga cusub waxay ku tiirsan yihiin caannimada bulshada, gaar ahaan gobolka Saaxil, halkaas oo ay ciidamadu ku andacoonayaan inay ka jawaabayaan ammaan-darrada iyo musuqmaasuqa. Caqabadda ku wajahan saamaynta shisheeye ayaa iyaduna noqotay dood soo noqnoqonaysa.













