Ilhan Omar oo afar eray ku qeexday sababta uu Trump u weerarayo Soomaalida

Xigashada Sawirka, Reuters
Kadib markii uu si isdaba joog ah Donald Trump u weeraray Ilhan Omar iyo Soomaalida todobaadkaan ayaa waxaa weerarkaas afka ah ka jawaab celisay Ilhan, iyada oo ku qeexday Trump in uu mar walba yahay "cunsuri, dulqaad yar, shisheeye neceb ah, muslinkana neceb".
Muuqaal ay waraysi siinaysay warbaahinta MS Now oo ay ku soo daabacday baraheeda bulshada, ayay sheegtay Ilhan 'in aysan la yaab lahayn talaabooyinka uu qaaday ee uu ku beegsanayo soo galootiga madowga ah', sida ay hadalka u dhigtay, iyada oo dib u milicsatay hadaladii qalafsanaa ee uu u adeegsaday wadamada Afrika muddo xileedkiisii hore.
"Waxaan jeclaan lahaa in aan dhaho ayaa ah in dhammaanteen aan nahay muwaadiniin. Baasaboorkeena waxaa ku qoran inaan nahay muwaadiniin dalkaan u dhashay", ayay tiri Ilhan.
Madaxweyne Trump oo todobaadkaan dhowr jeer weerar dhinac afka ah ku qaaday bulshada Soomaalida ayaa ku tilmaamay in aysan "waxba ku soo kordhin" Maraykanka. "anigu ma doonayo inay dalkeenna joogaan", ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii watay.
Isagoo ka hadlayay kulan golaha wasiirrada ah, madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Mareykanku "aadi doono jihada khaldan haddii aan sii wadno inaan dalkeenna ku qaabilno khashin."
Hadalkaan ayay si wayn uga falceliyeen Soomaalida Maraykanka iyo meelo kale oo caalamka ah joogta.
Sidoo kale ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo mar wax laga waydiiyay weerarada isdaba jooga ah ee Trump ayaa yiri; "In aan arrin ka dhigno oo aan micno u yeelno; waxaa ka dhibyar, in aan iska dhaafno".
Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyada ee Maraykanka ayaa waxa ay howgallo lagu beegsanayo Soomaalida ka bilowday magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St Paul.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Labadaan magaalo oo si wadajir ah loogu yaqaan Twin Cities (magaalooyinka mataanaha ah), ayaa hoy u ah mid ka mid ah bulshooyinka Soomaaliyeed ee ugu ballaaran adduunka.
Shir jaraa'id oo ay qabteen, ayuu Duqa Minneapolis Jacob Frey wuxuu ka digay in ololaha ay wadaan waaxda Xoojinta Socdaalka iyo Xudduudaha ee Mareykanka (ICE) "uu la micno yahay in la jebin doono habraacyada sharciga".
Sida ay sheegeen hoggaamiyeyaasha gudaha, waxaa halkaas ku nool ku dhowaad 80,000 oo qof oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, ayna badankoodu yihiin muwaadiniin Mareykan ah.
"Minnesota waa ay na soo dhawaysay. Kuwa badan oo naga mid ah iskama aynaan dagin Minnesota ee waan dooranay. Sababtoo dadka iyo maamulka Minnesota waa dad qurux badan," ayay tiri Ilhan oo ka hadlaysay sababta ay Soomaali badan u doorteen ku noolaashaha halkaas.
Waxa kale oo ay sheegtay Ilhan in sababta uu Trump u doortay weerarka Soomaalida in ay tahay fashil ka haysta waxyaabihii uu sheegay in uu qaban doono oo aan rumoobin, sidaas daraadeedna uu doonayo in uu ku dhuunto weerarka uu ku hayo Soomaalida.













