Trump oo Soomaalida ku tilmaamay "khashin iyo inay jahannamo ka yimaadeen" sheegayna inuusan dooneyn inay Mareykanka sii joogaan

Trump

Xigashada Sawirka, AFP

    • Author, Max Matza

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa beegsanaya muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan Maraykanka, isagoo hadallo arrimo kala duwan uu kaga hadlay oo uu jeediyay bulshada ku tilmaamay inay "waxba ku soo kordhin… anigu ma doonayo inay dalkeenna joogaan."

Isagoo ka hadlayay kulan golaha wasiirrada ah, madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Mareykanku "aadi doono jihada khaldan haddii aan sii wadno inaan dalkeenna ku qaabilno khashin."

Hadalladiisu waxay imaanayaan iyadoo la filayo inay billowdaan howlgal lagu sheegay in lagu qaban-doono dadka laga soo saaray amarro masaafurisah oo ku sugan gobolka Minneapolis, halkaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda.

Mas'uuliyiinta magaalada Minnesota ayaa cambaareeyay qorshahaas, iyagoo ku doodaya in ay suuragal tahay in si khalad ah loo qabto muwaadinin Maraykan ah oo laga yaabo in ay u muuqdaan kuwo ka yimid dalka Soomaaliya.

ICE

Xigashada Sawirka, Getty Images

Minneapolis iyo St Paul, oo si wadajir ah loogu yaqaan Twin Cities (magaalooyinka mataanaha ah), ayaa hoy u ah mid ka mid ah bulshooyinka Soomaaliyeed ee ugu ballaaran adduunka.

Shir jaraa'id oo ay qabteen, ayuu Duqa Minneapolis Jacob Frey wuxuu ka digay in ololaha ay wadaan waaxda Xoojinta Socdaalka iyo Xudduudaha ee Mareykanka (ICE) "uu la micno yahay in la jebin doono habraacyada sharciga".

Sida ay sheegeen hoggaamiyeyaasha gudaha, waxaa halkaas ku nool ku dhowaad 80,000 oo qof oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, ayna badankoodu yihiin muwaadiniin Mareykan ah.

Howlgalkan ayaa la filayaa inuu bilaabmo toddobaadkan dhexdiisa, waxaana ka qayb qaadan doona ku dhowaad 100 wakiil oo ka tirsan ICE, sida uu qoray New York Times oo markii ugu horreysay baahiyay warbixinta ku saabsan ciidankan federaalka ah.

Haweeney u hadashay Waaxda Amniga Gudaha—oo maamusha ICE—ayaa diidday inay ka hadasho howlgalka soo socda, waxayna beenisay in dad gaar ah la bartilmaameedsan doono.

Trump

Xigashada Sawirka, SOCIAL

"Maalin kasta, ICE waxay fulisaa shuruucda dalka oo dhan," ayay tiri Ku-xigeenka Xoghayaha, Tricia McLaughlin, oo bayaan soo saartay.

"Waxa qof ka dhigaya bartilmaameed ICE ma aha jinsiyaddiisa ama qowmiyaddiisa, balse waa xaqiiqda ah inuu ku joogo dalka si sharci-darro ah."

Maamulka Trump ayaa adkeeyay cadaadiska socdaalka tan iyo markii la toogtay labo ka tirsan Ilaalada Qaranka Washington DC toddobaadkii hore, taas oo sababtay dhimashada Sarah Beckstrom, oo 20 jir ahayd, isla markaana dhaawac culus u geysatay Andrew Wolfe, oo 24 jir.

Ninkii loo qabtay weerarka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Afghanistan.

Trump oo Talaadadii la hadlayay saraakiishiisa sare ayaa sheegay in dadka ka yimaada Soomaaliya ay "ka yimaadeen jahannamo oo ay haddana cabanayaan."

"Ha ku noqdaan meelaha ay ka yimaadeen oo ha hagaajiyaan," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku "jid khaldan u leexan doono haddii aan sii wadno inaan dalka keenno qashin."

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Intii lagu guda jiray kulanka golaha wasiirrada, Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ayaa soo jeedisay in hay'adeedu ay bartilmaameedsan doonto khiyaamada fiisaha ee Minnesota.

Senator-ka Gobolka Minnesota, Saynab Maxamed, ayaa barteeda X kusoo qortay in "marka wakiillada ICE ay la falgalaan Soomaalida halkan, ay ogaan doonaan waxa aan sannado badan sheegaynay: In inta badan aan nahay muwaadiniin Mareykan ah."

Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka, waxaana dadka badan ee u haajiray Maraykanka ay ka tageen dalka 1990-meeyadii xilliyadii dagaalladii sokeeye ee muddada dheeraa.

Hoggaamiyeyaasha deegaanka ayaa cambaareeyay qorshaha Trump, iyagoo ku tilmaamay "cunsuriyad" iyo isku day lagu khaldayo bulshada.

"Waxaan soo dhaweyneynaa taageerada ku saabsan baarista iyo maxkamadeynta dambiyada," ayuu yiri Guddoomiyaha Minnesota ee Dimuqraadiga ah, Tim Walz, oo ahaa musharraxa madaxweyne ku xigeenka ee Kamala Harris ee doorashadii 2024, isla markaana maalmahan si adag ugu jawaabayay madaxweynaha.

"Laakiin buunbuuninta iyo in si indho la'aan ah loo beegsado muhaajiriinta ma aha xal dhab ah oo loo hayo dhibaatada."