Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu
hoggaamianyo ayaa galabta gaaray caasimadda dalka Aljeeriya ee Aljeris, halkaas
oo uu ku tegay marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Dhiggiisa dalkaas Madaxweyne
Cabdulmajiid Tabuun.
Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu
kulan gaar ah la qaadan doonaa Madaxweynaha Aljeeriya Mudane Abdelmadjid
Tebboune iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladdiisa, si ay uga wada hadlaan
iskaashiga amniga, ganacsiga, waxbarashada, iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee
labada dal sida lagu baahiyay Warbaahinat Dowladda Soomaaliya
Taliska xoogga oo ka warbixiyay eedeysanayaal loo qabtay dhacadadii foosha xumeyd ee ka dhacday Wanlaweyn
Xigashada Sawirka, SNTV
Taliyaha ciidanka Dhulka Sareeye Guute Sahal Cabdullaahi
Cumar ayaa sheegay in eedeeysanayaal ku eedeeysan dhacdadii dilka iyo gubista
ahayd ee ka dhacday aagga Walaweyn in eedeysanayaal gacanta lagusoo dhigay isla
markaasian lagu wareejiyay laamaha caddaalada.
“ Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed waxa uu aad uga
xun yahay falkii bahalnimada ahaa ee lagu dilay marxuum Isaaq Daa’uud Maxamed
laguna gubay taariikhdu markii ay ahayd 7/11/2025” ayuu yiri Taliyaha oo intaasi
ku daray in Falkaasi uu ka dhacay deegaanka Dundumaayee degamada Wanlaweyn ee
gobolka Sh/hoose
Taliyaha ayaa sheegay in falkaasi aanu ahayn mid ku banaan diinteena
iyo dhaqankeena midna.
Taliyuhu wax uu sheegay in lasoo qabtay seddex edeysane oo lagu
tuhmayo in ay geeysteen falkaasi foosha xumaa
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoosee Ibraahim Aden
Najax oo warfideeynka la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin “ dhacdooyinkii
ugubka ahaa ee ka dhacay gobolka Sh/hoose”
Trump oo ku hanjabay dacwad $1bn ah oo ka dhan ah BBC
Xigashada Sawirka, EPA
Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warramaysa warqad la sheegay
inay ka timid kooxda qareennada ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo loo
diray BBC-da.
Warqadda waxa ay BBC siinaysaa wakhti kama dambays ah ilaa Jimcaha
14ka Nofembar 22:00 GMT (17:00 EST) si ay "ka laabasho buuxda oo cadaalad
ah" uga samayso dukumenteriga Panorama - ama in lagu dacwayo $1bn (£760m).
Waxay u qornayd sidan: "Haddii BBC-du u hoggaansami
weydo arrimaha kor ku xusan Nofembar 14, 2025, 5:00 p.m. EST, Madaxweyne Trump
waxa loo ogolaan doonaa iyadoo anaay jirin wax kale oo aan ahayn inuu fuliyo
xuquuqdiisa sharciga ah iyo xaqa uu leeyahay, kuwaas oo dhammaantood ah kuwo si
cad loo xafiday oo aan la dhaafi Karin kuwaas oo ay ku jirto in la sameeyo tallaabo sharci
ah oo aan ka yarayn $ 1,000,000 (Hal bilyan oo dollar) oo ah dhaawacii loo
geystay. BBC-da waa la ogaysiinayaa."
Waxa aan idin soo gudbin doonaa warqadda BBC-da loo soo
diray – waxaanan soo gudbin doonaa faahfaahin dheeraad ah isla marka aan helno
Trump oo horay u dacweeyay warbaahin ay ka mid tahay CBS, CNN iyo Wall Street Journal
Xigashada Sawirka, Reuters
Sida aan horay u sheegnay, BBC News ayaa ogaatay in
madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu BBC uuusoo diray warqad uu ugu hanjabayo in tallaabo
sharci ah laga qaadi doono.
BBC-da ayaa sheegtay inay heshay warqadda, ayna ka jawaabi
doonto waqtiga ku habboon.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa taariikh dheer ku leh
dacwooyinka -ama hanjabaada ah inuu
dacweyn doono - warbaahinta, taasoo ay ka soo baxday natiijooyin kala duwan.
Bishii Luulyo, tusaale ahaan, CBS News iyo shirkadda ay bah
wadaagta yihiin ee Paramount waxay ogolaadeenis afgarasho $16 milyan (£13.5m) ka dib markii uu dacweeyay
Trump, kaasoo ku eedeeyay khiyaano dhanka faafreebka ah oo ku saabsan wareysi ay
la yeesheen madaxweyne ku xigeenkii iyo musharraxa Dimuqraadiga Kamala Harris
kahor doorashada 2024.
Isla bishaas, Trump wuxuu gudbiyay dacwad $10bn ah oo ka
dhan ah Wall Street Journal iyo mulkiilaha Rupert Murdoch isagoo ku eedeeyay
inuu warqad ku saabsan dhalashadiisa uu u qoray dambiilaha galmada ee Jeffrey
Epstein.
Aqalka Cad ayaa marar badan ku celceliyay in warqaddaasi ay
tahay mid sax ah welina ay socoto dacwadda.
Warbaahinta kale ee dacwadaha Trump wajahay waxa ka mid ah
New York Times, CNN iyo Des Moines Register.
Trump oo BBC ugu hanjabay in uu tallaabo sharci ah ka qaadi doono
Xigashada Sawirka, Reuters
Trump ayaa ugu hanjabay BBC in tallaabo sharci ah laga qaadi
doono iyadoo guddoomiyaha BBC uu raaligelin ka bixiyay 'qaladka go'aan' ee
tafatirka hadalka
BBC-da waxa ay ogaatay in madaxweyne Donald Trump uu BBC usoo
diray warqad uu ugu hanjabayo in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Wax yar ka hor inta aan la ogaanin in Donald Trump uu ugu
hanjabay BBC-da in tallaabo sharci ah laga qaadi doono, hoggaamiyaha Liberal
Democrats Ed Davey ayaa ku boorriyay dowladda inay cambaareyso hadallada uu
madaxweynaha Mareykanka xalay kagasoo horjeeday BBC.
Warqad loo diray Ra'iisul Wasaare Keir Starmer, hogaamiyaha xsibiga
muxaafidka Kemi Badenoch iyo iyo hogaamiyha xisbiga kale ee Reform ee Nigel Farage, ayaa Davey waxa uu ku yiri "ma aha in ay quwadaha shisheeye u taliyaan
halka dadka Britishka ah ay ka helaan warkooda".
"BBC waxaa iska leh Britain, ma aha Trump. Waa inaan si
wadajir ah u difaacno," ayuu yiri Davey.
Madaxa BBC Samir Shah oo raaligelin ka bixiyay " sida BBCdu u faafreebtay khudbaddii Donald Trump
Xigashada Sawirka, PA Media
Guddoomiyaha BBC Samir Shah ayaa raaligelin ka bixiyay
"Khalad xukun" oo ku saabsan sida filim dokumenti ah uu u tafatiray
khudbadii Donald Trump
Agaasimihii guud ee BBC Tim Davie iyo maamulaha guud ee warraka
Deborah Turness ayaa iscasilay habeenimadii Axadda, ka dib markii qoraal sir ah
oo si qarsoodi ah loo faafiyay uu dhaliilay barnaamijka Panorama ee 2024 oo ku
saabsan madaxweynaha Mareykanka.
Wargeyska The Telegraph ayaa daabacay qoraalkan, oo uu qoray
lataliyihii hore ee Michael Prescott, isagoo soo jeedinaya in barnaamijka la
isku daray laba qaybood oo ka mid ah khudbadda Trump si uu ugu muuqdo mid si
cad u dhiirigelinaya rabshadihii Capitol Hill ee Janaayo 202.
Warqad uu u diray xildhibaanada guddiga dhaqanka,
warbaahinta, iyo isboortiga, Shah wuxuu ku sheegay in tafatirka "ay bixisay
aragti ah baaq toos ah oo ah ficil rabshadeed"
Waxa uu qoray: "Tan iyo markii la daabacay qoraalka Mr
Prescott, arrintani in ay keentay in ka badan 500 oo cabashooyin ah. Kuwaas
hadda loola dhaqmayaa si caadi ah. Waxay sidoo kale kicisay feker dheeraad ah
BBC-da.
"Gabagabada wada-tashigaas ayaa ah in aan aqbalnay in
habka loo tifaftirayay khudbadda ay bixinayso aragti ah baaq toosa oo
rabshado ah. BBC-du waxay jeclaan lahayd inay raalli-gelin ka bixiso khaladkaas
xukunka ah." Ayuu yiri.
Cabdinaasir Saxansaxo oo loo magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Xigashada Sawirka, OPM Somalia
Ra’iisul
Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi
Barre ayaa Cabdinaasir Axmed Bashiir (Saxansaxo) u magacaabay Agaasimaha Waaxda
Warfaafinta ahna Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga bilaabo maanta.
Cabdinaasir
Saxansaxo waxa uu beddelayaa Farxaan Maxamed
Jimcaalle oo xilkaasi horey u haayey ka hor inta uusan ka mid noqon Guddigga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ).
RSF oo in ka badan konton kun oo rayid ah ku xirxiray gooba ku yaal El Fasher
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wararka ka
imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in ciidamada RSF-ta ay in ka badan konton
kun (50,000) oo rayid ah ku xirxireen shan goobood oo ku yaalla gobolka El
Fasher ee Waqooyiga Darfur, iyagoo u diidaya inay ka baxaan magaalada.
Goobjoogayaal
ayaa RSF ku eedeeyay in ay ku qasbeen maxaabiista, gaar ahaan ragga
dhallinyarada ah inay duubaan farriima madaxfurasho ah oo ay u dirayaan qoysaskooda.
Ururka
dhakhaatiirta Suudaan ayaa ku eedeeyay RSF in ay boqolaal meydad ah ka
nadiifinayeen waddooyinka magaalada si ay u qariyaan tacaddiyada ka dhanka ah
dadka rayidka ah.
Shabakadda
Dhakhaatiirta Suudaan ayaa cambaareysay dilka iyagoo ku tilmaamay “xasuuq abaabulan”
waxayna ku baaqeen baaritaan caalami ah.
Isbeddel lagu sameeyay qaar ka mida maalmaha fasaxa rasmiga ee Suuriya iyo khilaaf xooggan oo ka taagan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wareegta cusub ayaa muran iyo khilaaf xooggan ka dhalisay baraha bulshada, kaddib markii la shaaciyay in la joojiyay dabaaldegyada iyo
fasaxyada la xiriira dhacdooyinka taariikhiga ah, kuwo cusubna lagusoo daray.
Go’aankaasi waxa uu baabi’iyay laba fasax ama munaasabdood
oo loo asteeyay sannad-guuradii dagaalkii Oktoobar 1973-kii, iyo
sannad-guuradii kasoo wareegtay markii ay mas’uuliyiintii Cusmaaniyiintu
dileen tiro dhaqdhaqaaqeyaal ah sannadkii 1916kii.
Wareegtada ayaa sidoo kale waxa ku jiray in lagu daro labo
fasax oo cusub oo la xiriira kacdoonka Suuriya, halka liiska fasaxyada aysan ku
jirin maalmaha fasaxyada ee la xiriira Kurdiyiinta.
Muxuu ku saabsanyahay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada ee ka furmay Jowhar
Xigashada Sawirka, SNTV
Magaalada
Jowhar waxa goor dhaweyd ka furmay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada,
kaas oo ay ka qeyb-galeen wasaaradaha arrimaha gargaarka ee
dowlad-goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha iyo
qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabelle, Mudane Cali
Guudlaawe Xuseen, ayaa si rasmi ah u furay Shirka .
Shirka waxa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin
Cabdulle, iyo wakiillo ka socda Qaramada
Midoobay, ururrada samafalka, bulshada rayidka, hoggaamiyeyaal maxalli ah, iyo
xubno ka socda hay’adaha caalamiga ah.
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta
Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), isla markaana ah kii 9-aad, ayaa inta uu socdo
diiradda lagu saari doonaa xaaladaha bani’aadannimo, gaar ahaan barakaca,
abaaraha, iyo sidii loo mideyn lahaa jawaabaha degdegga ah ee laga bixiyo
musiibooyinka.
Ingiriiska oo ciidamo iyo qalab u diray Belgium si ay uga hortagaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka
Xigashada Sawirka, Instagram
Qoraalka sawirka, .
Ciidamada dalka
Belgium-ka ayaa taageero ka codsaday UK horraantii toddobaadkan, sida uu BBC-da
u sheegay, madaxa ciidamada difaaca, Richard Knighton.
Gegida
dayuuradaha ee Brussels ayaa si ku meel gaar ah loo xiray habeenimadii
Khamiista, ka dib markii lagu arkay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo
yaqaano (UAVs) meel u dhow magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium.
Diyaaradaha
Drones-ka ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in lagu arkay goobo kale oo ay ka
mid tahay Saldhig ciidan.
Isagoo la
hadlayay barnaamijka telefishinka BBC-da ee ay daadihisay Laura Kuenssberg Axaddii,
madaxa ciidamada difaaca Knighton ayaa sheegay, in UK ay siineyso taageero
militari oo ay uga jawaabeyso codsiga Belgium, qalab iyo shaqaaluhuna ay ku soo
wajahan yihiin.
Fiidnimadii
Axadda, warar ka soo baxay Belgium ayaa sheegay, in saddex diyaaradood oo kale
la arkay iyagoo dul heehaabaya warshadda tamarta Nukliyeerka ee Doel.
Afhayeen u
hadlay shirkadda tamarta Engie ENGIE.PA ayaa xaqiijiyay in aysan jirin wax
carqalad ah oo ku yimid shaqada warshadda.
Duulimaadyada
garoonka caalamiga ah ee Liege ee Grace-Hollogne ayaa si ku meel gaar ah loo
hakiyay, sababo la xiriira muuqaallo diyaarado kale oo lagu arkay hawada.
Inaad labo jeer cadeysato maalintii ma wanaagsana, sababta ogow
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Dhammaanteen waxaan u maleyneynaa inaan naqaanno sida loo cadaydo ilkaheenna - xoqid subax iyo habeen, biyo ku raaci iyo laga yaabee isticmaalka af-dhaq ka sameysan nacnaac oo qiyaas wanaagsan ah.
Laakiin sida ay qabaan khubarrada ilkuhu, xitaa dadka cadeysiga aadka ugu dadaala waxaa laga yaabaa inay samaynayaan khaladaad yar oo dib u dhigaya shaqadooda wanaagsan.
Dr Praveen Sharma, oo ka tirsan dugsiga cilmiga ilkaha ee jaamacadda Birmingham, ayaa sheegay in kala bar dadka qaangaarka ah ee ku nool UK uu mar uun ku dhici doono cudurka cirridka iyo calaamadda hore ee cirridka oo dhiig baxaya.
"Haddii cirridkaagu uu dhiig baxayo ama bararayo waa calaamad ku tusineysa inaad u baahan tahay inaad si fiican u cadayato," ayuu yiri.
Iyo sidoo kale booqashooyinka joogtada ah ee dhakhtarka ilkaha, halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa afar shay oo isaga iyo daadiheyeyaasha barnaamijka What's Up Docs ee BBC Dr Xand iyo Dr Chris van Tulleken, ay ku sheegeen in qaar badan oo naga mid ah ay hadda khaldan yihiin kuwaas oo haddii aan beddelno hagaajin kara caafimaadka ilkaheenna.
"Aadan wuxuu lahaa timo casuus ah iyo indho cagaaran, mana uusan u ekeyn walaalihiisa kale ee gabdhaha iyo wiilashada ah. Aniga waan jeclaa ilaa markii aan maqlay oohintiisii ugu horreysay. Wuxuu ahaa iftiin ii baxay xilli aan mugdi ku jiray", sidaas waxaa tiri Jovan.
Laakiin cunuggaas aabihiis wuxuu ahaa ninka iyada afduubka u heystay, waxayna ugu dambeyn ku khasbanaatay inay faraheeda ka bixiso.
Jovan markii hore waxay ku jirtay nolol aad u qurux badan, waxayna meel la dagganeyd seygeeda Khedr iyo carruurteeda.
Waxay ku noolaayeen xaafad xasiloon oo ku taalla deegaannada ay waddanka Ciraaq ka daggan yihiin dadka kasoo jeeda qowmiyadda Yaziidi.
Waxay aad u jeclaan jirtay xilliyada xagaaga, markaasoo iyada iyo seygeeda ay bannaanka hore ee gurigooda isla tagi jireen marka ay carruurta ka seexdaan.
Waxay si wada jir ah u sheekeysan jireen iyagoo daawanaya cirka nadiifta ah ee ay xiddiguhu ku sharraxan yihiin.
"Aaad baan u faraxsanaa, waxaana ku noolaa nolosha ugu fiican ee qof u suurtagali karta", ayey tiri Javan.
Laakiin noloshii ceynkaas ahayd mar ayey isu baddashay si aan kasoo noqosho lahayn. Waxay markaas ahayd xagaagii 2014-kii.
Maalin ka mid ah bishii August ee sanadkaas, wakhtigii qadada ka dib, labo gaari oo uu ka dul babbanayay calan madow ayaa xaafaddooda soo gashay.
Hase ahaatee, qaarkood way garanayeen wajiyadooda - sababtoo ah waxay ahaayeen rag ka soo jeeday xaafadaha dariska la ah. Raggii dadka xaafadda waxay u ballan qaadeen inaysan wax dhibaato ah gaarsiin doonin haddii ay amarkooda.
Dimuqraadiyiin la saftay jamhuuriyiinta si loo meel mariyo heshiis lagu soo afjarayo shaqa joojinta Mareykanka
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Senetarrada
mareykanka ayaa meel mariyay heshiis u gogo xaaraya in lagu so oaf-jaro shaqa
joojintii dhawaan ku timid hay’adaha dowladda Mareykanka, kuwaas oo shaqadoodu
joogsatay markii ugu horreysay muddo sanado ah.
Koox ka
tirsan xisbiga dimuqraadiyiinta ayaa taageeray heshiis ay soo jeediyeen
Jamhuuriyiinta aqalka senetka.
Ka dib 40
maalmood oo is-mari-waa ah, tani waa calaamaddii ugu horreysay ee horumar laga
sameeyo - laakiin heshiiska ayaa weli u baahan inuu meel mariyo Aqalka, iyadoo
dimuqraaddiyiinta ay ka soo horjeedaan.
Xubno ka
tirsan Dimuqraaddiga oo aad u firfircoon, ayaa ka caraysan in tiro yar oo ka mid ah
asxaabtooda Senate-ka ay heshiis la galeen Jamhuuriyiinta Trump.
Toddobaadyadii u dambeeyay, boqolaal kun oo
shaqaalaha dowladda ah ayaa shaqeeyay iyaga oo aan wax mushahar ah qaadan,
adeegyadiina waa la carqaladeeyay guud ahaan Mareykanka
Ragga xoogga lagu mehersado ee ay gabdhuhu afduubtaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Gabdhaha gobol kamid ah dalka Hindiya ayaa leh dhaqan la yaab leh marka ay joogto bulshooyin ay kamid yihiin Soomaalida. Waxay qasab u guursadaan wiilka ay jeclaadaan, xitaa haddii uusan isagu ka helin iyada.
Dalka Hindiya waa kan ugu dadka badan caalamka sannadkan sii dhamaanaya ee 2023-ka, wuxuuna leeyahay dhaqammo aad u badan, waana taas sababta keenta in marar badan aad ku arki karto falal iyo dhaqammo ay qaar badan oo bulshooyinka caalamka ka mid ahi u arkaan wax la yaab ah.
Gobolka Bihar ee dalkaas qaarad u ekaha ah ee Hindiya, waxaa ka jira dhaqan gaamuray oo halkaas looga yaqaan ‘Pakadaua Vivah’ oo la macne ah 'guurka afduubka', kaas oo gabadhu dirsanayso dad usoo afduuba wiilka ay ka hesho si ay xoog ugu guursato.
Geyiga Soomaalida, haddii xoog, xatooyo ama xodxodasho wax lagu guursanayo, mar walba waxaa sidaas sameeya wiilka.
Dhaqankan gobolka Bihaar, kuma eka oo kaliya gabdhaha ee qoyska gabadha dhalay una doonaya gabadhooda wiil fiican ayaa usoo afduuba iyaga oo ugu dambeyntiina bixinaya lacagtii meherka wiilka ama yaradkiisa.
Taasi waxay keentay in uu qaali noqdo guurku. Maadaama uusan wiilku dookhiisa ku guursan gabadha ama dhookha qoyskiisa, waxay qoyska wilku sare u qaadayaan dhaqaalaha ay ka rabaan qoyska gabadha wiilka soo afduubtay.
Madaxa BBC-da oo la filayo inuu hadal jeediyo kadib is casilaaddii agaasimaha guud iyo madaxa wararka
Qoraalka sawirka, .
Madaxa BBC-da, Samir Shah, ayaa la filayaa inuu raalli gelin
bixiyo, iyadoo uu maanta hadal ka jeedin doono guddiga baarlamaanka.
Waxay imanaysaa ka dib markii agaasimaha guud ee BBC, Tim
Davie, iyo madaxa waraka, Deborah
Turness ay is casileen habeenimadii Axadda, ka dib markii lagu dhaleeceeyay
dukumeenti khiyaameeyay daawadayaasha iyadoo si kale loo dhigay ama la habeeyay
khudbad uu jeediyay Donald Trump.
Wargeyska Telegraph ayaa daabacay qoraal sir ah oo ay
leedahay BBC oo soo jeedinaya in dukumeenti Panorama ah uu isku xiray laba
qaybood oo ka mid ah khudbaddii Trump si uu u muuqdo inuu si cad u
dhiirrigelinayo rabshadihii Capitol Hill ee Jannaayo 2021.
Qoraalku wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay dhinacyo kale oo ka
mid ah baahinta wararka ee BBC News.
Trump iyo hogaamiyaha Suuriya, Al-Sharaa oo ku kulmaya Aqalka Cad
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Madaxweynaha
Maraykanka, Donald Trump, iyo hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Suuriya, Ahmet
Shara, ayaa ku kulmi doona Aqalka Cad maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka
November.
Waxaa la
shaaciyay in labada dhinac ay ku kulmi doonaan xafiiska Oval Office, kulankan
ayaa ah mid albaabada u xiran yihiin oo saxafada loo ogolayn.
Shara waxa
ay Washington soo gaaray habeennimadii Sabtida. Wuxuu markii ugu horreysay la
kulmay Agaasimaha Maamulka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) Kristalina Georgieva
iyo wakiillo ka socda dhowr hay’adood oo Suuriyaan ah oo ku sugan Mareykanka.
Af hayeenka
Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa bayaan ay soo saartay 4-tii November ku
tilmaantay kulanka in uu qeyb ka yahay, dadaallada dublamaasiyadeed ee Trump ee
ah in uu la kulmo qof kasta oo adduunka ah si loo helo nabad.
Waxay sidoo
kae dib u xusuusisay in Trump uu go’aansaday in uu cunaqabataynta ka qaado
Suuriya, intii lagu guda jiray safarkiisii Bariga Dhexe ee bishii June.
Kulanka ayaa la filayey in muddo ah. Ergeyga gaarka ah ee Trump u qaabilsan bariga dhexe ahna safiirka u fadhiya Ankara, Tom Barrack, ayaa hore ula wadaagay rajada uu ka qabo in booqashadu ay dhacdo 10-ka November.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Assad Xasan Shaybani, ayaa xaqiijiyay in Sharaa uu booqan doono Aqalka Cad horraanta bisha November, wuxuuna caddeeyay in dib u dhiska Suuriya laga wada hadli doono inta uu shirku socdo.
Tom Barrack ayaa sidoo kale sheegay in ay rajeynayaan in Syria ay ku biirto isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ee ka dhanka ah Daacish.
Somaliland oo war ka soo saartay nidaamka e-Visa ee ay bixiso Soomaaliya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Laanta socdaalka iyo ilaalada xuduudaha Jamhuuriyada gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegtay in aan
deegaanada ay maamusho lagu soo gali karin dal ku gal (Fiise) ay bixisay
dowladda Soomaaliya.
Nidaamka fiisaha ee lagu geli karo Somaliland ayaa laanta
socdaalka iyo ilaalada xuduudaha ay sheegtay in jihaynta ay tahay in lagu war
geliyo dadweynaha.
Diyaaradaha, wakiillada laamaha socdaalka, howlgallada
diblumaasiyadeed iyo dhamaan socdaalayaasha ku wajahan Somaliland, iyada oo
tixraacayo qodobka sharciga ee tirsigiisu yahay 109/2025 ay hay’addu cadeyneyso
qodobkan:
In dal
ku galka ama oggolaansho safar ay soo saartay dowladda Soomaaliya aysan ka
shaqeyneyn in lagu soo galo Somaliland. Dukumentiyo noocaas ahna aan laga
aqoonsaneyn goob kasta oo xuduudda Somaliland ah. Shaqsiyaadka wata
dukumentiyadan, waxaa laga diidayaa soo gelitaanka, waxayna wajihi karaan nidaamka
sharciga u yaala shuruucda socdaalka qaranka.
Muwaadiniinta
ajaaniibta ah ee booqanaya Somaliland, waxay ka heli karaan dal ku galka fiisaha
markay yimaadaan garoomada diyaaradaha Hargeysa iyo Berbera.
Abaaro aan hore loo arag iyo biyo la'aan oo laga soo sheegayo Iiraan
Xigashada Sawirka, EPA
Iiraan – gaar ahaan caasimaddeeda Tehraan – waxaa soo food saartay abaar aan hore loo arag dayrtan, iyada oo roobabku ay gaareen heerkii ugu hooseeyay, kaydadkuna ay ku dhow yihiin faaruq.
Saraakiishu waxay ka codsanayaan muwaadiniinta inay ilaashadaan biyaha marka ay dhibaatadu sii korodho.
Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa ka digay in haddii roob ku filan uusan dhawaan di’in, in biyaha Tehran la beeqaamin karo.
Laakiin wuxuu sheegay in xitaa qaybinta laga yaabo inaysan ku filnayn si looga hortago musiibo. "Haddii qaybinta iyo beeqaamintu shaqayn waydo," Pezeshkian ayaa sidaa yiri, "waxa laga yaabaa in aan Tehran ka baxno."
Hadaladiisa ayaa dhaliyay dhaleeceynta wargeysyada Iiraan iyo baraha bulshada. Duqii hore ee Tehran Gholamhossein Karbaschi ayaa ku tilmaamay fikradda "kaftan" wuxuuna yiri "in Tehraan dadka laga daadgureeyo haba yaraatee wax macno ah ma samaynayso".
Saraakiisha saadaasha hawada ee Iiraan ayaa sheegay in wax roob ah aan la fileyn 10-ka maalmood ee soo socda.
Donald Trump ayaa soo dhaweeyay iscasilaadda agaasimaha guud ee BBC-da iyo madaxa wararka kaddib eedeymo sheegaya in daawadayaasha lagu khalday tifaftirka khudbad uu jeediyay madaxweyne Trump.
Tim Davie iyo Deborah Turness ayaa xilalkoodii iska casilay kaddib markii warqad gudaha ah oo la dusiyay lagu cambaareeyay BBC-da in ay samaysay laba qaybood oo khudbadaha Trump ah oo la isku geeyay oo ay ka muuqato in Mr. Trump si cad u dhiirrigeliyay rabshadihii ka dhacay Capitol Hill bishii January 2021.
Mr. Davie ayaa qirtay in khaladaad la sameeyay, balse Ms. Turness ayaa beenisay eedeymaha ku saabsan eex ka jirta gudaha BBC-da.