Inaad labo jeer cadeysato maalintii ma wanaagsana, sababta ogow

Haweeney dhoolla-caddeyneysa oo ilkaheedana cadeyneysa

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Yasmin Rufo
    • Role, BBC News

Dhammaanteen waxaan u maleyneynaa inaan naqaanno sida loo cadaydo ilkaheenna - xoqid subax iyo habeen, biyo ku raaci iyo laga yaabee isticmaalka af-dhaq ka sameysan nacnaac oo qiyaas wanaagsan ah.

Laakiin sida ay qabaan khubarrada ilkuhu, xitaa dadka cadeysiga aadka ugu dadaala waxaa laga yaabaa inay samaynayaan khaladaad yar oo dib u dhigaya shaqadooda wanaagsan.

Dr Praveen Sharma, oo ka tirsan dugsiga cilmiga ilkaha ee jaamacadda Birmingham, ayaa sheegay in kala bar dadka qaangaarka ah ee ku nool UK uu mar uun ku dhici doono cudurka cirridka iyo calaamadda hore ee cirridka oo dhiig baxaya.

"Haddii cirridkaagu uu dhiig baxayo ama bararayo waa calaamad ku tusineysa inaad u baahan tahay inaad si fiican u cadayato," ayuu yiri.

Iyo sidoo kale booqashooyinka joogtada ah ee dhakhtarka ilkaha, halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa afar shay oo isaga iyo daadiheyeyaasha barnaamijka What's Up Docs ee BBC Dr Xand iyo Dr Chris van Tulleken, ay ku sheegeen in qaar badan oo naga mid ah ay hadda khaldan yihiin kuwaas oo haddii aan beddelno hagaajin kara caafimaadka ilkaheenna.

1. Inaad mar qura si fiican u cadeysato ayaa ka wanaagsan inaad labo jeer dhaqso u cadeysato

Waa mid ka mid ah amarrada dhanka ilkaha ee weyn - cadayashada laba jeer maalintii - taasina waa waxa waaxda caafimaadka UK ee NHS ay ku talinayso.

Laakiin Dr Sharma ayaa sheegay in furaha dhabta ah uu yahay tayada ee ma aha tiro.

"Haddii aad heli karto waqti, markaa haa, labo jeer maalintii," ayuu yiri. "Laakiin way fiican tahay in la cadeysto hal mar maalintii si fiican halkii aad labo jeer si dhaqso ah u sameyn lahayd."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haddii aad cadaysto hal mar maalintii markaas wuxuu kugula talinayaa inay noqoto fiidkii oo aad hubiso inaad sidoo kale ilkaha istakiin isaga bixiso waxa ku haray.

Dabcan, qofna ma jecla inuu isticmaalo waxyaabaha ilkaha looga bixiyo cunnada ku hartay kadib cadeysiga, laakiin Dr Sharma waxa uu sheegay in isticmaalka burushka ilkaha dhexdooda, gaar ahaan kuwa caagga ah, ay noqon karto mid fudud oo aan xanuun lahayn.

Marka ay timaaddo habka, ilig kastaa wuxuu leeyahay qeyb bannaanka ah, qeyb wax qaniinta iyo gudaha oo saddexdaba waxay u baahan yihiin in la cadeeyo.

Dr Sharma waxa uu ku taliyaa in buraahska lagu sameeyo dhaqdhaqaaq yar oo wareeg ah oo dusha ilig kasta ah iyada oo aan cadaadis badan la saarin. Waxa kale oo uu sheegay in si gaar ah loogu fiirsado halka ay isaga xirmaan iligga iyo cirridka maaddaama ay tahay meesha uu cudurka cirridka ka dhalan karo.

Dr Xand ayaa sheegay in ay muhiim tahay in aad diiradda saarto cadeysashada, oo aanad ku mashquulin taleefankaaga.

2. Cadeyso kahor quraacda, ma aha kadib

Dad badan ayaa ilkahooda cadayda isla markiiba ka dib markay wax cunaan, laakiin taasi waxa laga yaabaa in aanay wax faa'iido ah u samaynin dhaldhalaalka dabiiciga ah ee ilkaha dul saaran.

"Fikrad ahaan, cadayso ilkaha ka hor quraacda," ayuu yiri Dr Sharma. "Ma ahan inaad cadeysato kadib markaad wax aashito leh cunto ama cabto.

"Haddii aad cadaysaneyso ka dib, markaa waxaad u baahan tahay inaad waqti u dhaxeysiiso cunista iyo cadayashada."

Taasi waa sababta oo ah aashitada cuntooyinka iyo cabitaannada ku jira, gaar ahaan casiirka khudradda ama kafeega, waxay jilciyaan dhaldhalaalka iligga iyadoo cadayashada isla markiiba ka dib markaad wax cunto ay wax u dhimi karto ilkahaaga.

Dr Chris waxa uu soo jeedinayaa in afka lagu luqluqdo biyo ka dib markaad wax cuntid si aad uga takhalusto aashitada ka dibna aad sugto ugu yaraan 30 daqiiqo haddii aad cadaysaneyso ka dib quraacda.

3. Ha luqluan kadib cadeysiga

Haddii aad tufeysay oo biyo ku luqluqanaysay mar walboo aad cadeysato kadib, waxa laga yaabaa inaad u baahan tahay inaad dib uga fikirto tallaabada u dambaysa.

"Waad tufaysaa laakiin ma biyo raacineysid," Dr Sharma ayaa ku taliyay. Luqluqashada afkaaga waxay tirtiraysaa maaddada fluoride ee ku jirta dawada cadayga.

Taas macnaheedu waa in si fudud loo tufo daawada cadayga ee dheeraadka ah ee ilkahaaga ku hartay adiga oo ka tagaya inta khafiifka ah ee fluoride si ay u sii ilaaliso ilkahaaga.

4. Daawada lagu cadeysto oo qaali ah kama wanaagsana kuwa kale

Iyadoo dukaamadu ay ka buuxaan daawooyinka lagu cadeysto oo ilkaha caddeynaya, sida kuwa dhuxusha ka sameysan, waxaa fudud in lagu fekero in kuwa qaaliga ah ay dhoolla-caddeyn qurux badan ku siinayaan.

Balse sida uu qabo Dr Sharma, muhiim ma aha dhabtii shirkadda daawada cadayga aad dooraneyso, intiiba ay ku jiraan hal shey oo muhiim u ah daawada ilkaha.

"Intiiba daawada ilkaha ay ku jirto maaddada fluoride, wax farqi oo weyn uma dhaxeeyo," ayuu yiri, isagoo intaa raaciyay inuu iibsado kuwa rakhiiska ah amaba qiimo-dhimista ku jira.

Fluoride ayaa difaacda dhaldhalaalka dabiiciga ah ee ilkaha waxayna ka hor tagtaa in ilkuhu bololaan ama daxaleystaan, taas ayaana muhiim ah.