Trump oo dalal kale ku daray liiska xayiraadda socdaalka

Madaxweyne Donald Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

    • Author, Rachel Hagan

Madaxweyne Donald Trump ayaa kordhiyay xayiraadda dhanka socdaalka ee Mareykanka, isagoo ka mamnuucaya muwaadiniinta shan dal oo dheeri ah iyo dadka ku safraya dukumeentiyada ay bixiso maamulka Falastiin inay soo galaan Mareykanka.

Aqalka Cad ayaa sheegay in xannibaadahan looga dan leeyahay "in lagu ilaaliyo ammaanka Mareykanka" ayna dhaqan gelayaan 1-da Janaayo.

Xayiraadaha gelitaanka buuxa ayaa lagu soo rogi doonaa dadka ka soo jeeda Burkina Faso, Mali, Niger, Suudaanta Koofureed iyo Suuriya iyo sidoo kale dadka haysta baasaboorka maamulka Falastiin.

Maamulka ayaa sidoo kale Laos iyo Sierra Leone, oo horey loogu soo rogay xayiraado qeyb ah, ku daray liiska mamnuucida buuxda, waxaana ay xayiraad qeyb ah ku soo rogeen 15 dal oo kale, oo ay ku jiraan Nigeria, Tanzania iyo Zimbabwe.

Trump, oo adkeeyay xakameynta socdaalka tan iyo markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo, ayaa sheegay in xayiraadda socdaalka ee la ballaariyay ay ahayd mid lama huraan ah sababtuna ay tahay waxa maamulkiisu uu ku tilmaamay guul darrooyinka baaritaanka iyo hubinta nidaamyada dibadda.

Saraakiishu waxay soo xiganayeen heerka dalbashada fiisaha oo sarreeya, diiwaannada madaniga ah oo aan la isku halleyn karin, musuqmaasuqa, falalka argagixisada iyo in dalalku aysan Mareykanka kala shaqeyneyn aqbalidda muwaadiniintooda la atrxiilay.

Ku dhawaaqistan ayaa daba socotay xarigga muwaadin Afgaanistaan u dhashay oo looga shakisan yahay in uu dhowaan toogtey labo askari oo ka tirsan Ilaalada Qaranka, dhacdadaas oo Aqalka Cad uu tilmaamay in ay muujinayso walaaca dhanka amniga.

Waa markii saddexaad ee Trump uu soo rogo xayiraad dhanka socdaalka ah.

Muddadii ugu horreysay ee uu xilka qabtay, wuxuu soo bandhigay nidaam la mid ah kii 2017, kaasoo dhaliyay mudaaharaadyo iyo caqabado dhanka sharciga ah gudaha iyo dibaddaba. Siyaasada ayaa markii dambe waxaa taageertay maxkamada sare ee Maraykanka.

Aqalka Cad ayaa sheegay in xannibaadaha ay sii jiri doonaan illaa dalalka ay dhibaatadu saameysey ay ka muujinayaan "horumar lagu kalsoonaan karo" ee maamulka aqoonsiga, wadaagga macluumaadka iyo iskaashiga ay la leeyihiin mas'uuliyiinta socdaalka Mareykanka.

Kiisas gaar ah ayaa laga reebay oo mamnuuciddu ma saameyn doonto degganeyaasha rasmiga ah, dad badan oo hore u haystay fiisaha, dublamaasiyiinta, ama ciyaartooyda u safraya dhacdooyinka ciyaaraha waaweyn. Saraakiishu waxay sheegeen in kiisaska qaar laga reebi doono xayiraadda sida meelaha safarka loo arko in ay ku jirto danta qaranka.

Dalalka ay saaran tahay xayiraadda buuxda ee socdaalka:

  • Afghanistan
  • Burkina Faso
  • Burma
  • Chad
  • Equatorial Guinea
  • Eritrea
  • Haiti
  • Iran
  • Laos
  • Libya
  • Mali
  • Niger
  • Jamhuuriyadda Congo
  • Sierra Leone
  • Soomaaliya
  • Suudaanta Koofureed
  • Sudan
  • Suuriya
  • Yemen
  • Shakhsiyaadka ku safraya dukumentiyada uu bixiyo Maamulka Falastiin

Xayiraado qeyb ah:

  • Angola
  • Antigua and Barbuda
  • Benin
  • Burundi
  • Côte d'Ivoire
  • Cuba
  • Dominica
  • Gabon
  • Gambia
  • Malawi
  • Mauritania
  • Nigeria
  • Senegal
  • Tanzania
  • Togo
  • Tonga
  • Venezuela
  • Zambia
  • Zimbabwe

Kiis gaar ah:

  • Turkmenistan (xayiraadaha muhaajiriinta ayaa sii jiri doona balse waa laga qaaday dal ku galka kale ee aan ahayn u guuridda Mareykanka)