Cabdirisaaq Abuukar: Bajaajlaha ku guuleystay lottery-ga Mareykanka ee wadku kala dhantaalay riyadiisa

Muqdisho

Xigashada Sawirka, YUSUF ABSUGE

    • Author, Ibraahim Maxamed Aadan
    • Role, Weriyaha BBC ee Muqdisho

Habeennimadii Axadda ee Isniintu soo galaysay waxaa Muqdisho lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysan jiray mooto bajaaj degmada Dayniile. Wiilkan oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Abuukar Maxamed ayaa isagoo kaxeynaya mootadiisa ku soo dhex dhacay rag hubeysan oo rasaas ridaya, deetana xabaddihii raggaasi ay ridayeen ayaa uga dhacay laabta iyo dhuunta, waxayna taasi keentay in isla goobta uu ku dhinto sida ehelladiisu ay u xaqiijiyeen BBC-da.

Caasho Cabdi Maxamed oo ah gabadha u dhaxday Cabdirisaaq ayaa sheegtay in uu soo gaaray warka dhiillada leh ee dhimashada saygeeda daqiiqada ka dib markii shilku dhacay.

"Qof ayaa qaaday taleefanka Cabdirisaaq oo wacay qofkii ugu dambeeyay ee uu marxuumku garaaco, wuxuuna u sheegay in uu dhintay oo la dilay qofkii lahaa taleefanka, qofkii la wacay ayaa na soo wacay oo noo sheegay in Cabdirisaaq la dilay, si aan u hubino goobtii ayaan tagnay, sidaas ayaana ku xaqiijinay geeridiisa" sidaas waxa BBC-da u sheegtay xaaska marxuumka Caasha Cabdi Maxamed.

Booliska ayaa la soo weriyay in ay gacanta ku soo dhigeen nin ku eedeysan in uu mas'uul ka ahaa dilka darawalka mooto bajaajta.

War kooban oo ay boolisku soo dhigeen bartooda Facebook ayaa u qornaa sidan "Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, saldhigga degmada Dayniile, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane S/le Cabdullaahi Axmed Geedi, oo ku eedeysan inuu degmada Dayniile ku dilay marxuum Cabdirisaaq Abuukar Maxamed, oo ahaa wade mooto Bajaaj.

Eedeysanaha ayaa ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh."

Maydka marxuumka ayaan wali la aasin, wuxuuna yaallaa qaybta maydadka la dhigo ee isbitaalka Erdogan ee horey loo oran jiray Digfeer.

Maxay tahay sababta aan wali loo aasin maydka marxuumka?

Muqidisho

Xigashada Sawirka, YUSUF ABSUGE

In kastoo habeennimadii Axadda la dilay Cabdirisaaq haddana wali lama aasin maydkiisa sida ay xaqiijiyeen ehellada marxuumka.

Ehellada marxuumka ayaa sheegaya in aan la aasi doonin maydka illaa laga helo raggii dilkiisa gaystay, isla markaana caddaaladda laga horgeynayo.

"Wiilka maaddaama dadkii dilay aan wali la isku afgaran, xaqiisiina meel u dhicin yaan la duugin ayay qoysku ku tashteen, xitaa haddii la waayo raggii dilka gaystay waa in la soo xiraa dadkii damiinka ka ahaa" ayuu yiri Yuusuf Absuge oo ehel la ah marxuumka la dilay mar uu waraysi siiyay BBC-da.

Lama oga waqtiga la aasi doono maydka Cabdirisaaq, hase yeeshee ehelladiisu waxay rajaynayaan in si degdeg ah sharciga loo horgeeyo kuwii dilkiisa gaystay, deetana maydka la aaso.

Marxuumka iyo xaaskiisa ayaa u ballansanaa waraysiga dal ku galka Maraykanka

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, YUUSUF ABSUGE

Qoraalka sawirka, Cabdirisaaq iyo Caasha ayaa aqal galay 2024
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Caasho Cabdi Maxamed iyo saygeeda Cabdirisaaq Abuukar Maxamed ayaa ku guuleysay Bakhtiyaa Nasiib (Lottery) ee dal ku galka Maraykanka oo ay xaraysteen sanad kii hore loona sheegay in ay ku guuleysteen sanad kan.

Caasho ayaa ahayd qofka gashay Bakhtiyaa Nasiibka, waxayna isla diiwangalisay ninkeeda, sidaas ayuu labadoodaba ugu soo baxay bishii May ee sanad kan.

"Lootariiga horta anaa xareystay, sida caadiga ah ee loo xareysto lootariiga ayaan u xareystay, Mayna natiijada in la i aqbalay ayaa ii soo baxday, markii hore ee aan is diiwangalinayay ayaan ku daray in aan xaasle ah oo raaciyay macluumaadka ninkeyga, sidaas ayuuna noogu soo baxay" ayay tiri Caasho Cabdi Maxamed.

Bishan sagaalkeeda ayay u balansanaayeen in ay maraan wareysiga dal ku galka Maraykanka oo ay u tagi lahaayeen safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Bangkok ee caasimadda dalka Thailand. Laakiin dib ayay u dhigteen illaa bisha Febraayo ee sanadka soo socda 2026, sababo la xiriirra Caasho oo hadda ah xaamilo aad u culus, kuna jirta bishii sagaalaad ee uurkeeda.

Nasiib darro geerida Cabdirisaaq ayaa ka soo hormartay balanta waraysiga dal ku galka Maraykanka ee ay u tagi lahaayeen Bangkok.

Caasho oo ay BBC-du wax ka weydiisay haddii kaligeed ay sii wadan doonto waraysiga iyo hannaanka dal ku galka Maraykanka ee ay ku guuleysteen, iyada iyo saygeeda la dilay ayaa sheegtay in hadda kaliya waxa u yaalo ay tahay tacsi iyo tiiraanyo.

Marxuumka ayaa ahaa darawal mooto bajaaj, wuxuuna bartay cilmiga shaybaarka oo uu dhameystay sanad kii 2023, xiligaas waxa uu maalmaha Khamiista iyo Jimcaha dhigan jiray jaamacadda, halka maalmaha kale uu ku shaqaysan jiray mooto Bajaaj.

Cabdirisaaq iyo Caasho waxay is guursadeen bishii Luuliyo sanad kii hore ee 2024, waxayna hadda sugayeen in uu ifka yimaado ubadkii ka beermay guurkooda iyo in ay u dhoofaan Maraykanka oo kamid ah himilooyinkii ay hiigsanayeen si nolol ka wanaagsan tan Soomaaliya ay halkaas uga bilaabaan.

"Waxaan rajeynaynay fursad shaqo iyo mid waxbarasho inaan ka helno Maraykanka, nolosheena horumar ballaaran ka sameyno, hadafyadaas ayaan lahayn" ayay tiri Caasho Cabdi Maxamed.

Muqdisho dhalinyaro badan oo ku shaqeysan jiray mooto bajaaj ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay sanadihii la soo dhaafay, lamase oga dilkan u dambeeyay sababta keentay, waxaase socoto baaris hay'adda dambi baarista boolisku gacanta ku hayso oo ku saabsan dilka wiilkan dhalinyarada ah.