Ragga xoogga lagu mehersado ee ay gabdhuhu afduubtaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gabdhaha gobol kamid ah dalka Hindiya ayaa leh dhaqan la yaab leh marka ay joogto bulshooyin ay kamid yihiin Soomaalida. Waxay qasab u guursadaan wiilka ay jeclaadaan, xitaa haddii uusan isagu ka helin iyada.
Dalka Hindiya waa kan ugu dadka badan caalamka sannadkan sii dhamaanaya ee 2023-ka, wuxuuna leeyahay dhaqammo aad u badan, waana taas sababta keenta in marar badan aad ku arki karto falal iyo dhaqammo ay qaar badan oo bulshooyinka caalamka ka mid ahi u arkaan wax la yaab ah.
Gobolka Bihar ee dalkaas qaarad u ekaha ah ee Hindiya, waxaa ka jira dhaqan gaamuray oo halkaas looga yaqaan ‘Pakadaua Vivah’ oo la macne ah 'guurka afduubka', kaas oo gabadhu dirsanayso dad usoo afduuba wiilka ay ka hesho si ay xoog ugu guursato.
Geyiga Soomaalida, haddii xoog, xatooyo ama xodxodasho wax lagu guursanayo, mar walba waxaa sidaas sameeya wiilka.

Xigashada Sawirka, Social media
Dhaqankan gobolka Bihaar, kuma eka oo kaliya gabdhaha ee qoyska gabadha dhalay una doonaya gabadhooda wiil fiican ayaa usoo afduuba iyaga oo ugu dambeyntiina bixinaya lacagtii meherka wiilka ama yaradkiisa.
Taasi waxay keentay in uu qaali noqdo guurku. Maadaama uusan wiilku dookhiisa ku guursan gabadha ama dhookha qoyskiisa, waxay qoyska wilku sare u qaadayaan dhaqaalaha ay ka rabaan qoyska gabadha wiilka soo afduubtay.
Maxkamad waxba kama jiraan ku tilmaantay guur toban jirsaday oo la sheegay in lagu dhisay 'Pakadaua'
Inkasta oo uu dhaqan soo jireen yahay dadka deegaankuna iskala qabsadeen, hadana waxaa hadal hayntiisa cusboonaysiiyey kadib markii maxkamadda sare ee gobolka ay waxba kama jiraan ku xukuntay guur toban sano jirsaday oo ku dhismay (afduub).
Ravikant Chandramouleshwar Singh oo kasoo jeeda tuulada Revra ayaa maxkamadda u sheegay in xoog lagu guursaday isla markaana uu doonayo inuu iska furo xaaskiisa Bandana Kumari oo ay is qabeen sannado.
Sida ay dacwado sheegayso, Ravikant ayaa la afduubtay xilli isaga iyo adeerkii Satyendra Singh ay aadeen macbad ku yaal Lakhisarai oo ah tuulada ay kasoo jeeddo gabadhu.
Qori ayaa madaxa laga saaray waxaana si sandulle ah loogu guuriyey Bandana Kumari. Sidani waxay dhacday sannadkii 2013-kii markaas oo Ravikant uu shaqo ka helay ciidanka.
Sida lagasoo xigtay Satyendra, waxaa xilligaas afduubtay Ravikant ”ilaa siddeed ruux oo qaar ka mid ah ay hubaysnayeen,” way jiideen Ravikanta waxayna adeerkiis oo ay goobta uga tageen u sheegeen in wiilkiisa la guurinayo.
Hase yeeshee Bandana iyo qoyskeeda ayaa ku doodaya inuusan ahayn guur xoog ah ee uu aha mid jacayl. Waxay qoyska gabadhu ku eedeeyeen qareenkooda inuusan si fiican usoo bandhigin dhamaan cadaymihii loo baahnaa.
Bandana Kumari ayaa leh, "Go'aankan maxkamadda sare waa khalad laakiin ma jirto wax cabasho ah oo ka dhan ah maxkamadda. Waxaan aadi doonaa maxkamadda racfaanka. Waxaan hayaa dhammaan cadeymaha. Labadeenaba waxaan isku guursanay rabitaankeena. Qareenkayagii wax caddayn ah ma soo bandhigin Maxkamadda Sare. Xitaa taleefanka nagama qabanayo.”

Xigashada Sawirka, BANDANA KUMARI
Wiilasha noocee ah ayaa la afduubtaa
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa gobolka ku yaraaday wiilasha wax bartay ama haysta shaqooyinka fiican maadaama ay yihiin bartilmaameedka ugu horeeya isla markiibana la dafo iyaga oo laga yaabo inaysan guurba ka fakarin.
Wiilashan ayaa si gaar ah loogu sheegaa inay muujiyaan feejignaan iyo taxaddar si aan loo afduubin guurna loogu qasbin.
Dhaqankan ayaa sare usii kacaya, dhowr jeer oo ay boolisku soo xiraan kuwa wiil afduubanayana ma aha wax ka niyad jabinaya in qoysasku gabdhahooda usoo afduubtaan wiilka ay la jeclaadaan amaba ay iyadu ka hesho.
Si kasta oo ay tahay, guurka afduubku waa ka sharci darro dalkaas hase yeeshee Sida laga soo xigtay Xafiiska Diiwaanka Dembiyada Gobolka, 7,194 kiis oo guur qasab ah ayaa laga soo sheegay gobolka intii u dhaxaysay Jannaayo iyo Noofambar ee sannadkii 2020kii, 10,925 sannadkii 2019, 10,310 sannadkii 2018, iyo 2017 oo la diiwaan galiyey 8,972 kiis oo guurka afduubka ah.
Kooxaha dembiilayaasha ah ayaa inta badan loo adeegsadaa in ay ragga afduubtaan oo ay ku qasbaan guur. Kiisas badan oo noocan oo kale ah ayaan la soo sheegin cabsida kooxahan laga qabo awgeed.
















