Waa maxay ragannimada, sidee ayaadse u noqon kartaa nin wanaagsan?

ragannimo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sidee ayay tahay inay raggu ahaadaan? Maxay tahay waxa laga doonayo inay sameeyaan? Maxaysan sameyneyn? Jawaabaha ayaa laga yaabaa inay ku kala duwanaadaan dalalka, dhaqanka iyo diintaba.

Waxaan dhammaanteen maqli jirnay waxyaabo ku saabsan ragga marka la joogo guryaha amaba dadka nagu hareereysan amaba bulshadeenna.

Waxaad maqli jirtay raggu ma ooyaan amaba mas’uuliyadda maareynta guriga waxay saaran tahay haweenka, raggu waxay qaban karaan howlaha adag amaba raggu waxay gaaraan go’aamada ugu dambeeya ee wax walba oo guriga ah. Dhammaanba oraahyadan waxay qeyb ka noqdeen fekerka bulshada.

Ameer Sultana, oo daraasaadka haweenka ka dhiga Jaamacadda Punjab, ee dalka Hindiya, ayaa yiri, "dhaqanka noocan ah ee ku wajahan ragga waxaa qaabeeya bulshada mana ahan wax la xiriira dabiiciyadda."

"Taasina waa sababta aan ugu aragno bulshadeenna inay qeexitaan kala duwan u sameeyaan ragannimada. Balse waxaa jira hal shey oo ay dhammaan bulshadu ka siman tahay – raggu waxay heystaan awoodda waxayna sameeyaan go’aamada ugu dambeeya."

Waa maxay ragannimadu?

ragannimada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Si jawaab loogu helo su’aashan, eray cusub ayaa la adeegsadaa – ragannimada togan.

Sida uu sheegay Gary Barker, oo ah Agaasimaha Sare iyo aasaasaha Xarunta Ragannimada iyo Caddaaladda Bulshada. Barker wuxuu wax ka sameeyay Daraasadda Caalamiga ah ee Ragga iyo Sinnaanta Jinsiga.

Waa daraasaddii ugu weyneyd ee abid laga sameeyo mowduuca dhaqanka ragga, aabbenimada, rabshadda iyo sinnaanta jinsiga.

Mar uu la hadlayay BBC, ayuu sheegay in ragga qudhooda ay ku wareersan yihiin waxa ay ka dhigan tahya in la noqdo nin wanaagsan.

Barker ayaa baaritaankiisa ku ogaaday in marka ay raggu daryeelaan qoyska, ay taasi ka faa’iidayaan dhammaanba xubnaha qoyska. Wuxuu aaminsan yahay in ragannimada togan ay kaoso horjeeddo dhaqamada xun ee ka dhanka ah haweenka.

Wuxuu aaminsan yahay in sida ugu fudud ee loogu sharraxo ragga tacaddiyaha galmada ay tahay in loo sheego inay ka dhiidhiyaan tacaddiyada.

Marka uu nin ogyahay in nin kale uu galay tacaddi galmo uu ku dhex sameeyay xafiiskiisa amaba saaxiibbadiisa dhexdooda amaba qaraabadiisa, ay tahay inuu codkiisa sare u qaado si taasi looga hortago.

Sultana ayaa aaminsan in haddii ay jiraan wax ka khaldan bulshada oo ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha, ay raggu tahay inay ka dhiidhiyaan. Wuxuu rumeysan yahay in taasi ay tahay ragannimada fiican.

Doorka ragga

ragannimada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Barker ayaa sheegay in raggu ay door muhiim ah ku leeyihiin awood-siinta haweenka iyo sinnaanta buuxda ee u dhaxeysa ragga iyo dumarka.

Ameer Sultana ayaa sidoo kale yiri, "haweenku waxay qeyb ka yihiin bulshada waxayna muhiimad weyn siiyaan ragannimada."

Gary Barker ayaa u arka in fekerka ragga uu sidoo kale is beddelayo,''raggu waa inay sidoo kale fahmaan in fekradaha (ragannimada xun) ay sidoo kale ku adag tahay iyaga.''

Haddii dunidu ay tallaabo u qaaddo sinnaanta jinsiga, ragga way ka faa’iidayaan sidoo kale. Hardankan loogu jiro sinnaanta jinsiga, haddii uu nin leeyahay saaxiibad, wuxuu noqonayaa nin wanaagsan.

Barker ayaa yiri, "dadku waxay bilaabayaan inay ka hadlaan ragannimada, balse hadalkan waa inuu noqdaa mid ballaaran oo meel walba ku baaha."

Sultana ayaa leh, "nooca fekerkan waa la beddeli karaa marka aan gabdhaha iyo wiilasha inta ay yar yar yihiin barno – inay dhammaantood siman yihiin. Ninku wuxuu qof fiican noqon karaa marka uu bilaabo inuu nin fiican noqdo."