Maxay tahay cirbadda ragga ka joojineysa dhalmada ee hadda la ansixiyay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maalmahan, tijaabo ay sameeyeen Golaha Baaritaanka Caafimaad ee Hindiya (ICMR) ayaa qabsatay caalamka.
Tijaabadan caafimaad ee cirbadda dhalmada joojisa ee ragga ayaa la sameeyay kaddib toddobo sano oo baaritaan ah oo haatan soo gabagaboobay.
Tan micnaheedu waa in haatan la ansixiyay isticmaalka cirbaddan.
ICMR ayaa sheegtay in cirbaddan aysan lahayn wax saameyn taban ah ayna aad waxtar u leedahay.
Sidee loo fuliyay tijaabooyinka caafimaad?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Natiijooyinka tijaabadeeda caafimaad ee saddexaad ayaa bishii lasoo dhaafay lagu daabacay Joornaalka Andrology Journal.
Cirbaddan, oo loo yaqaanno Reversible Inhibition of Sperm Under Guidance (RISUG), ayaa martay ilaa saddex weji oo tijaabo ah kahor intaan la ansixin.
Dad kasoo jeeda magaalooyinka Hindiya ayaa lagu sameeyay tijaabooyinkan.
Tijaabadan ugu dambeysay, ilaa 303 rag xaasleyaal ah oo caafimaad qaba da’dooduna u dhaxeyso 25 ilaa 40 iyo xaasaskooda ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay.
Lammaaneyaashan ayaa tijaabada lagu sameeyay keliya makrii ay lasoo xiriireen xarunta kala korinta ubadka.
Lammaaneyaashan ayaa u baahnaa in ragga laga joojiyo dhalmada. Haddii aan si kale u dhigno, qoysaskan ma aysn dooneyn carruur.
Intii ay socotay tijaabada, ragga ayaa lagu duray ilaa 60 mg oo cirbaddan ah.
Sidee loo isticmaalaa cirbaddan?

Xigashada Sawirka, BLOOMBERG/ GETTY IMAGES
Cirbaddan oo uu hindisay Sujoy Guha, oo injineer caafimaad ah, isla markaana 78 jir ah, ayaa ah mid lasii marinayo tubbooyinka qaada shahwada ee xiniinyaha xubinta taranka ragga.
Cirbaddan oo aan hoormoonnada la xiriirin, waa mid muddo dheer shaqeyneysa, sida ay sheegayaan baarayaashana waxay saameynteeda jireysaa ilaa 13 sano.
Waa jeel baabi'inaya waxtarka shahwada ragga.
Haddii muddo kaddib uu ninku u baahdo inuu carruur dhalo, ayaa waxaa lagu mudayaa dawo kale oo jeelkaasi baabi'ineysa. Balse weli tan laguma tijaabin bani'aadamka inkastoo lagu guuleystay tijaabo lagu sameeyay xayawaanka.
Natiijada baaritaanka ama tijaabada

Xigashada Sawirka, Getty Images
ICMR ayaa ogaatay in baaritaankeeda iyo tijaabadeeda ay ilaa iyo haatan tahay tan ugu waxtarka badan, kuwa dhalmada la isaga joojiyo, labadaba haweenka iyo ragga. Isla markaana aysan u muuqan inay leedahay wax saameyn taban ah.
Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in cirbaddan RISUG ay 97.3% waxtar u leedahay inaysan raggu dhalin. Isla markaana 99.02% ay waxtar u leedahay ka hortagga uurka.
Xaaladda Azoospermia waa joojinta sii deynta manida ragga. Marka ninka lagu duro cirbadda, waxay waxtarkeedu sii jirtaa ilaa 13 sano,.
Halka cinjirka iyo dawooyinka afka laga qaato ay uurka ka hortagaan muddo kooban.
Waxaa haatan ay raggu isticmaalaan Vasectomy oo ah qalliin gebi ahaanba ninka looga dhigayo mid aan dhalin.
Balse marka la leeyahay 13 sano, waxay abuureysaa jahwareer ah in cirbaddan ay tahay mid gebi ahaanba ragga ka joojineysa dhalmada amaba inay tahay mid muddo kooban uun waxtar leh.
Ma billowgii isbeddelkaa?

Xigashada Sawirka, BBC Sport
Khubarrada ayaa sheegaya in dawooyinka loo sameeyay qaab looga hortago uurka si bey yiraahdeen ay haweenku xor ugu noqdaan inay iyagu qorsheystaan qoysaskooda.
Si kastaba, waxay khubarradu mas'uuliyadda kala korinta ubadka ay saartay haweenka.
Haddii aan eegno, meelo kala duwan oo Soomaaliya ay ku jirto, haweenka ayaa haya mas'uuliyado ka badan tan ragga.
Taasi laakiin lama micno aha in raggu aysan wax door ah ku lahayn kala korinta ubadka.
Cinjrika meelaha qaar adduunka laga isticmaalo ayay ragga qaar isticmaalaan.
Welise waxaa inta badan kala korinta ubadka dusha laga saaraa haweenka.
Inkastoo khubarradu ay sheegayaan in habka vasectomy uu yahay mid fudud oo waxtar leh, haddana aysan jirin wax la mid ah.













