Hindiya: Ma Khasab baa in la helo ogolaanshaha waalidka guurka ka hor

Dhallinyaro is jecel

Xigashada Sawirka, Getty images

Qoraalka sawirka, Dhallinyaro is jecel

Ma tahay lagama maarmaan in la qaato ogolaanshaha waalidka marka ay timaaddo guurka jacaylka? Waxaa jira laba fikradood oo ku saabsan arrintan. Maadaama ay waalidku yihiin kuwa waqtiga badan ku bixiya korinta ubadka, dadka qaarkood ayaa u arka in ay muhiim tahay in waalidka ay ka dalbadaan oggolaansho iyo duco ka hor inta aysan gelin xiriir xurmo leh sida guurka.

Dhanka kale, dadka qaar ayaa qaba in ay xor u yihiin go'aankooda, waa haddii ay ilmuhu qaan gaaraan. Arrinta ogolaanshaha ee go’aan qaadashada ka hor guurka jaceylka ayaa hadda noqotay mowduuca ugu hadal heynta badan dalalka qaar.

Guurka Hindida

Xigashada Sawirka, getty Images

Qoraalka sawirka, Guurka Hindida

Maxaa keenay hadal heynta?

Mid ka mid ah madaxda dalka Hindiya oo qudbad jeedinayay ayaa yiri “iyadoo la ilaalinayo dastuurka, waxaa la tixgelinayaa suurtagalnimada in ogolaanshaha waalidka in laga dhigo mid khasab ah marka ay noqoto guurka jacaylka”.

Dhallinyaro badan ayaa ku wareersan sida ay guurkooda oggolaansho uga heli lahaayeen waalidka taasi oo mararka qaar keenta in ay go’aan iskood ah gaaraan.

Fikirka xisbiga BJP

Afhayeenka xisbiga BJP Shraddha Rajput oo la hadlaysay BBC ayaa tiri “kama soo horjeedo diin iyo dhaqan, waxaanse qabnaa in awood-siinta haweenka marka ay guursanayaan aan sinaba loo saameyn karin”.

Xaaladda dhaqaale ee wiilasha ayaa mararka qaar ah mid adag iyadoo taasi ay keeneyso in waalidka ay gabadhooda diidaan, si gaar ah dalka Hindiya mararka qaar wiilasha ayaa gandhaha u guursada lacag darteed.

Shraddha Rajput

Xigashada Sawirka, @DRSHRADDHA44

Qoraalka sawirka, Shraddha Rajput

Mucaaradku maxay leeyihiin?

Afhayeenka Congress-ka Gobolka Gujarat Manish Doshi ayaa leh, Xisbiga Koongareeska waxa uu ixtiraamayaa dastuurka, xisbiguna waxa uu aaminsan yahay nidaamka saxda ah. BJP waxay isu haysataa in ay tahay waddaniyad, laakiin halkii ay jacayl ka ahaan lahayd, waxay siyaasad kacsan ku abuurtaa qalbiyada dadka.

Imran Khedawala, ayaa qaba fikrad ka duwan. Waxay sheegeen in haddii xukuumaddu keento sharcigan ay taageerayaan.

Khedawala wuxuu leeyahay, waalidiin badan ayaa la yimaada cabashooyinka la xiriira in la tashiga uu yahay mid muhiim ah, sababta ayey ku sheegeen in gabdhahoodii ay niman la carareen kadibna ay ogaadeen in la guursaday.

Isagoo la hadlayay BBC, wuxuu sheegay, in arrintan, uusan u arkin ajandaha xisbiga BJP ee jihaadka jacaylka. Xataa haddii ay gabadhu tahay Hindu ama Muslim, waalid kastaa waxa uu rabaa in uu ka fikiro wanaagga ubadkiisa si ay u helaan ogolaansho ka hor guurka noocaas ah, Sida ay taasi suurtogal u tahay ayaa laga arki karaa dhacdada.

Xaaladdan oo kale gabdhaha waxa ay ku noqotaa mid adag, waxay muujiyaan tanaasul balse waxa ay sababi kartaa ciil illaa heer ay is dilaan.

Marka la eego dalka Hindiya wiilasha qaar ayaa gabdhaha u guursada hantidooda taasi oo waalidku ay muhiim ugu tahay in guurka ilmahooda ay qayb ka ahaadaan la tashiga iyo oggolaanshaha noloshooda.

Manish Doshi

Xigashada Sawirka, DR.MANISH DOSHI@BHARATJODO

Qoraalka sawirka, Manish Doshi

Dastuurka Hindiya arrintan ma la bedeli karaa?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida uu qabo sharciga Hindiya, da'da guurka ugu yar waa 18 sano gabadha iyo 21 sano wiilasha.

Sidaa daraadeed waa in ay gaarsiiyaan ogeysiis 30 maalmood ka hor ah xafiiska diiwaangelinta, haddii wax diidmo ah la diwaangelin karo muddadaas.

Sidoo kale waa inay qasab noqotaa in waalidiinta loogu yeero markhaati ahaan wakhtiga diiwaangelinta guurka, Markaa waalidku way ogaan doonaan cidda la macaamileysa, markaasi ayey tahay kaliya in la ogolaado guurkaasi.

Faizan Mustafa, oo ah khabiir ku takhasusay dastuurka ayaa BBC-da u sheegtay in haddii wiil iyo gabadh ay is jeclaadaan oo ay go’aansadaan in ay is guursadaan, waalidiintu aysan wax door ah ku lahayn. Dabcan, kuwa guursanayaa waa inay raacaan shuruudaha da'da oo kaliya ayuu yiri.

Dastuurka Hindiya wuxuu siiyay xuquuq badan muwaadiniinta Hindiya sida.

Qodobka 19aad waxa uu dhigayaa xaqa xorriyadda hadalka.

Qodobka 21aad qofku wuxuu xaq u leeyahay xorriyadda shakhsi ahaaneed

Sidoo kale waxaa la siiyay xuquuqda madax banaanida iyo nolol sharafeedka.

Khabiir dhanka sharciga ah oo lagu magacaabo Rajendra Shukla ayaa sheegay in qof kasta uu xaq u leeyahay dastuurka, faragelinta noocaas ahna ay saameyn doonto xuquuqda aasaasiga ah.

Aroos Hindi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Aroos Hindi

Isku dayga ah in la sameeyo qodob siyaasadeed

Sida uu sheegay Rajendra Shukla, xisbiga talada haya ayaa arrintan ka dhigaya arrin siyaasadeed.

Suxufiga sare ee Dilip Gohil ayaa sheegay in hadallada kasoo yeeraya dawlada gobolka ee ku saabsan guurka jacaylka aanay ahayn kuwo wax ku ool ah ama aan khusayn wakhtigan casriga ah.

Sida uu sheegay, Inta badan guurka markaas ayaa la qaban-qaabin jiray. Laakiin hadda guurka jacaylku wuu badan yahay.

Kala bar guurka qowmiyaduhu wuxuu ku dhacaa ogolaanshaha waalidka, markaa waxaa muuqata in ay jirto baahi ka weyn sharciga oo la xiriirta oggolaansha iyo la tashiga guurka ee waalidka.