Hindiya: Askariyaddii xirtay ninkii guursan rabay oo iyadana xabsiga loo taxaabay

Junmoni Rabha

Xigashada Sawirka, Facebook/Junmoni Rabha

Qoraalka sawirka, Junmoni Rabha

Junmoni Rabha, askariyaddii xirtay ninkii guursan rabay bishii hore, iyadoo ku eedaysay inuu wax is daba mariyay, ayaa Sabtidii loo xiray musuq-maasuqa lala xiriiriyay ninkeeda.

Rabha oo taliye kuxigeen ka ahayd saldhig ku yaalla magaalada Nagaon ee gobolka Assam ee dalka Hindiya ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii ay laamaha ammaanka su'aalo weydiiyeen muddo laba maalmood ah.

Waxaa la amray in muddo 14 cisho ah lagu hayo xabsi si loo sii wado baaritaankeeda, sida ay sheegeen booliska gobolkaas.

Rabha ayaa la sheegay in xilligaas ay joogtay saldhig ku yaalla magaalada Majuli. Qandaraaslayaasha ayaa ku dooday in lagu qiiyaamay heshiiskaas.

Askariyad Rabha ayaa markii hore ku eedaysay ninka guursan rabay inuu khiyaano ku kacay oo uu sameeyay ballanqaad been ah oo ku aaddan inuu dad shaqaalaysiin doono.

Pogag oo ah ninkii guursan lahaa ayaa sidaa lagu xiray, waxaana uu hadda ku sugan yahay jeel ku yaalla magaalada Majuli.

Muddo kadib ayaa waxaa soo baxay eedeyn ah in Pogag oo qaaday lacago uu sheegay inay u soo wakiilatay saaxiibtii askariyad Rabha, oo deegaankeeda xilligaa caan ka ahayd. Booliska gobolka Assam ayaa amray in la baaro arrinka, waxaana markii caddeymaha la arkay lagu xiray askariyadda xabsi ku yaalla Majuli

Lammaanaha ayaa guur ku heshiiyay bishii October ee sanadkii hore, waxaana qorshuhu ahaa inay aqal galaan November sanadkan.

Junmoni Rabha

Xigashada Sawirka, Facebook/Junmoni Rabha

Qoraalka sawirka, Junmoni Rabha oo la sheekaysanaysa saaxiibkeeda Rana Pogag

Qaabka ay isku barteen

Junmoni Rabha ayaa sheegay in Rana Pogag ay isbarteen January 2021, kadib markii ay ku kulmeen magaalada Majuli xilli uu la socday askari kale oo ay shaqo wadaag yihiin haweeneyda.

Waxa ay sheegtay in markaa kadib uu xiriirkooda isu bedalay haasaawe, ugu dambeyntiina ay ku heshiiyeen guur. Ballankoodu waxa uu ahaa nin bishan November 2022 ay aqal galaan.

Askariyad Rabha ayaa sheegay in markii ay bilooyin wada socdeen Rana uu galay tuhun la xiriira waxa uu qabto iyo noolashiisii hore.

Askariyadda ayaa tilmaantay in saddex qof ay u dirtay baaritaanka iyo xaqiijinta heybta ninka ay noolasha la wadaagi rabto, kadibna ay la wadaageen xog xasaasi ah oo ka yaabisay.

Junmoni Rabha

Xigashada Sawirka, Facebook/Junmoni Rabha

Qoraalka sawirka, Junmoni Rabha (dhexda)

Waxa uu markii hore u sheegay inuu kamid yahay shaqaalaha shirkadda shidaalka iyo gaaska ee Hindiya (ONGC), isla markaana uu u qaabilsan yahay xiriirka bulshada, gaar ahaan horumarinta miyiga.

Sidoo kale, waxa uu markasta ku socon jiray gaari uu u wado darawal gaar ah, isla markaana uu saaran yahay askari ilaalo ah. Rabha ayaa sheegtay in markii ay heshay caddeymo ku filay ay kiiska ninkaas u gudbisay booliska, sidaana loogu taxaabay xabsiga.