Jaceyl dhab ah: Haweeney u bareertay khatar si ay u guursato saaxiibkeed, kadibna xabsi loo taxaabay

Xigashada Sawirka, Tathagata Chakraborty
Haweeney u dhalatay dalka Bangladesh oo u bareertay khatar weyn si ay u guursato saaxiibkeed oo ku nool Hindiya ayaa markii dambe xabsiga loo taxaabay iyadoo loo haysto inay si sharci darro ah ku gashay dalkaas.
Krishna Mandal oo 22 jir ah ayaa go'aansatay inay safar dhulka ah ku marto keymaha khatarta badan ee Sunderbans ee kala qeybiya labada waddan, kadibna ay ka gudubto webiga Malta, sidaasna ay ku gaarto halka uu ku noolaa ninka ay jaceylka u qaaday.
Ninka oo lagu magacaabo Abhik ayaa waxa ay Krishna isku barteen Facebook, waxaana uu u sheegay in aanu haysan baasaboor uu ku tago Bangladesh.
Ninka oo ku nool degmada South 24 Parganas ee gobolka West Bengal ayaa ku baraarugay gabadha uu xiriirka ka dhexeeyay oo safar khatar badan kadib soo gaartay guriga uu ku noolaa.
Go'aan degdeg ah ayuu qaatay, waxaana lamaanaha caashaqu jiidhay ay isku guursadeen macbad ku yaalla magaalada Kolkata.
Dadka deegaanka ayaa si weyn uga hadlay khatarta ay Krishna u bareertay si ay ula midowdo ninka ay jeceshahay.

Xigashada Sawirka, Tathagata Chakraborty
Durbadiiba waxaa sheekada gabadha ka war helay booliska xaafadda Narendrapur oo u dhacay guriga ay ku nool yihiin lamaanaha arooska.
Waxa ay soo qabteen Krishna oo ay ku eedeeyeen inay Hindiya ku gashay qaab sharci darro ah. Wararka qaar ayaa sheegaya inay suuragal tahay in haweeneydaas gacanta loo geliyo saafaradda ay Bangladesh ku leedahay Hindiya.
Krishna ayaa lagu xukumay 14 maalmood oo xabsi ah, waxaana ay u badan tahay in loo tarxiili doono dalkeeda Bangladesh.
Qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warrantay in haweeneydan ay ka soo carartay in qabay oo dhibi jiray, kadibna ay Facebook iska barteen Abhik.
Qisooyin la mid ah
Qiso taa la mid ah ayaa sanadkii 2021 ka dhacday Hindiya, kadib markii nin 24 jir ah oo ku noolaa gobolka West Bengal uu ka tallaabay xuduudda si uu ula kulmo saaxiibtii oo 18 jir ahayd, kuna noolayd Nerail, Bangladesh.
Markii ay lamaanaha ka soo tallaabeen xuduudda ee ay soo gaareen West Bengal ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliska xuduudaha oo ku eedeeyay inay si sharci darro ah ku galeen Hindiya.
Sidoo kale, nin u dashay dalka Vietnam oo xaaskiisa oo Hindiya ka shaqeysa aan arag muddo laba sano ah ayaa go'aansaday inuu doon macmal ah u isticmaalo si uu u gaaro dalkaas.
Kadib markii uu 18 maalmood badda ku jiray ayaa waxaa helay kalluumaysato Thailand u dhashay, waxaana xilligaas gabaabsi ka ahaa biyaha iyo cunnada uu sitay.
Kalluumaysata badbaadisay ninkaas ayaa sheegay inay la yaabeen in aanu wadan khariirad, jiheeye ama xitaa dhar ku filan.











