Hindiya: 'Gabadhi uu jeclaa oo nin kale ka raacday darteed ayuu toddobo qof u dilay'

Xigashada Sawirka, Shuraih Niazi/BBC
Booliska gobolka Madhya Paradesh ee dalka Hindiya ayaa sheegay iney soo qabteen nin ay sheegeen inuu toddobo qof uu u dilay caro uu ka carooday gabadhi uu jeclaa oo nin kale ka raacday.
Ninkan ay boolisku qabteen oo lagu magacaabo Shubham Dixit wuxuu dab qabadsiiyey dhismo ay gabadha uu jeclaa degganeyd.
Waxaana dabka Shubham uu shiday ku naf waayey toddobo qof sagaal kalana ay ku dhaawacmeen, dadkaasi ay waxyeellada soo gaartay oo aan wax xiriir ah la laheen waxa uu sheegay ninkan gabadha uu jeclaa u carooday.
Dadki deegaanka oo dhacdadan ay argagax ku noqotay waxay sheegeen ninkan dhibka intaa la eg geystay in ciqaabtiisa la mariyo.
Shubham Dixit oo ah ninka dhismaha dabka qabadsiiyey, booliski soo qabtay wuxuu u sheegay ficilkaasi inuu u sameeyey si ay cashar ugu noqoto gabadhi uu jeclaa ee sida naxariis darrada ah ee ay ula dhaqantay.
Booliska Madhya Paradesh waxay sheegeen Shubham inuu dhaawac uu soo gaaray xilli uu isku dayayey inuu ka baxsado booliski ku raad joogay. Isaga oo marki dambe qirtay inuu falkaasi geystay.
Gabadhi uu jeclaa oo xabsiga ku booqatay eedeysane Shubham ayaa dharbaaxa kulul ku dhufatay, iyada oo weydiisay sababta uu tallabbadan u qaaaday iyo waxa uu falkaasi ka faa'iday?

Xigashada Sawirka, Shuraih Niazi/BBC
Dhacdadaasi oo magaalada oo dhan giigishay
Dhacdadan uu geystay Shubham Dixit oo 28 jir ah waxay giglishay magaalada Indore, oo ka tirsan gobolka Madhya Paradesh ee dalka Hindiya.
Dadka magaaladaasi oo dhacdadan ka xumaaday waxay sheegeen iney aad uga xun yihiin iney ku naf waayaan dad aan wax xiriir ah la laheen waxa uu ku andacoonayao ninka falka geystay.
Booliska waxay sheegeen inuu ninkan dhibka geystay uu doonayey iney dib ugu soo laabato haweeneydi uu jeclaa oo dhismaha uu gubay ku nooleyd oo ay kala tageen oo dooneysay iney qof kale guursato.
Shubham oo lagu soo oogay dacwad isugu jirta Dil iyo Burburin hantiyeed waxaa maxkamadda la soo taagay Axaddi shalay ahayd.
"Haweeneyda uu Shubham darteed dhibkan dhan u sameeyey habeenki Jimcaha ayuu guriga ay degganeyd ugu yimid wadahadal ayaana dhexmaray, wadahadalkoodina muran iyo isfaham waa ayuu iisu beddelay kaddibna gabdhi ayuu u hanjabay wuuna dhaqaajiyey."
"Goob baabuurta la dhigto oo halkaa ku dhow ayuu baasiin ka soo qaatay wuxuuna ku shubay mootadi ay gabadha lahayd oo dhismaha hoostiisa taallay, dabkina wuu sii fiday oo wuxuu qabsaday dhismaha oo dhan," ayuu yiri Taliyaha Booliska Harinarayan Chari.

Xigashada Sawirka, Shuraih Niazi
Ra'isal wasaare Mudi oo dhacdada ka murugooday
Ra'isal wasaaraha dalka Hindiya Narendera Modi iyo Wasiirka Gobolka Singh Chouhan waxay sheegeen dhacdadaasi ay dadka ku dhinteen iney aad uga murugoodeen.
Waxay sida oo kale ay ku dhawaaqeen dadka dhacdadaasi ku dhintay magdhow ahaan qofkiba loo siiyo 400,000 oo Rubbi oo lacagta dalka Hindiya ah.
Wasiirka Gobolka Singh Chouhan wuxuu sida oo kale uu amar uu ku bixiyey in tallaabbo adag laga qaado dambiilayaashi dhibkaasi ka dambeeyey.
Booliskuna waxay sheegeen iney qorsheynayaan iney tallaabbo ka qaadaan mulkiilaha dhismaha gubtay maadaamaa uusan lahayn nidaamka dabka looga hortago. Inaksta oo marki dambe ay u cudurdareen maadaamaa ay khasaro soo gaartay.
Mid ka mid ah dadki dabkaasi dhaawaca uu ka soo gaaray wuxuu sheegay in xilli habeen ah oo ay hurdeen uu hurdada ka soo kiciyey kulaylka dabka. Ololka dabka ka baxayana uu ahaa mid aad u xoog badan waxaana nagu adkaatay xitaa inaan neefsanno. Balse naftu maadaamaa ay macaan tahay si unbaan dabka isaga soo badbaadiyey.










