Hindiya: 'Ninkii aan u doonnaa waxaan u xiray khiyaano uu igu sameeyey’

Junmoni Rabha

Xigashada Sawirka, Facebook/Junmoni Rabha

Qoraalka sawirka, Junmoni Rabha

Gabar Askariyad ah oo u dhalatay dalka Hindiya oo darajada Isbatoore ku xigeen ka gaartay ayaa xabsiga u taxaawday ninkii ay u doonneyd kaddib markii ay sheegtay inuu khiyaano uu kula kacay.

Junmoni Rabha oo askariyadda ka howl gasho saldhigga boolis oo ku yaalla magaalada Naugaon ee dalka Hindiya ayaa xirtay Rana Pogag oo ah ninki ay isjeclaayeen waxay ku eedeysay inuu ka raacay haweeney kale isla-markaana ay ogaatay inuu yahay nin beenaale ah.

Booliska magalada Naugaon oo ka jawaabaya dacwadda askariyadda sargaalka ah uga timid waxay xabsiga dhigeen ninkii ay gabadha askariyadda ah u doonneyd.

Askariyadda ninka xirtay ayaa lagu sheegay iney tahay gabar shaqadeeda ka adag oo isku kalsoon bilooyin ka horna arrin dhex martay iyada iyo xubin ka tirsan xisbiga BJP ee dalka Hindiya hoggaamiya warnbaahinta dalkaasi ay si weyn u hadal hayeen.

Junmoni Rabha iyo Rana Pogag (nink jaakadda xiran) iyo saaxibbadood

Xigashada Sawirka, Facebook/Junmoni Rabha

Galdacwadeedka kiiskan oo saldhigga booliska laga soo xigtay waxaa lagu sheegay in Junmoni iyo Rana ay faraati iisu geliyeen faraanti bishii Oktober ee kal hore halka arooskooduna uu ahaa Bisha November ee sanadkan.

"Ninkii aan nafteyda inaan hibeeya diyaarka u ahaa noolasheyda inta ka dhimanna aan noolal la wadaagi lahaa waxaan ogaaday inuu yahay nin khiyaanoole ah," ayey tiri Jonmoni Rabha.

Dacwad noocee ayey askariyadda ninka ku soo oogtay?

Junmoni waxay Pogagg ku soo oogtay dacwad ah markii ugu horreysay oo ay kulmeen inuu u sheegay inuu yahay qof ka shaqeeyo xiriirka dadweynaha.

Balse markii ay farati iisu geliyeen kaddib baaritaan qoto dheer oo ay sameysay waxay soo heshay caddeymo muujinaya inuu ninkan khiyaanay.

Sida oo kale khiyaanada dhanka guurka waxaa u dheer sida ay dacwadda ku sheegtay inuu yahay shaqsi dambiyo badan ku soo lug yeeshay dambiyadaasi oo ay ka mid yihiin lacago been abuur ah inuu sameeya iyo inuu dad badan oo lacago laaluush ah uu ka qaatay uu shaqo geeyey.

Ninka ay askariyadda xirtay Rana Pogag

Xigashada Sawirka, Facebook/Junmoni Rabha

Qoraalka sawirka, .

Sidey ku kulmeen?

Markii ugu horreysay waxay kulmeen bishii January ee sanadkii hore xilli Junmoni lagu soo qoray inay ka shaqeysa Majuli, halka Rana uu ahaa nin degganaa xaafadda uu ku yaallo saldhigga askariyadda lagu soo qoray.

Kulammo badan oo dhexmaray kaddib labadoodaba waxay iisu qaadeen jaceyl bilooyin kaddibna labadoodaba waxay ehelkooda ku wargeliyeen iney go'aansadeen iney isguursadaan sidaa ayeyna faraati isugu geliyeen.

"Bishii January 2021-ka ayey ahayd markii ugu horreysay oo Rana Poga la kulmay. Sababaha uu xiriirka degdegga ah iila yeeshayna waxay ila tahay ninkan maadaama uu ahaa nin falal sharci darro faraha kula jiro saaxibtinamadeenna iyo xiriirka uu askari boolis ah la leeyahay uu mustaqbalka kaga gabbado sharciga howlahiisana uu u sii wato. Maskax ama fikir noocaasi ayaa ku jirtay," ayey tiri Junmoni.

.

Xigashada Sawirka, Facebook/Junmoni Rabha

"Isaga oo arrimahaasi ku fikiraya ayna u qarsoon yihiin ayuu guur iisoo bandhigay waana ka aqbalay hase yeeshee waxaan ku iri arrinteenna waa inaan eheladeenna ku wargelinaa kadibna eheladaada ayaa kulmay guurkiina wey oggolaadeen, waxyar kaddibna waxa la ii baddalay magaalada Naugaon. Hase yeeshee markii aan halkan imid ayuu shakiga ugu badan igu dhashay gaar ahaanna markii aanu fiirsaday shaqooyinka uu qabto. Arrimahaasi uu isbiirsaday ayaa indhaha ii furay oo keenay inaan xabsiga dhigo," ayey sii raacisay.

Khiyaanadiisa sideey ku ogaatay?

Junmoni oo aan magac dhabin waxay sheegtay in seddex qof ay gacan weyn ka siiyeen sidii ay u ogaan lahayd khiyaanada uu ku sameeyey iyo waxa uu faraha kula jira marwelibana ay u keenayeen xog caddeymo wata.

"Rana wuxuu isu keey baray inuu yahay sarkaal xidhiidhka dadweynahaka shaqeeya oo u u xilsaaran horumarinta arrimaha bulshada. Waxa kale oo uu ii sheegay inuu wax ka bartay kuliyadda caanka ah ee isgaadhsiinta iyo saxaafadda, waana sababta aan aad ula dhacay sawirka sarkaalka xidhiidhka dadweynaha. Markaa xitaa hal mar uma malaynayn in qofkaasi uu khaa'in noqon karo," ayey tiri.

Junmoni Rabha

Xigashada Sawirka, Facebook/Junmoni Rabha

Ficilka geesinimada leh ee ay uga hortagtay falka sharci darrada ah uu ku jiro ninkii ay jecleyd oo faraatiga u geliyey iyo jawaabta ay bilooyin ka hor siisay siyaasi ka tirsan xisbiga talada Hindiya haya ee BJP baraha bulshada waxay ka abuurtay hadal heyn, iyada oo dad aad u badan ay askariyadda ficillada ay sameysay uga mahad celiyeen.

"Go'aankan ugu dambeeya ee aan Rana Pogag ku soo xiray markii aan qaadanayey saacado badan ayaan ka fikirayey si aan u kala ogaado inaan saxanahay iyo inaan khaladanahay. Balse waxaa ii soo baxday qof kasta oo xumaan fala in la ciqaabo mudankiisana la mariyo xataa haddii qoyskeyga ka mid yahay waajibaad gaar ah ayaana iga saaran maadaamaa aan askariyad ahay."