Maxay dadka ajnabiga u jeexjeexaan lacagta dalkan marka ay soo booqdaan?

.

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGE

Argentina ayaa ku dhawaaqday inay ciqaabi doonto taageereyaasha ajaanibka ah ee kubbadda cagta, kuwaas oo gubaya ama jeex-jeexaya lacagta dalkaas xilliyada ay daawanayaan ciyaaraha ka dhacaya dalkaas.

Dhaqankan ayaa noqday hab caadi ah oo ay taageerayaasha naadiyada kale ee ka imaanaya Koonfurta Ameerika ay ku caayaan, sidaas oo kalena ku xifaaleeyeen kooxaha ka dhisan Argentina iyaga oo uga jeeda heerka qiime ee lacagta Peso Argentine ay joogto.

Dalkaas ayaa ku jira dhibaato dhaqaale muddo sannado ah iyada oo sicir bararkuna uu cirka isku sii shareeray.

Waxaana dawladda dalkaasi ku gooddisay taageerayaasha la qabto iyaga oo jeex-jeexaya lacagta peso-ga ay wajihi doonaan ilaa 30 maalmood oo xabsi ah.

Lacagta la jeexjeexayo oo ah nooc kicin ah ayaa waxaa si gaar ah u adeegsaday taageerayaal ka socda kooxaha Brazil iyo Chile.

Wakaaladda Argentina ee Kahortagga Rabshadaha Isboortiga ayaa sheegtay in dhaqankan uu jabinayo sharciyo jira, kuwaas mamnuucaya "hurin colaadeed" kolka la joogo munaasibadaha ciyaaraha iyo "daandaansiyada khalkhal gelinaya nidaamka guud", sida ay qortay warbaahinta gudaha ee dalkaas.

Taageerayaasha dambiga geysta ayaa la sheegay in lagu xidhi dalkaas gudihiisa waxaana sidoo kale laga yaabaa in naadiyadooda la ciqaabo haddii dhibaatadu sii socoto, sida ay laga soo xigtay waaxda ciyaaraha ee dalkaas.

Sicir-bararka sanadlaha ah ee dalka Argentina ayaa aad sare ugu kacay sannadihii u dambeeyay, horraantii sanadkana waxa uu dhaafay 100% markii ugu horreysay tan iyo markii uu dhamaaday sicir bararkii cuslaa ee ay la kulmeen horraantii 1990-aadkii.

Bishii Juun, waxaa heerka sicir barar uu gaadhay 115.6%, sida ay sheegtay hay'adda tirakoobka ee dalka.

Waxa kale oo dalka uu hoos u dhac weyn ku yimid sarrifkii lacagta.

Xaaladda dhaqaale ayaa sidoo kale qalalaase ka abuurtay siyaasadda dalka. Xagaagii hore, saddex wasiir oo dhaqaalaha qaabbilsanaa ayaa midba midka kale xilka u banneeyey muddo afar toddobaad gudahood ah.

Bishii Maarso 2022, Sanduuqa Lacagta Adduunka ayaa ansixiyay xirmo deyn ah oo 30 bilood ay ku bixinayaan, si wax loogaga qabto suuqa sii xumaanaya ee dalkaas.