Trump oo ku dhaqaaqay tallaabo ka dhan ah Ikhwaanul Muslimiinka

Ikhwaanka ayaa la asaasay 100 sano ka hor

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku amray saraakiisha amniga inay baaritaan ku sameeyaan in qeybo ka mid ah Ikhwaanul Muslimiinka loo aqoonsado kooxo argagaxiso ah, tallaabadaas oo kooxda lagu beegsanayo cunaqabateyn dhaqaale iyo mid socdaal.

Amarka fulinta ee Isniintii ayaa ugu baaqaya kaaliyayaashiisa ugu sarreeya inay soo saaraan warbixin lagu baarayo in laamaha Ikhwaanka ee Masar, Lubnaan iyo Urdun lagu daro liiska ururada argagixisada shisheeye iyo kuwa sida gaarka ah loogu asteeyay argagixisada caalamiga ah.

Amarka ayaa soo xiganaya xiriirka la sheegay in kooxaha ay la leeyihiin Xamaas, iyo "ololaha xasilooni darada ee qalqalka looga abuurayo goboladooda laguna dhibaateynayo muwaadiniinta Mareykanka iyo danaha Mareykanka".

Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo la aasaasay ku dhawaad ​​100 sano ka hor, ayaa laga mamnuuc ah Urdun iyo Masar.

Amarka fulinta ayaa faraya Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Marco Rubio iyo Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent inay la tashadaan Xeer Ilaaliyaha Guud Pam Bondi iyo Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Tulsi Gabbard, ayna soo saaraan warbixin 30 maalmood gudahood.

Waxay markaa siinaysaa saraakiisha Mareykanka 45 maalmood inay ku soo rogaan cunaqabatayn haddii la go'aamiyo in ay yihiin urur argagixiso.

Magacaabidda, oo uu Trump amri karo wakhti kasta, ayaa ka dhigi doonta sharci darro in taageero loo fidiyo kooxda. Waxay kaloo u horseedi doontaa cunaqabatayn dhaqaale, iyo mamnuucidda xubnaheeda inay soo galaan Mareykanka.

In Ikhwaanku lagu daro liiska argagixisada, oo uu Trump amri karo wakhti kasta, ayaa ka dhigi doonta sharci darro in taageero loo fidiyo kooxda. Waxay kaloo u horseedi doontaa cunaqabatayn dhaqaale, iyo mamnuucidda xubnaheeda inay soo galaan Mareykanka.

"Madaxweyne Trump waxa uu ka hor imanayaa shabakada caalamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiinka, taas oo hurinaysa argagixisanimada iyo ololaha xasilooni darada ee ka dhanka ah danaha iyo xulafada Maraykanka ee Bariga Dhexe," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Aqalka Cad.

Toddobaadkii hore, guddoomiyaha gobolka Texas wuxuu ku dhawaaqay ururka Ikhwaanul Muslimiin urur argagixiso shisheeye iyo urur dambiilayaal heer caalami ah.

Ikhwaanka waxaa lagu aasaasay Masar ku dhawaad ​​100 sano ka hor waxayna laamo maxalli ah ku leeyihiin aduunka oo dhan. Qeyb kastaa wuu ku kala duwan yahay fikradda, waxaana ka mid ah ujeeddooyinkeeda in la abuuro dawlad ku dhaqma shareecada Islaamka, ama shareecada.

Maxay yihiin ururka Ikhwaanul Muslimiinka

Ikhwaanul Muslimiin

Xigashada Sawirka, AFP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ikhwaanul Muslimiin waa urur diin, siyaasad iyo arrima bulshaba mideystay oo si weyn uga dhaqdhaqaaqa dalka Masar iyo waddama kale oo caalamka islaamka ka mid ah.

Ikhwaanul muslimiin ayaa loo arkaa inuu yahay ururka siyaasadeed ee ugu weyn uguna ballaadhan dalka Masar.

Taageerayaasha rasmiga ee Ikwaanul muslmiinka Yemen ayaa lagu qayasaa 2.5 milyan oo qof.

Jameecada Ikhwaanul Muslimiin waxaa marki ugu horreysay la aassay bisha March 1928-kii, waxaana aasaasay Hassan al-Banna.

Ururka oo isku sii baahiyey waddama badan haddan haddana wuxuu awood aad u weyn uu ku leeyahay dalka Masar.

Wuxuuna ururka uu si weyn uu uga qayb qaatay kacdoonnadi Masar ka dhacay 1948, 1954, 1965 iyo 2013-kii.

Kacdoonki 2011-kii ka dhacay dalka Masar oo uu ururka hoggaaminayey wuxuu ururku la baxay magaca ah Xisbiga Caddaaladda iyo Sinnaanta, dioorashadi dalka Masar ka dhacday 2011-2012-kina ururka wuxuu ku guuleystay kala badh kuraasta baarlamaanka dalka Maar.

Doorashadi madaxweynanimada 2012-kina waxaa si la yaab leh ugu guuleystay Maxamed Morsi oo musharrax u ahaa Ikhwaanul Muslimiin (Xisbiga Caddaaladda iyo Sinnaanta).

Hase yeeshee, mudda sanad ah oo uu xilka hayey wuxuu Madaxweyne Mursi la kulmay mudaharaadyo aad u weyn oo sababay iney dad badan ku dhintaan.

2013-kii Madaxweynihi codka shacabka lagu soo doortay ee Maxammed Mursi waxaa afgambiyey Militariga Masar kaddibna isaga iyo xubnihi ugu sarreeyey (Xisbiga Caddaaladda iyo Sinnaanta) ee ikhwaanal muslimiin xabsiga ayaa loo taxaabay. Ugu dambeyntii Mursi waxaa uu ku dhintay xabsiga.

Xasan Ciise Qasaali oo ka faallooda arrimaha carabta iyo islaamka ayaa qaba in aan meesha laga saari karin in Maraykanku doonayo inuu ku qanciyo Masaarida oo ka mid ah saaxiibada Maraykanku ku dhex leeyahay dunida carabta in Akhwaanka lagu daro liiska argagixisada.

Wuxuu kaloo tilmaamay in ay ku lug leeyihiin siyaasadaha dhaqan-dhaqaale ee gobolka geeska Afrika oo Soomaaliyana ku jirto.

"Geeska Afrika way ka jiraan, gaar ahaan dhinaca ganacsiga iyo waxbarashada gacan bay ku leeyihiin, xataa nidaamyada Soomaaliya ka jira way ku dhex jiraan oo siyaasiyiin bay leeyihiin, waxayna bulshada ku taqaan inay yihiin koox qunyar socod ah oo aan ahayn ururrada hubaysan"

Mas'uuliyiinti isaga dambeeyey xilalka hoggaamiyanimada ururka ikhwaanul muslimiinka Masar:

Xasan Al-Banna waxa dilay nin hubaysan oo aan haybtooda la garanayn sannadkii 1948-kii

Xigashada Sawirka, AFP

1aad- Aasaasaha ahna Guddoomiyihi ugu horreeyey- Hassan al-Banna

2aad- Hasan al-Hudaybi

3aad- Umar al-Timisani

4aad- Muhammad Hamid Abul al-Nasar

5aad- Mustafa Mashhur

6aad- Ma'mun al-Hudaybi

7aad- Mohammed Amahdi Akef

8aad- Mohammed Badle

9aad- Mohamed Taha Wahdan