Sidee dambaska foolkaanihii ka qarxay Itoobiya uu u gaaray dalal kumanaan kiiloomitir ka fog

Xigashada Sawirka, Reuters
Hay'adda saadaasha hawada ee Pakistan ayaa sheegtay in daruur ka samaysan dambaska foolkaanaha ka qarxay dalka Itoobiya ay hadda 500 oo mitir ka sarreeyso badda Carabta, dabayshuna hadda ay ku riixayso waqooyi bari.
Daruuraha dambaska ayaa lagu arkay meel 60 mayl-badeed u jirta magaalada Gwadar ee dalka Pakistan. Sida laga soo xigtay waaxda saadaasha hawada, xaaladan awgeed, dadka, xayawaanka iyo nolosha kale ee dhulka ayaa gabi ahaanba laga ilaaliyay saameyn kasta.
Waxaa xusid mudan in foolkaanaha Haile Gobi, oo ku yaalla gobolka 'Cafarta' ee dalka Itoobiya, uu qarxay subaxnimadii Axadda, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi, arrintani waxay sababtay in dahaar ka samaysan habaasuu ku habsaday deegaannada ku xeeran Folkaanaha.
Sida laga soo xigtay Global Volcanism Program, kani waa qaraxyadii ugu horreeyay ee foolkaanaha Haile Gobi ee 12,000 sano ee la soo dhaafay. Sawirrada dayax-gacmeedka ee qaraxa ayaa muujinaya daruur dambas ah oo dul hoganaysa bad ka samaysantay dareeraha Lava ee foolkaanaha ka soo burqaday.
Haile Gobi waxa uu qiyaastii 800 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan yahay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Foolkaanaha ayaa dhererkiisu wuxuu dhan yahay 500 oo mitir, wuxuuna ku yaallaa Dooxada Rift Valley, oo ah aagga uu dhaqdhaqaaqa dhulku aad u sarreeyo, sababtoo ah waxaa meeshan ku kulmaya laba lakab oo ah lakabyada dhulka.
Sida ay ku warantay warbaahinta Itoobiya, ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa Folkaanaha, balse maamulka ayaa ka digay in dambaska ka soo baxay uu saamayn ku yeelan karo calafka xoolaha.
Foolkaanahan markii ayaa markii uu qarxay ka dib waxa cirka isku shareeray qiiq weyn oo dhererkiisu dhan yahay 14 KM, waxaana dabaysha jihada ay u socoto awgeed qiiqaasi u jihaystay dhinaca badda Carabta.
La-talinta ay soo saartay Toulouse Volcanic Ash ayaa lagu sheegay in dambaska iyo qiiqa foolkaanada ay gaareen waqooyiga Pakistan, Yemen, Cumaan iyo Hindiya.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida ay ku warramayso warbaahinta Itoobiya, Folkaanaha ayaa ka qarxay meel qiyaastii siddeed KM u jirta buurta weyn, iyadoo wararkii ugu horreeyay ay sheegayaan in xoogga iyo dhawaqa qaraxa uu aad uga weynaa qaraxyadii hore ee Folkaanaha.
"Naxdin iyo cabsi ayaa nagu dhacday markii aan maqalnay dhawaaqa" ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha. Qaraxa kadib ayaa waxaa deegaanada ku xeeran laga dareemayay dhul gariir, waxaana dhawaqa qaraxa laga maqlay dalka Jabuuti. Isla markiiba qaraxa ka dib, daruuro dambas ah oo ka soo kacay foolkaanaha ayaa gudcur galiyey tuulooyinka ku xeeran.
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada Amir Haider Leghari ayaa u sheegay wariye Riaz Sohail in "jihadan dambasku ay sabab u tahay jihada dabaysha".
Sida uu sheegay Irfan Virk, agaasime ku xigeenka waaxda saadaasha hawada, dambas ka dhashay foolkaanooyin ka dhacay Afrika ayaa soo maray hawada koonfurta Pakistan.
Waxa uu u sheegay BBC-da Asia Ansar in la soo saaray la-talinta duulimaadyada inta lagu jiro waqtigan, taasoo soconaysay illaa 2-dii habeenimo ee xalay.
Sida uu sheegay Irfan Virk, dambaskan waxa uu gaaray joog dhan 45,000 oo cagood, haddii ay diyaarada wakhtigaas mari lahayd jooggaas, dambaskani wuu saamayn lahaa, laakiin dadka, xayawaanka iyo noolaha kale ee dhulka ku noolba way ka badbaadeen saamayntiisa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida laga soo xigtay Amir Leghari, qaraxa oo ay la socdaan dambas iyo Lava ka soo baxaya foolkaanaha ayaa socday dhowr saacadood. Daruur dambas ah oo dusha sare ka samaysantay ayaa u socotay hadba jihada dabayshu u socoto.
Daruurtu waxay ka gudubtay xudduudaha aagga duulimaadka ee M9 shalay sida laga soo xigtay Amir Leghari, halka la-talin duulimaadka la soo saaray si ay diyaaraduhu u beddelaan jooggooda iyagoo raacaya xeerarka haddii loo baahdo.
Sida laga soo xigtay India Met Sky Weather, daruurta dambaska ee ka dhalatay foolkaanaha Haili Gobi ayaa hadda u sii socota waqooyiga Hindiya. Daruurtan oo ka soo bilaabatay gobolka Gujarat ayaa ku socota xawaare dhan 100-120 km saacada, waxayna gali doontaa galbeedka Gujarat 10-ka habeenimo.
Sida laga soo xigtay saraakiisha Hindiya, daruurta dambaska ayaa dhererka joogeedu dhan yahay 15,000 ilaa 45,000 cagood, waxaana laga yaabaa inay ku jiraan dambaska foolkaanaha, sulfur dioxide iyo qaybo yaryar oo dhagxan ah. Joogitaanka jawiga sare waxa laga yaabaa in cirku u muuqdo mid ka madow sidii caadiga ahayd oo ay saamayso safarka hawada, taas oo keenaysa dib u dhac ama joojinta duulimaadyada.
Saamaynta daruurtan waxay gaari kartaa Rajasthan, waqooyi-galbeed Maharashtra, Delhi, Haryana iyo Punjab ka dibna waxay saameyn kartaa Himalayas iyo meelo kale. Waaxda saadaasha hawada ee Hindiya ayaa tilmaantay inay u badan tahay inay saamayso tayada hawada ee magaalada Delhi.
Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska Hindustan Times, dhowr shirkadood oo diyaaradeed ayaa bilaabay inay baajiyaan duullimaadyadooda ka dib markii daruuro dambas ah ay u dhaqaaqeen dhanka Bariga Dhexe iyo Bartamaha Aasiya.
Farriin ay soo dhigtay shirkadda Air India barteeda X, ayaa lagu sheegay in shirkaddu ay joojisay 11 duullimaad oo Air India ah, taasoo ah tallaabo taxaddar leh oo lagu baarayo diyaaradaha u duulay qaar ka mid ah goobaha juquraafi ahaan laga cabsi qabo ka dib qaraxii foolkaanaha.
Marka laga reebo Air India, IndiGo ayaa sidoo kale ku qasbanaatay inay joojiso lix duullimaad, oo mid ka mid ah uu ka yimid Mumbai inta kalena ay ka yimaadeen koofurta.













