Saamaynta ka dhalan karta eedeymaha isa soo taraya ee maamulka Trump uu u jeedinayo Soomaalida

Lacag Doollar ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhowr jeer weerar afka ku qaaday Soomaalida iyo dalkooda. Arrintan waxay abuurtay in ay soo baxaan dad badan oo Soomaalida ka qora waxyaabo aan habooneyn.

Meelaha ugu badan ay Soomaalida ka deggan yihiin Mareykanka waa gobolka Minnesota, waxaa lagu qiyaasaa in ay gaarayaan 87 kun Soomaalida ku nool. Intooda badan waxay dalka u diraan lacag taas oo qeyb ka qaadata dhaqaalaha dalka.

Eedaha lacagaha la xaday ee Minnesota ayaa ka mid ah waxyaabaha loo adeegsado in lagu weeraro Soomaalida. Waxaa la sheegay in lacagtaas ay aaddo Alshabaab.

Wasaarada maaliyadda Mareykanka qeybta ka hortagta dambiyada ee loo yaqaan (FinCen) ayaa soo saartay digniin qeyb ka ah dadaalada ay waaxda kaga hortageyso in nidaamka maaliyadeed Mareykanka ay ka faa'iideystaan dambiilayaal.

Mareykanka waxay sheegeen in ay arkeen lacago badan oo ka baxaya dalka sida kuwa xawilaadaha lagu diro, waxayna sheegeen in ay qaadeen tallaabooyin dhowr ah oo lagu iftiiminayo khataraha ka dhalan kara lacagaha la dirayo.

Sanadii 2015-kii ayey dowlada Mareykanka walaac ka muujisay in lacagaha loo xawilo Soomaaliya ay suuragal tahay in ay ku dambeeyaan gacmaha kooxaha jihaad-doonka sida Alshabaab.

Dr Shaafici Shariif Maxamed waa cilmi baare jooga magaalada Muqdisho waxa uu noo sheegay in hadalada soo noqnoqday ee Trump ay saameyn leeyihiin.

"Saameyn dhaqaale oo xad-dhaaf ah ayuu ku yeelanayaan dalka maxaa yeelay dowladda ayuu kabayay… xaga dhaqaalaha bani'aadamnimada , mid bulsho iyo mid siyaasadeed saddexdaba wuu nagu yeeshay".

Dr. Shaafici wuxuu kaloo sheegay hadii ay sidan ku sii socoto in ay saameyneyso lacagaha loo soo diro Soomaaliya.

"Waxay yeelaneysaa saameyn ah in la xanibo ama in culeys la saaro maadaama uu hadda madaxweyne Trump toos u leeyahay waa in dalkooda lagu celiyaa" ayii yiri Dr. Shaafici

Maraykanku wuxuu sheegay in lacago laga uruuriyo Minnesota loo diro Al Shabaab

Xigashada Sawirka, AP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale, wasaarada maaliyadda ee Mareykanka ayaa baareysa eedeymo la xiriira in lacagaha canshuuraha ee laga qaado Minnesota in ay suuragal tahay in loo weeciyay Alshabaab sidaasina waxaa shalay oo isniin aheyd sheegay xoghayaha maaliyada Mareykanka, Scott Bessent.

Bessent waxa uu warkan ku saabsan baarista ku qoray barta X maalmo kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku tilmaamay in Minnesota inay noqotay "saldhigga lacagaha la xado iyo howlaha wax-isdabamareynta" inta uu halkaas madaxda ka ahaa Tim Walz.

Eedahan ayaa jawaab u ahaa warar aan la xaqiijin karin oo ay wadaageen dhowr ka mid ah sharci-dajiyayaasha Jamhuuriga oo sheegay in Alshabaab ay ka faa'ideysteen xatooyada ka dhacday Minnesota.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa baaraysa eedeymo sheegaya in lacagaha canshuurta ah ee laga qaado Minnesota loo weeciyay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ee Soomaaliya.

"Sida aan amray, waaxda maaliyada waxay baaraysaa eedaha sheegaya maamul-xumada aan dhammaadka laheyn ee dowladdii Biden iyo guddoomiye Tim Walz taas oo keentay canshuuraha dadka reer Minnesota sida adag ku shaqeeyaan in loo weeciyo ururka agagixisada ee Al-shabab" ayuu yiri Bessent.

Xafiiska guddoomiye Walz degdeg jawaab ugama bixin kaddib markii wakaalada wararka ee Reuters ay ka codsatay. Guddoomiyaha wuxuu hore u sheegay in maamulka Trump ay sumcad-dil iyo hanjabaad ku hayaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Wareysi laga sii daayay NBC News Axadii ayaa Walz lagu weydiiyay eedaha Trump iyo dadka lagu helay dambiyada ee ka soo jeeda bariga Afrika kuwaas oo lagu eedeynayo kiisas la xiriira xatooyo barnaamijkii Covid. Walz wuxuu sheegay in ay jiraan dad dambiyo lagu helay.

"Waxaa xusid mudan, in aysan Soomaali kaliya aheyn. Minnesota waa gobol barwaaqo ah… balse waxaa yimaada dambiilayaal badan. Kuwaasna xabsiga ayey aadayaan" ayuu yiri Walz, wuxuuna intaas ku daray, "In lagu ceebeeyo bulsho dhan wax ay in yar sameeyeen, waa wax daciif ah".

Bishii la soo dhaafay Trump wuxuu sheegay in uu joojinayo nidaamka ilaalinayo in la masaafuriyo Soomaalida ku nool Minnesota, wuxuuna sheegay "Burcadda Soomaalida waxay argagax gelinayaan" dadka ku nool gobolka.

Tallaabadan ayaa keentay in la joojiyo barnaamij soo bilowday sanadkii 1991-kii xiligaas oo wadanka ay ka talinayeen isla xisbigan Jamhuuriga.

Maamulkii Trump ka horeeyay ee madaxweyne Joe Biden ayaa sii kordhiyay in Soomaalida aan la celin ilaa iyo 17-ka maarso sanadka soo socda ee 2026.

Dadka soo jeeda Soomaaliya waa muwaadiniin Mareykanka ah. Dadka ku jooga nidaamka TPS ee hadda uu joojinayo Trump oo ku dhashay Soomaaliya ayaa gaaraya 705 sida lagu sheegay warbixinta adeegga cilmibaarista baarlamaanka ee aan xisbina ka tirsaneyn.