Diyaaradaha daroonka Turkiga oo faltanka cirka kaga yaabsaday kuwa Maraykanka ee F-16

Xigashada Sawirka, ذریعہBAYKARTECH
Daroonka Turkiga ee loo yaqaan Bayraktar Kizil ayaa la sheegay in ay meel fog ka bartilmaameedsatay diyaaradaha dagaalka ee F-16 mar la tijaabinayay gantaalada hawada laysku weydaarsado. Arrintan ayaa lagu tilmaamay guul taariikhi ah oo laga gaaray dhinaca difaaca.
"Waxaan dhidibbada u taagnay waa cusub oo taariikhi ah…Turkiga waxa uu noqday dalkii ugu horeeyay adduunka ee meel sare ka gaara taariikhda duulista" ayuu yiri Selcuk Bayraktar oo ah guddoomiyaha iyo madaxa shirkadda Bayraktar.
Nidaamka loo yaqaan BVR oo ah kan raadaarada ku soo helaan diyaaradaha, waxaa loo adeegsadaa goobaha dagaalka marka diyaarad ama gantaal meel fog laga soo tuurayo lagu duqeynayo meel aan loo jeedin.
Hadii goobta la beegsanayo aan la arkeyn, waxaa loo yaqaan BVR. Marka la doonayo in la duqeeyo goobahaas aan la arkeyn waxaaa la adeegsadaa Radar.
Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha saarneyn ee Turkiga waxaa la filayaa in militeriga ay qeyb ka noqdaan sanadka soo socda ee 2026-ka.
Bayraktar Kizilma waa diyaarado ka hooseeya raadaarka, waxaana ku rakiban qalab casri ah oo lagu arki karo diyaaradaha cadawga ayagoo aan ogeyn in la ugaarsanayo, joogana meel fog.
Sida ay sheegtay shirkada Biker, waxay sheegtay diyaaradaha dagaalka Turkiga ee F-16 in ay ka qeybqaateen iyagoo jooga meel 50 kilomitir ka fog. Shirkada waxay sheegtay hadii ay dagaal sax ahaan laheyd in diyaarada la soo ridi lahaa.
Dadka falanqeeya arrimahan waxay aaminsan yihiin in diyaaradaha daroonka Turkiga ee ka soo duuli kara maraakiibta ay gaari karaan xawaare sare mustaqbalka, ayna ka fulin karaan howlgal sahan badda Mediterranean iyo gobolka Aegean.
Shirkadda sameysay daroonka waxay sheegtay in ay ku duushay saacad iyo 45 daqiiqo joog dhan 4572 mitir. Qalabka militeri ee Turkiga ayaa si weyn u soo jiitay indhaha caalamka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Daroonka waxay F-16 ka bartilmaameedsatay meel 48 kilomitir u jirta
Muuqaal fidiyoow ah oo la soo dhigay barta X ayaa lagu arkayay shan ka mid ah diyaaradaha F-16 ee Turkiga iyo daroonka Kizilma.
Intii ay socotay tijaabada, diyaarada daroonka ma aysan soo qaban halka ay joogto diyaarada F-16 ee sidoo kale waxay ku xirtay beegsiga duqeynta.
Qeybta ugu muhiimsan ee tijaabada waxay ahyed isgaarsiinta fiican ee ka dhexeysay diyaarada, raadaarka iyo gantaalka.
Sida fiican ay isugu xiran tahay xogta daroonka iyo gantaalka ayaa loo arkay in ay tahay guul weyn oo la gaaray, waxayna taasi cadeysay in diyaarada ay awood u leedahay in ay fuliso weerar meel fog laga soo qaado.

Xigashada Sawirka, TURKISH MOD
Tijaabadan waxaa kaloo lagu ogaaday in diyaaradaha daroonka ay ka dhinac duuli karaan F-16 iyagoo isla fulin kara howlgal mideysan mustaqbalka taas oo wax weyn ka baddeleysa goobaha dagaalka.
Awoodda difaaca Kizilma
Eri Gucler oo ah khabiir dhanka ammaanka oo u dhashay Turkiga ayaa u sheegay janaal laga leeyahay Azerbaijan in gantaalka turkiga ee cabirkiisu yahay 200 oo kiilimitir uu u dhigmo kan Mareykanka ee MRAAM.
Falanqeeya u dhashay Turkiga oo lagu magacaabo ayaa aaminsan in diyaarada Kizilma ay xoogga saartay dagaalka diyaaradaha dhexmara.

Xigashada Sawirka, ANADOLU
Hadda waxaa dagaalka hoggaaminaya duuliye dhulka jooga
Duuliye Amir Masood oo ahaa janaaraal ciidamada cirka ka hor inta uusan howlgabka noqona ayaa sheegay in tani ay dhabtii baddeleyso istaraatiijiyada dagaalka iyadoo hadda uu duuliyaha maamulayo dagaalka isagoo dhulka jooga.
Kaalinta duuliyaha waxay ka wareegtay shukaanta diyaarada, waxayna u wareegtay dhulka.
Amiir wuxuu kaloo sheegay in loo adeegsan karo diyaaradaha goobaha aadan dooneyn in duuliyayaashaada ay khatar ku galaan.
"Tani ma ahan oo kaliya mid khatarta yareyneysa ee sidoo kale waxay yareyneysaa qarashka ku baxaya, maxaa yeelay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn waa ka jaban yihiin kuwa dagaalka sida Rafale".

Xigashada Sawirka, X.com
Sida uu sheegay, Amir Masood, Turkiga waxay gaareen horumar la yaab leh marka la eego farsamada darooneska 10-kii sano ee la soo dhaafay. Xillayadii hore waxa uu Turkiga ka liitay Pakistan balse hadda dhaqaale badan ayey ku maalgeliyeen.
Maanta waxaa ka soo gala Turkiga bilaayiin doolar, waxayna farsamadan ka iibiyaan dalal badan oo caalamka ah. Amir wuxuu kaloo Turkiga uu barbardhigay dalalka Shiinaha iyo Mareykanka.
Shiinaha ayaa isku dayay in uu miinguuriyo farsamadan balse weli ma gaarin heerkii la filayay. Maadama Turkiga uu ka tirsan yahay NATO waa in uu farsamadan u sameeyaa sida ay NATO ogoshahay.













