Wareysi gaar ah: Maxay Masar ka sheegtay Soomaaliya iyo Itoobiya?

Badr Abdelati, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar
Qoraalka sawirka, Badr Abdelati, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Baadir Abdelati ayaa u sheegay BBC in aanay jiri doonin "wadahadal dheeri ah" oo lala yeesho Itoobiya oo ku saabsan biyo-xidheenka weyn ee dib-u-curasahda ee dalka Itoobiya.

Wasiirku wuxuu xusay in wadahadalladii labada dal ee 13-kii sano ee la soo dhaafay socday aanay wax xal ah keenin, isagoo tilmaamay in xidhiidhka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya uu sii xumaaday kaddib dhismaha biyo-xidheenka. Waxa uu intaa ku daray in bulshada caalamku ay mudan tahay in ay ka warqabto dhibaatada ka dhalan karta.

Baadir Abdiilati ayaa sidoo kale sheegay in Masar, iyada oo ku raacaysa sharciga caalamiga ah ay ilaalinayso aminga biyaha, islamarkaana ay qaadi doonto tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo danaha qaranka iyo ammaanka biyaha.

Wasiirku wuxuu sheegay in tallaabooyinka Masar aanay ka hor iman doonin sharciga caalamiga ah, laakiin ay muhiim u yihiin in la hubiyo oo la wargeliyo dhammaan dhinacyada iyo in la iska ilaaliyo waxyeello kasta oo dhacda.

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi, ayaa mar kale sheegay in la qaadayo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo danaha qaranka iyo ammaanka biyaha ee Masar.

Wada hadal socday 13 sano

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegay in "in ka badan 13 sano aan lagu guuleysan heshiis kasta" isla markaana socoshada wadahadalladaas ay noqdeen kuwo niyad-jab leh.

Wuxuu caddeeyay in geeddi-socodka wadahadallada ay gaadheen heer aan la sii wadi karin, islamarkaana waxa uu caddeeyay in aanay jirin fursad lagu sii wada hadli karo. Wasiirku wuxuu intaa ku daray in xidhiidhka hadda ka dhexeeya Masar iyo Itoobiya uu "xannibmay," balse Masar ay xaq u leedahay ilaalinta danaha qaranka iyo ammaanka biyaha iyadoo lagu salaynayo sharciga caalamiga ah haddii waxyeello dhacdo.

Bayaanka wadajirka ah ee Midowga Yurub iyo Masar ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay muujisay "aragti khaldan, ku talagal la'aan, iyo mowqif aan feejignayn," taasi oo Masar ku dhiirrigelisay in ay diiddo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, oo la hadlay BBC Focus on Africa, ayaa sheegay in Masar ay tahay dalka kaliya ee awood u leh ilaalinta biyaha Webiga Nile, maaddaama ay ka hesho 98% biyaha Webiga Nile, taasi oo ka dhigaysa dalka ugu muhiimsan ee ka faa'iideysta webigaas.

Biyo-xidheenka Abbaay

Xigashada Sawirka, Reuters

Maxaa xiga oo ay Masar samayn doontaa?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Webiga Niilka oo OItoobiya looga yaqaan Abbay ayaa in ka badan 85% ay biyihiisu ka soo burqadaan dhinaca Itoobiya, waxaanay taasi ay dadka falanqeeya qaarkood ku doodayaan i ay hoos u dhigi karto xaddiga biyaha ee aada dalalka kale.

Itoobiya ayaa si isdaba joog ah uga jawaabta walaacaasi.

Wasiirka Masaaridu waxa uu sheegay: "Xagga biyaha, waxaan ka hooseynaa heerka saboolnimada. Sida lagu heshiiyey, heerka saboolnimada waa 1,000 cubic mitir. Masar qaybteeda waa 500 cubic mitir. Haddii biyuhu yaraadaan, awoodda dalka, xitaa Pyramid-yadu, ma jiri doonaan."

Mar la weyddiiyay tallaabada xigta ee ay Masar samayn doonto, wasiirku wuxuu sheegay in tallaabooyinka Masar ay ku salaysnaan doonaan sharciga caalamiga ah iyo heshiisyada lala galay dalalka kale. Itoobiya ayaa marwalba caddaysa in albaabka wadahadalka uu furan yahay.

Waad ogtahay, waxaan ka qayb-qaadanaynaa hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya si aan Soomaaliya uga caawinno la-dagaallanka argagixisada. Waxaan halkaas u joognaa codsi ka yimid Soomaaliya iyo codsi ka yimid Midowga Afrika," ayaa uu yidhi.

Waxa uu dhinaca kale iska fogeeyay in qorshaha ciidammado nabad-ilalain ah oo ay u diraan Soomaaliya uu dhinacooda ka yimid.

"Maya, aan si daacad ah u hadalno. Waxaa na soo dhaweeyay, isla markaana naga codsaday Golaha Amniga ee Midowga Afrika, waxaana sidoo kale jiray codsi qoraal ah oo ka yimid dowladda Soomaaliya. Sidaas darteed, ma ahayn wax xaggayaga ka yimid. Iyaga ayaa naga dalbaday in aan u nimaadno oo aan ka caawinno sidii loo ilaalin lahaa midnimada dhuleed ee Soomaaliya, loo dhowri lahaa madax-bannaanideeda, loogana difaaci lahaa Al-Shabaab iyo ururrada kale ee argagixisada ah," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar wuxuu xusay in 13-kii sano ee la soo dhaafay aan wax heshiis ah laga gaadhin wadahadallada, islamarkaana aanay jirin wax is-afgarad ah, sidaasdarteed waxa uu sheegay in aanay jirin fursad ay Itoobiya ku beddesho xaaladda taagan.

Inta uu wadahadalka socday, Itoobiya, Masar iyo Suudaan waxay muddo sannado ah ku jireen wadahadal ku saabsan maaraynta biyo-xidheenka iyo maamulka biyaha. Si kastaba ha ahaatee, iyada oo aan la gaadhin heshiis dhammaystiran, dhismaha biyo-xidheenka ayaa la dhammaystiray.

Masar waxay muddooyinkii u dambeeyay cadaadis saaraysay dhnaca Itoobiya iyadoo u soo bandhigtay arrinta biyo-xidheenka Afrikaanka iyo Ururka Carabta, si ay u saaraan cadaadis. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa yidhi: "Guddiga ammaanka waa madal heer caalami ah oo ka shaqeeysa nabadda iyo amniga, arrintanina waxay u iftiiminaysaa guddigaas maadaama ay tahay arrin cad oo khusaysa nabadda iyo amniga caalamka."

Walaaca Itoobiya ee ciidamada Masar ay gaynayso Soomaaliya

Xilli khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Masar uu sii xumaanayo waxa dhinaca kale xoogaysanaya xidhiidhka Masar iyo Soomaaliya. Waxaa la sheegay in heshiis millatari oo dhexmaray labada dal uu u suurageliyay in ay Masar labo diyaaradood oo dagaal ah u dirto Muqdisho, Soomaaliya, kuwaas oo ay saarnaayeen taliyayaal iyo qalab millitari.

Si kastaba, joogitaanka ciidammada Masar ee dhulka Soomaaliya looma arkin khatar dhab ah oo ku wajahan Itoobiya. Masar waxay qorsheyneysaa in ay ku tababarto ilaa 10,000 oo askari gudaha Soomaaliya, waana qayb ka mid ah howlgallada nabad ilaalinta ee Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelati, ayaa BBC Focus on Africa u sheegay in arrintani aanay la xidhiidhin khilaafka Itoobiya kala dhaxeeya dalkiisa, islamarkaana ay tahay "hawlgal aan la barbar dhigi karon" oo ka madax bannaan miranka u dhexeeya labada dal.