Dhegeyso: Gabar ka hadlaysa faquuqa ay la kulmaan Soomaalida la nool AIDS-ka
Sannad kasta, billowga bisha Disembar waxaa dunida laga xusaa maalinta cudurka AIDS-ka, ayadoo dunidu isku baraarujiso waxyeellada cudurkaas.
Siyaabo kala duwan ayey dadka la nool cudurku u wajahaan falcelinta bulshada.
Gabar ka mid ah dadka la nool AIDSka oo ku sugan magaalada Hargaysa ayaa ka mid ah dadka la kulmay falcelin ay ka mid tahay takooridda, waxayna u warrantay weriye Saleebaan Saxansaxo.










