Dadka la nool HIV oo war cusub oo farxad leh loo hayo

HIV

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saynisyahannada ayaa sheegay inay ku guuleysteen in fayraska HIV ay ka saaraan unugyada jirran, iyadoo la adeegsanayo teknolojiyadda abaal-marinta Nobel ku guuleysatay ee Crispr, taasoo lagu tifaftiro hidde-sidayaasha.

Qalabkan oo sida maqaska u shaqeeya, balse aad u yar, ayaa dhex jareysa DNA si kuwa xun looga saaro halkaas amaba saameyntooda loo demiyo.

Rajada ayaa ah inay ugu dambeyn fayraskan gebi ahaanba laga saaro jirka, inkastoo shaqo badan loo baahan yahay si loo hubiyo inay tahay mid ammaan ah isla markaana waxtar leh.

Daawooyinkii hore u jiray ee HIV ayaa joojin kara fayraska balse gebi ahaanba jirka kama cirribtiri karaan.

Kooxd ka socotay Jaamacadda Amsterdam, oo soo jeedin ka sameeyay shirka caafimaadka ee toddobaadkan, ayaa diiradda saaray kuna celceliyay in shaqadooda ay tahay caddeyn la helay ii nee aysan marnaba daaweyn u noqon doonin HIV mustaqbalka dhow.

Dr James Dixon, oo wax ka dhiga Jaamacadda Nottingham kuna takhasusay tifaftirka hiddo-sidayaasha, ayaa taas ku raacsan, iyagoo sheegay in natiijada oo buuxda ay weli u baahan tahay baaritaan dheer.

"Shaqo intaa ka badan ayaa loo baahan yahay si loo ogaado in natiijada unugyadan ay ka tarjumayso jirka oo dhan mustaqbalka dhow," ayuu yiri.

"Waxaa jiri doona horumarro badan oo loo baahan doono kahor inta aysan tan saameyn ku yeelan dadka la nool HIV."

'Waa mid ay aad caqabad uga taagan tahay'

HIV

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Saynisyahannada kale ayaa sidoo kale isku dayaya inay isticmaalaan Crispr oo ay u adeegsadaan HIV.

Sidoo kalena Excision BioTherapeutics ayaa sheegay in kaddib 48 toddobaad, dadka la nool HIV eek u tabarrucay inay daraasadda ka qeyb qaataan aysan la kulmin wax saameyn taban oo daran.

Balse Dr Jonathan Stoye, oo ah khabiir fayraska kana tirsan Machadka Francis Crick, oo London ku yaalla, ayaa sheegay in HIV oo laga saaro dhammaanba unugyada jirka ay tahay mid aad u caqabad bada.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in saameynta daawyenta, iyo suurtogalnimada ah inay saameyn taban oo muddo dheer ah yeeshaan, ay weli tahay arrin walaaceeda leh.

"Sidaa daaaddeed waxay u muuqataa in sanado badan ay kasoo wareegi doonaan kahor inta daawyentan Crispr ay noqoto mid joogto loo isticmaalo, xitaa waxaan qiyaasayaa in laga arko waxtar."

Fayraska HIV ayaa saameeya isla markaana weerara unugyada difaaca jirka, iyagoo ku sii faafa jirka.

Xitaa haddii daawyen waxtar leh uu qofku helo, qaarkood ayaa weli ku sii jira jirka oo hiddo-sidayaasha DNA ku sii baaqi ahaada, haddii haddii aysan soo saareyn fayras cusub.

Inta badan dadka la nool HIV ayaa u baahan daaweyn noloshooda inta ka dhiman ah oo ay qaataan daawada antiretroviral. Haddii ay joojiyaan qaadashada daawadan, fayraska ayaa dib usoo cusboonaan kara mar kalena qofka dhibaato u sababi kara.

Waxaa jira kiisas dhif ah oo dad laga daweeyay xanuunkan, kaddib markii daaweyn kansarka oo aad u daran ay cagta mariyeen dhammaanba unugyadii jirranaa, balse tan marnaba laguma talinayo in keliya lagu daweeyo HIv.