Gudniinka ragga ma wuxuu ka hor tagaa cudurka HIV/AIDS?

Gudniinka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Gudniinka raggu waa qalliin fudud oo lagu sameeyo xubinta taranka, kaasoo la sameyn jiray muddo kumannaan sano ah.

Taariikhyahannada ayaa aaminsan in dhaqanka gudniinka ragga uu ka dhex jiray bulshooyinka Masar 15,000 oo sano ka hor ilaa haddana waxa uu ka jiraa meelo badan oo ka mid ah dunida.

Qiyaastii mid ka mid ah saddexdii nin ee dunida ku nool ayaa gudan.

Inta badan ragga la guday ayaa ah Muslimiin maadaama Islaamku uu farayo guditaanka carruurta yar yar. Isla sidaas oo kale dadka Yuhuudda ah ayaa carruurtooda waajib uga dhiga in la gudo.

Marka laga soot ago Muslimiinta iyo Yuhuudda, dadka kale ee ugu badan ee ku dhaqma gudniinka waa ragga ku dhashay dalka Mareykanka.

Sida lagu xusay daraasad lasoo saaray sanadkii 2016, 80% ka mid ah wiilasha Mareykanka ayaa la gudaa marka ay dhashaan ka dib, taasoo ka dhigan in qiyaastii boqolkiiba 15 ka mid ah ragga aysan gudneyn.

Sababta uu gudniinku ugu badan yahay Mareykanka ayaa lagu sheegay in waddankaas ay tobannaan sano ka jirtay fikrad ku saabsan in gudbiinku "uu leeyahay faa’iidooyin caafimaad".

Gudniin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Badanaa gudniinka waxaa la fuliyaa isla marka uu ilmaha dhasho, inkastoo carruurta qaarkood qalliinkan lagu sameeyo marka ay soo weynaanaadaan. Hase yeeshee hadda waxaa soo kordhaya ragga waaweyn ee gudniinka lagu sameeyo, maadaama uu caafimaad ku jiro.

Gudniinku miyuu ka hor tagaa HIV/AIDS iyo cudurro kale?

Dhakhaatiirta qaarkood ayaa aaminsan in gudniinku uu ragga ka ilaaliyo cudurrada lagu kala qaado galmada iyo xanuunka dilaaga ah ee HIV/AIDS.

Gudniin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tirada dadka u uku dhaco HIV/AIDS ayaa aad ugu badan waddamada Bariga iyo Koonfurta Afrika. Tani waxay sababtay in hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howl gala dalalkaas ay ku taliyaan in ragga la gudo si looga hortago cudurkan.

Haddii aad eegto daraasad ku saabsan xogta la aruuriyay, waxaad arkeysaa in saameynta cudurka HIV/AIDS ay kusii yaraaneyso deegaannada uu ku soo batay gudniinka ay dhiirrigeliyeen hay’adaha Qaramada Midoobay ee ololaha sameeya.

Sida uu sheegay urur caafimaad oo ka dhisan dalalka Yurub, "Weli ma cadda xiriirka ka dhaxeeya gudniinka iyo isu gudbinta HIV-ga", maadaama aan loo heyn caddeyn rasmi ah.

Hase ahaatee ururkan ayaa sheegay in hoos u dhaca tirade dadka ay ku dhacaan cudurrada lagu kala qaado galmada ee dalka Mareykanka ay sabab u tahay in 85% ka mid ah ragga ay gudan yihiin.

Laakiin xaaladdan mid gebi ahaanba ka duwan ayaa ka jirta dalka Netherlands, halkaas oo aad ugu yar yihiin dadka ay ku dhacaan cudurrada lagu kala qaado galmada balse ragga ku nool waddankaas aan la gudin.