Muxuu yahay kaniiniga la la hadal hayo ee ay isticmaalaan lamaanaha ka cabsanaya qaadista HIV-ga?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maalin ka dib waxaa Dunida laga xusayaa munaasabadda Maalinta Aids-ka Adduunka oo ku asteysan 1-da bisha December. Rishikesh Andhalkar oo horay u ahaan jiray shaqaale caafimaad ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeynayay cilmi baaris ku saabsan sida lagu kala qaado xanuunka HIV-ga.
Hadda waxa uu khabiirkan ku sugan yahay magaalada London, isagoo ka qeyb qaadanaya daraasad ka socota Xarunta Caafimaadka ee Jaamacadda Queen Mary.
Dr Andhalkar waxa uu BBC-da laanteeda Marathi uga warramay kaniini lagu magacaabo PEP muddooyinkan ay hadalheyntiisa jirtay oo ay dhakhaatiirtu kula taliyaan in ay isticmaalaan lamaaneyaasha gogosha la wadaaga qof qaba xanuunka HIV-AIDS.
Muxuu yahay PEP?
PEP waxaa laga soo gaabiyay “Post-Exposure Prophylaxis” oo micnaheedu yahay Dawada ka hortagga cudurka”.
Sida uu sheegay Dr Andhalkar, dawadan ayaa laga sameeyay isla maaddooyinka loo adeegsaday dawada la siiyo bukaannada sida caadiga ah ula nool HIV-ga. Waxa uu u sameysan yahay kaniin ahaan oo keliya.
“Waxaa loogu talo galay qofka gogosha la wadaaga lamaanaha qaba HVI-ga ama looga shakisan yahay xanuunkaas,” ayuu yiri.
Sidoo kale waxaa kaniinigan qaata shaqaalaha caafimaadka ama dadka kale ee uu fayraska HIV-ga kasoo gaaro adeeg caafimaad oo ay u sameeyeen bukaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Balse waxaa muhiim ah in daawada PEP la billaabo 72 saac gudahood markii ugu horreysay ee uu qofku wajahay halista uu ugu jiro cudurka.
“Waxaa mar walba sii fiican in la billaabo 24-ka saac ee ugu horreysa gudaheeda, sababtoo ah saacad kasta oo kasoo wareegta marka uu fayraska qofka ku gaaro si aan la fileyn ama dhacdo sababto waxay leedahay muhiimad gaar ah ” ayuu yiri.
Xaaladahee loo isticmaalaa PEP?
- Kuwani waa qaar ka mid ah xaaladaha ugu muhiimsan ee loo adeegsan karo kaniiniga ka hor taga cudurka HIV-Aids:
- Haddii uu xiriir gogol dhex maro qof qaba HIV ama looga shakisan yahay inuu qabo xanuunka
- Haddii qofka lagu shubo dhiig laga qaaday qof qaba HIV, xitaa haddii dhiiggaas uu meel ka gaaro jirka qofka fiyoow ama u uku taabto gacmaha
- Haddii uu qof si kama’ ah u taabto cirbad loo adeegsaday bukaan qaba HIV oo ay meel ka durto farihiisa
- Ficil kasta oo qofka halis ku gelin kara in uu qaado HIV-ga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dawadan ayaa sidoo kale la siin karaa qof loo geystay weerar jinsiyeed, sida kufsiga
Sida laga soo xigtay khubarada caafimaadka, kaniiniga PEP waxa uu ka hortagaa halista uu jirka bani’aadanka ugu jiro HIV-ga, gaar ahaan marxaladaha ugu horreeya, waxa uuna ka joojiyaa fayraska in u uku ballaarto jirka.
Balse waxa ay intaas ku dareen in PEP uusan boqolkiiba boqol hubanti kuu siineyn in uu kaa difaacayo cudurka.










