"Reer Yurub go'aan ma gaari karaan, waxay ku leeyihiin Mareykanka u tag"

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibadda Iran

Xigashada Sawirka, IRNA

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in booqashadii uu ku tagay wasiirka arrimaha dibadda, Abbas Araqchi, magaalada Paris ay aheyd "wadahadalo caadi ah" balse wuxuu sheegay wasiirka "hadal kasta in uusan macnihiisu aheyn bilowga wadaxaajood".

Ismail Baghaei oo ah afhayeenka wasaarada waxa uu su'aalgeliyay kaalinta dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Britain ee ah in ay madaxbannaanyihiin isagoo sheegay "waxkasta oo aad Yurub kala hadasho oo ku saabsan wadaxaajoodka" waxay leeyihiin, "Mareykanka u tag oo la hadal".

Mr. Baghaei wuxuu shir jaraa'id ka sheegay in tani ay muujineyso in dalalka Yurub "aysan aaminsaneyn in ay ka qaadan karaan kaalin mas'uuliyad ku jirto oo waxtar leh nidaamka diblomasiyadeed, waxaana laga yaabaa in aysan haysan awoodda lagama maarmaanka ah iyo kalsoonida ay ku fulin lahaayeen mas'uuliyadda".

Hadalka afhayeenka Iran waxa uu soo baxay maalmo yar kadidb markii wasiirka arrimaha dibadda uu kala hadlay arrimaha nukliyeerka iyo gobolka dhiggiisa Faransiiska mar uu booqanayay Paris.

Wadahadalka waxa uu dhacay xili ay jiraan walaacyo laga muujinayo barnaamijka nukliyeerka Iran. Iran iyo quwadaha reer galbeedka muddo dheer wax wadaxaajood ah ma yeelan.

Kaddib markii la qaatay qaraarkii ugu dambeeyay ee ka soo bxaay hay'adda Atoomikada Adduunka ayey dowladda Iran si xoogan u dhaliishay Faransiiska, Mareykanka, Britain iyo Jarmalka.

Qaraarkii u dambeeyay ee ka soo baxay hay'adda Atoomikada Adduunak ee IAEA waxa uu ugu baaqayay Iran in si "degdeg ah" ay ku cadeyso heerka ay gaarsiisan tahay naaxinta keydka yuraniyamka iyo sidoo kale in ay u ogolaato kormeerayaasha IAEA in ay booqdaan xarumaha nukliyeerka.

Xarumaha nukliyeerka Iran waxaa duqeeyay Israel iyo Mareykanka oo dhaawac u geystay.

Mr. Baghaei oo ka jawaabayay su'aal aheyd hadii wadahadallada Paris ay keenayaan xal wax looga qabanayo ismariwaaga barnaamijka nukliyeerka ayaa sidan yiri, "xalka nukliyeerka Iran in uusan noqon arrin taagan, waa in la aqbalaa xaqa ay Iran u leedahay nukliyeer sida uu qabo heshiiska in aan nukliyeerka la sii faafin".

Iran waxay xubin ka tahay heshiiska caalamiga ah ee dhigaya in aan hubka nukliyeerka la sameysan, waxaana ka go'an ayuu yiri afhayeenka in ay ku taagnaato xaqeeda.

Iran ayaa arrintan kaga hadasho kulan kasta ee looga hadlayo nukliyeerkeeda iyadoo dhinacyada u sheegtay in ay xaq u leedahay isticmaalka nukliyeer aan hub laga sameyneyn.

Xarumaha nukliyeerka Iran

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES / MAXAR TECHNOLOGIES

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iran waxay sheegtay in Mareykanka uu doonayo in aan la naaxin Yuraniyamka, diyaarna uma ahan ayey tiri in la hadlo ilaa inta la fulinayo shuruudaas.

Hay'ada Atoomikada Caalamiga, Mareykanka iyo isbahaysigiisa waxay ku baaqayaan in degdeg loo kormeero loolana socda xarumaha nukliyeerka Iran oo ay ku jiraan goobihii la weeraray.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibadda Iran waxa uu sheegay, "Hay'ada ma sheegi karto in Iran ay jabisay waajibkeeda, gaar ahaan marka la fiiriyo xarumahan aan badqabka aheyn, maxaa yeelay waa la weeraray, waxaana ka jirta halis shucaac iyo in uu so baxay shucaaca".

Waxaa jira nidaam la raaco marka hay'ada ay kormeer ku sameyneyso goobo noocan oo kale ah ayuu yiri afhayeenka.

"Sida cad, tan oo kale hore uma dhicin. Intii ay hay'ada jirta, marna ma arkeysid arin tan la mid ah oo ah in koox kale ay weerarto meel ay hay'adda la socoto" ayuu yiri afhayeenka.

Kaddib dagaalkii 12-ka maalmood socday bishii June ee Israel iyo Mareykanka ku duqeeyaan xarumaha nukliyeerka Iran, Iran wixii markaa ka dambeeyay uma ogolaan hay'ada Atoomikada in ay la socoto xarumahaas. Iran waxay sheegtay in la joojiyay howlaha bacriminta xarumahan.

Wadamada reer galbeedka walaac ayey ka muujiyeen, waxayna ugu baaqeen Iran in ay cadeyso sida ugu dhaqsiyaha badan xaalada xarumaha Fordow, Natanz, iyo Isfahan.

Su'aasha ugu weyn ee wadamada reer galbeedka qabaan ayaa ah waxa ay ku sugan yihiin 400 oo kiilo oo Yuraniyamka Iran ah ee la naaxinayay bilihii u dambeeyay.

Iran waxay markasta sheegtaa in aysan dooneyn in ay sameysato hub nukliyeer ah, ayna aqbaleyn in ay joojiyo naaxinta yuraniyamka.