Pakistan oo sheegtay in "dagaal furan" ay kula jirto Afghanistan, ka dib markii Islamabad duqeysay Kabul

.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

"Samirkeennii hadda wuu dhammaaday," ayuu yiri Khawaja Muhammad Asif ka dib weerarrada.

Duqeymahan ayaa yimid ka dib markii Taliban-ka Afghanistan ay ku dhawaaqeen weerar ballaaran oo ay ku qaadeen saldhigyo milatari oo Pakistani ku leedahay meel u dhow xaduudka, habeenkii Khamiista.

Weerarradii ugu dambeeyay ayaa daba socda bilo isku-dhacyo ah oo u dhexeeyey labada dal ee dariska ah, inkastoo ay mar dambe ku heshiiyeen xabbad-joojin jilicsan bishii Oktoobar.

Hase yeeshee wadahadalladii sannadkii hore ma aysan gaarin heshiis si buuxda u soo afjara colaadda, iyadoo labada dhinacba ay midba midka kale ku eedeeyeen inuusan si dhab ah uga qayb qaadan wadahadallada.

Taliban-ka ayaa sheegay in "howlgal aargoosi ah" la bilaabay fiidnimadii Khamiista. Waxayna intaas ku dareen in ay qabsadeen 19 saldhig milatari oo Pakistani ah iyo 2 xarumood oo kale Taliban waxay kale oo sheegteen 55 askari oo Pakistani ah la dilay. BBC-du ma aysan awoodin in ay xaqiijiso sheegashooyinkan.

Pakistan ayaa hadalkaas si degdeg ah uga falcelisay, iyadoo sheegtay in Taliban-ku ay "si khaldan u qiyaaseen xaaladda oo ay si aan cududaar lahayn rasaas uga fureen goobo badan" oo ku yaalla xadka dhinaca gobolka waqooyi-galbeed ee Khyber Pakhtunkhwa, taas oo ay sheegeen ciidammada ammaanka ka bixiyeen jawaab degdeg ah oo wax-ku-ool ah"

Intaas ka dib Pakistan waxay sheegtay in ay billowday duqeymo isdaba joog ah waaberigii hore ee subaxnimadii Jimcaha, ku was oo lagu beegsaday bartilmaameedyo ku kala yaal magaalooyinka Kabul, Kandahar iyo Paktika, iyagoo sheegay in ay jawaab u yihiin "weerarro aan la kicin oo Afghan ah."

Saddexdaas magaalo waxay ku dhow yihiin xadka wadaagga ah ee buuraleyda Pakistan iyo Afghanistan oo dhererkiisu yahay 2,600 km.

.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Afhayeenka milatariga Pakistan, Axmed Sharif Chaudhry, ayaa sheegay in ay beegsadeen 22 bartilmaameed milatari oo Afghanistan ku yaal, halkaas oo ku dileen in ka badan 200 dagaalyahan oo Taliban ah. Halka dhanka Pakistan ay uga dhinteen ugu yaraan 12 askari.

Hase yeeshee, afhayeenka Taliban Mujahid ayaa sheegay in 13 dagaalyahan oo Taliban ah oo keliya la dilay, 22 kalena la dhaawacay, halka 13 rayid ah la dhaawacay tiro aan la cayiminna la dilay.

BBC-du ma aysan awoodin in ay xaqiijiso tirooyinkan. Intii ay colaaddani socotay, labada dhinacba waxay ku andacoodeen in midba midka kale uu khasaare culus gaarsiiyey.

Taliban-ka Afghanistan ayaa sheegay inay subaxnimadii Jimcaha duqeymo cirka ah ka fuliyeen bartilmaameedyo dhowr ah oo ku yaalla gudaha Pakistan. Ilo ka tirsan dowladda Taliban ayaa BBC-da u sheegay in weerarradaas lagu fuliyay diyaarado aan duuliye lahayn oo laga soo diray Afghanistan.

Wasiirka Warfaafinta Pakistan Atta Tarar ayaa sheegay in milatarigu ka hortageen diyaarado drone ah oo ka yimid Afghan, ku waas oo beegsanayey Swabi, Nowshera iyo Abbottabad oo ah magaalooyin saldhig milatari leh, islamarkaana hoy u ah kulliyadda milatariga ee ciidanka.

Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sheegay in ciidammada dalkiisu ay "si buuxda awood ugu leeyihiin in ay burburiyaan damac kasta oo gardarro ah," isagoo ku dhaartay in "aan wax tanaasul ah laga geli doonin" difaaca "dalkeenna aan jecel nahay."

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Afghanistan gudaheeda, saraakiil ka tirsan Taliban ayaa Jimcihii sheegay in gantaallo Pakistani laga soo tuuray ay ku dhaceen xero qaxooti oo ku taalla Nangarhar — taas oo hoy u ah muwaadiniin Afghan ah oo dhowaan ka yimid Pakistan — ayna ku dhaawacmeen ugu yaraan sagaal qof. Mar kale BBC-du ma aysan awoodin in ay xaqiijiso arrintan.

Dadka deegaanka iyo mas'uuliyiinta maxalliga ah ee ku sugan magaalooyinka Afghanistan ee la beegsaday ayaa u sheegay BBC Afghan in xaaladdu u muuqato in ay deggenaatay tan iyo markii weerarradu dhaceen, inkastoo dadka ku nool labada dhinac ee xadka ay weli feejignaan sare ku jireen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Ishaq Dar, uu la hadlay dhiggiisa Turkiga, Hakan Fidan, islamarkaana ay "isku raaceen in ay si dhow ula socdaan isbeddellada soo kordhaya," iyagoo carrabka ku adkeeyay "muhiimadda nabadda iyo xasilloonida."

Dar oo booqasho rasmi ah ku jooga Sacuudi Carabiya , ayaa sidoo kale wadahadal la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas, Faisal bin Farhan Al Saud.

Dhanka kale, Iiraan ayaa soo bandhigtay in ay "fududeyso wada-hadal" u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan, iyadoo ku boorrisay labada dhinac in ay "khilaafaadkooda ku xalliyaan deris-wanaag iyo wada-hadal."

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, Yvette Cooper, ayaa sidoo kale ku boorrisay labada dhinac in ay dib ugu laabtaan wadahadallada, islamarkaana ay qaadaan "tallaabooyin degdeg ah oo lagu dejinayo xiisadda sidoo kalena laga fogaado waxyeello dheeraad ah oo soo gaarta rayidka."