Iiraan oo wajahaysa abaar daran xilli biyo-la'aani saamaysay Tehran

Xigashada Sawirka, EPA
- Author, Parham Ghobadi
- Role, BBC Persian
Iiraan gaar ahaan caasimaddeeda Tehran waxay xilligan dayrta wajahaysaa abaartii ugu xumeyd ee abid dhacda, iyadoo roobabku aad u yaraadeen xilli kaydadkii biyuhu ay ku dhow yihiin inay qalalaan.
Mas'uuliyiintu waxay dadweynaha ka codsanayaan inay biyaha ilaaliyaan maadaama ay xaaladdu sii xumaanayso.
Madaxweynaha Iiraan, Masuud Pezeshkian, ayaa ka digay in haddii roobab degdeg ahi aysan da'in, sahayda biyaha ee Tehran la qiyaasi karo in la xadido.
Hase yeeshee wuxuu sheegay in xitaa xadididdaas aysan ku filnaan karin in laga fogaado masiibo. "Haddii nidaamka xadididda uusan shaqeyn," ayuu yidhi Pezeshkian, "waxaan qasban noqon karnaa inaan dadka ka daad-gureyno Tehran."
Hadalladiisa ayaa dhaliyay dhaleeceyn ballaadhan oo ka timid wargeysyada Iiraan iyo baraha bulshada. Duqii hore ee Tehran, Gholamhossein Karbaschi, ayaa fikraddaas ku tilmaamay "kaftan," wuxuuna sheegay "daad-gureynta Tehran wax macno ah ma leh."
Mas'uuliyiinta saadaasha hawada ee Iiraan waxay sheegeen inaan roob la filayn 10ka maalmood ee soo socda. Isla markaana, dhibaatada biyuhu waxay hore u saameysay nolosha maalinlaha ah ee caasimadda.
"Waxaan qorsheynayaa inaan iibsado taangiyo biyo ah si aan ugu isticmaalo musqulaha iyo baahiyaha kale," ayay haweeney degan Tehran u sheegtay BBC-da laanteeda ku warranta afka Beershiyaanka.
Xagaagii, fanaanka qaada heesaha raabka ah ee reer Iiraani Vafa Ahmadpoor ayaa soo dhigay muuqaal baraha bulshada oo muujinaya tuubbo jikada ah oo aan biyo ka imaanayn.
"Waxay ahayd afar ama shan saacadood," ayuu yidhi. "Waxaan iibsanay biyo dhalo ah si aan u awood ugu helo inaan musqusha u isticmaalno."
Biyo-xidheennadii oo qarka u saaran in ay gudhaan
Maamulaha Biyo-xidheenka Latian oo ah mid ka mid ah ilo-biyaha ugu waaweyn ee Tehran ayaa sheegay in hadda uu hayo wax ka yar 10% awooddiisii guud. Biyo-xidheenka Karaj oo u dhow kana quudiya Tehran iyo gobolka Alborz ayaa ku jira xaalad la mid ah.
"Nolosheyda oo dhan ma arkin biyo-xidheenkan oo sidan oo dhan madhan," ayuu yidhi nin waayeel ah oo deegaanka ah oo la hadlay telefishinka qaranka ee dalka Iiraan.
Sida uu sheegay Maxamed-Cali Moallem, maamulaha Biyo-xidheenka Karaj, roobabku si weyn ayay u yaraadeen.
"Roobka sanadkan wuxuu ka hooseeyaa 92% marka la barbardhigo kii hore," ayuu yidhi. "Waxaan haysannaa oo keliya 8% biyo ah oo keydka yaal, inta badanna waa biyo aan la isticmaali karin, oo loo yaqaan 'biyo dhintay'.
Cabsi laga qabo jaritaanka biyaha
Dowladdu waxay rajadeeda saaraysaa roobabka dayrta dambe, balse saadaashu waa mid niyad-jab leh. Wasiirka Tamarta ee Iiraan, Cabbaas Cali Abaadi, ayaa ka digay in xaaladdu keeni karto in dowladdu khasab ku noqoto inay jarto biyaha.
"Habeennada qaarkood waxaan hoos u dhignaa qulqulka biyaha si eber ah," ayuu yidhi.
Mas'uuliyiintu waxay sidoo kale sheegeen in la ganaaxi doono guryaha iyo ganacsiyada si xad-dhaaf ah u isticmaalaya biyaha.

Xigashada Sawirka, ABEDIN TAHERKENREH/EPA/Shutterstock
Tubooyinka, burburkii dagaalka - iyo xiisadda sii ballaadhanaysa
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirka Tamarta, Cali Abaadi, ayaa sheegay in dhibaatada biyaha ee Tehran aysan keliya ka dhalan roob la'aanta, balse ay qayb ka tahay daadad iyo dillaacyo ay sababtay nidaamka biyo-mareenka ee magaalada oo in ka badan qarni jiray, iyo sidoo kale dagaalkii 12-maalmood ee ay Iiraan la gashay Israa'iil.
Intii uu socday dagaalkaas, Israa'iil waxay 15-kii Juun beegsatay xaafadda Tajrish ee waqooyiga Tehran. Kadib weerarka, muuqaallo la faafiyay ayaa muujiyay daadad xooggan oo halkaas ka dhacay.
Maalintii xigtay, ciidanka difaaca ee Israa'iil ayaa sheegay inay beegsadeen "xarumaha amarada ciidanka ee Iiraan."
Laakiin dhibaatadu way ka fog tahay caasimadda oo keliya.
Madaxa Xarunta Qaranka ee Maareynta Cimilada iyo Abaarta, Axmed Wazifeh, ayaa sheegay in marka laga reebo Tehran, biyo-xidheennada gobollo badan oo ay ka mid yihiin Aasaerbayjaan Galbeed, Aasaerbayjaan Bari, iyo Markazi ay ku jiraan "xaalad walaac leh," iyadoo heerarka biyaha ay hoos ugu dhaceen.
Magaalada Mashhad oo ah tan labaad ee ugu weyn ee dalka Iiraan mas'uuliyiintu iyaguna waxay bilaabeen digniino adag.
Guddoomiyaha gobolka Khorasan Razavi ee waqooyi-bari Iiraan ayaa sheegay in keydadka biyaha ee biyo-xireennada Mashhad ay hoos u dhaceen "wax ka yar siddeed boqolkiiba," isagoo sheegay in gobolka uu wajahayo "caqabaddii abaarta ee ugu weyneyd."
Maamulaha shirkadda biyaha iyo bulaacadaha ee Mashhad, Xuseen Ismaaciiliyaan, ayaa sheegay in tiradu xitaa ka hooseyso taas.
"Heerka kaydka biyo-xidheenka ugu weyn ee magaalada wuxuu ka hooseeyaa saddex boqolkiiba," ayuu yidhi.
"Kaliya saddex boqolkiiba oo keliya ayaa ka hadhay awoodda guud ee afarta biyo-xidheen ee Mashhad, Torogh, Kardeh, Doosti iyo Ardak marka laga reebo Doosti, saddexda kale waa laga joojiyay shaqadii."
Dhibaato muddo la saadaalinayay
Dhibaatada biyaha ee Iiraan waa mid soo socotay tobannaan sano.
Xitaa Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Aayatulla Cali Khama'iini, ayaa dhowr jeer ka hadlay khatartaas, isagoo ku celceliyay khudbadihiisa Nowruz ee 2011 iyo sanado kale oo xigay.
Hase yeeshee, wax isbeddel ah oo muuqda lama sameyn.
Maanta, Tehran, Karaj iyo Mashhad oo ay wada deggan yihiin in ka badan 16 milyan oo qof waxay wajahayaan halis dhab ah oo ah in tuubooyinkoodu qalalaan.












