Maxey tahay sababta Maryam Ciise oo caan ka ahayd TikTok loo toogtay xilli muuqaal ay duubaysay?

Xigashada Sawirka, Internet
Haweeney caan k ah barta TikTok ayaa lagu eedeeyay inay caawinaysay ciidanka dalka Mali, waxaana la sheegay in la qabtay kadibna lagu fuliyay dil toogasho ah ayadoo ay dileen kooxo looga shakisan yahay in ay yihiin jihaadiyiin.
Maryam Ciise , oo lagu sheegay inay jirto labaatameeyo ayaa barteeda TikTok waxaa ku xiran in ka badan 100,000 -waxeyna soo dhigi jirtay muuqaallo ku saabsan nolosha magaalada ay kasoo jeedo ee Tonka, oo ku taalla waqooyiga gobolka Timbuktu, waxayna si joogto ah u muujin jirtay taageero ay u hayso ciidanka.
Geerideeda ayaa argagax gelisay dalka Mali, oo dagaal kula jiray kooxaha jihaadiyiinta tan iyo 2012. Telefishinka qaranka ayaa sheegay in Maryam kaliya ay rabtay inay dhiirrigeliso bulshada ay kasoo jeedo iyo inay taageerto ciidanka iyada oo adeegsanaysa barteeda TikTok.
Mali ayaa haatan wajahaysa go'doomin shidaal oo ay kooxaha jihaadiyiinta kusoo rogeen caasimadda, taas oo si weyn u carqaladeysay nolosha maalinlaha ah, iyadoo Midowga Afrika uu muujiyay "walwal weyn" oo ku saabsan xaaladda.
Ms Cissé waxaa qabtay rag looga shakisan yahay kooxaha jihaad doonka ah iyadoo si toos ah uga duubaysay muuqaal suuq ku yaalla magaalo deris ah halka ay ka soo jeeddo, sida ay sheegay idaacadda Faransiiska ee RFI.
"Walaashay waxaa qabtay Khamiistii kooxaha jihaadiyiinta ah a," ayuu u sheegay walaalkeed wakaaladda wararka AFP, isagoo sheegay in lagu eedeeyay inay "ciidanka Mali uga warramayso dhaq-dhaqaaqyadooda."
Dabayaaqadii usbuucan, waxaa lagu qaaday mooto laguna geeyay magaalada Tonka, halkaas oo lagu toogtay Fagaaraha Madaxbannaanida, iyadoo walaalkeed uu joogay goobta, sida ay werisay AFP.
Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda in la khaarijiyay kadib markii lagu eedeeyay inay duubaysay jihaadiyiinta "si ay u siiso ciidanka Mali."
Qaar ka mid ah muuqaalladeeda TikTok, waxay ku xiran tahay dhar ciidan, mid ka mid ahna waxaa ku qoran "Vive Mali" (Noolow Mali).
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Geerideeda waxay timid xilli uu sii xumaaday qalalaasaha ka dhashay go'doominta ay kooxaha jihaad-doonka ku hayaan dalka, iyadoo dugsiyada iyo jaamacaduhuna ay xiran yihiin toddobaadyo badan.
Dowladdu waxay hakisay waxbarashada tan iyo bishii hore, waxayna sheegtay inay samayn doonto "wax kasta oo suurtagal ah si ay uga jawaabto qalalaasahaas," si dugsiyada iyo jaamacaduhu dib ugu furmaan Isniinta.
Xaaladda adag ayaa sii socota, waxaana Jimcihii wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiisku ku boorisay muwaadiniinteeda inay si degdeg ah uga baxaan dalka inta duulimaadyada ganacsiga la heli karo.
Axaddii, guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay inuu walaac ka qabo "degdegga ay u sii xumaanayso xaaladda amniga, halkaas oo kooxaha argagixisadu ay go'doomiyeen magaalooyin, ayna carqaladeeyeen helitaanka sahayda daruuriga ah, isla markaana ay aad u sii xumeeyeen xaaladda bani'aadantinimo ee shacabka rayidka ah."
Wuxuu cambaareeyay "weerarrada si kas ah loogu beegsanayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan," kuwaas oo sababay "khasaare naf iyo maal leh oo aan la aqbali karin, isla markaana kordhiyay xasillooni-darrada."
Wuxuu intaas ku daray in Midowga Afrika uu diyaar u yahay "inuu taageero siiyo Mali iyo guud ahaan waddamada gobolka,"
Toddobaadyadii la soo dhaafay, Mali waxaa saameeyay yaraanta shidaalka, gaar ahaan caasimadda Bamako, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan farac ka mid ah al-Qaacida ay weerareen gaadiid shidaal siday oo marayay waddooyinka waaweyn, iyagoo sidaas ku sameeyay go'doomin.
Mali waa dal aan biyo bad lahayn, sidaas darteed shidaalka oo dhan waxaa lagu keenaa waddo dhulka ah oo ka timaadda dalalka deriska la ah sida Senegal iyo Ivory Coast.
Ciidamada militariga ayaa la wareegay talada Mali sanadkii 2021, iyagoo ballan qaaday inay hagaajin doonaan ammaanka, balse weli dagaallada jihaadiyiinta way socdaan, waxaana qaybo badan oo waqooyi iyo bariga dalka ah ay ka baxsan yihiin gacanta dowladda.













