Sidee ayay TikTokleyda iyo bulshada Soomaalida u arkaan in TikTok laga mamnuuco Mareykanka?

Xigashada Sawirka, AYUUB KAARLO
- Author, Fatuma Maalim Abukar
- Role, BBC Somali
TikTok ayaa qarka u saaran in laga mamnuuco Mareykanka kadib markii Senate-ka dalkaas uu ansixiyay hindise-sharciyeed lagu mamnuucayo bartan iyagoo ku xiray shuruud ah in aaladdan ay leedahay shirkadda Shiinaha ee ByteDance ay iska iibiso.
Bartan muuqaallada la iskula wadaago ayaa waxaa isticmaala malaayiin ku nool daafaha dunida, balse waxay wajaheysaa su’aalo isa soo taraya oo ku aaddan badqabka xogta macaamiisha iyo xiriirka ay la leedahay dowladda Beijing.
Aqalka Wakiillada iyo Senate-ka ayaa haatan labaduba meel mariyay sharci ku qasbaya bartan iyo shirkadda lehba inay isbeddel lagu sameeyo.
Shirkadda leh bartan TikTok ee ByteDance, ayaa heysata muddo sagaal bilood ah oo ay ku iibiso haddii kalena app-ka laga mamnuuci doono Mareykanka.
Madaxweyne Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu saxiixi doono mamnuuciddan si uu u dhaqan galo.
Yaa doonaya inuu TikTok ka mamnuuco Mareykanka maxayse tahay sababtu?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xildhibaannada labada aqal ee axsaabta ugu waaweyn Mareykanka ayaa meel mariyay sharci mamnuucaya TikTok iyadoo shuruud lagu xiray in shirkadda ByteDance ay oggolaato inay bartan ka iibiso shirkad aan Shiinees ahayn.
Waxay ka baqayaan in dowladda Shiinaha ay ku qasbi karto ByteDance inay usoo gacan geliso xogta ilaa 170 milyan oo Mareykanka u dhashay isla markaana isticmaala TikTok. TikTok ayaa ku adkeysanaya inuusan xogta dadka ajaanibka ah u gudbin doonin dowladda Shiinaha.
Taariikhdu markii ay ahayd 21 April, xildhibaannada Aqalka Mareykanka ayaa ansixiyay sharci gargaar dhan $95bn (£76bn) oo la siinayo Ukraine, Israa’iil iyo Taiwan taasoo sidoo kale waddada u xaari karta iibinta qasabka ah ee TikTok.
Sidoo kale 23 April, sharcigan ayaa maray Senate-ka, waxaana haatan loo diray Madaxweyne Biden si uu u saxiixo uuna sharci u noqdo.
Ma ahan markii ugu horreysay ee Mareykanku tallaabo ka qaado TikTok.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa isku dayay inuu bartan mamnuuco markii uu Aqalka Cad joogay 2020.
Balse Mr Trump – oo haatan ah musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinnimo ee 2024 – ayaa cambaareeyay sharcigan, isagoo ku doodaya in xaddididda TikTok uu si aan caddaalad ahayn uga faa’iidi doono Facebook.
Sidee ayaa looga falceliyay Mareykanka?

Xigashada Sawirka, AYUUB KAARLO
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
TikTokleyda Mareykanka qaarkood ayaa kasoo horjeestay tallaabadan, halka bulshada kale qaarkoodna ay soo dhoweeyeen.
Waxaa ku nool Mareykanka Soomaali badan oo aaladdan caan ka ah oo si weyn u isticmaasha, kuwaasoo siyaabo kala duwan aaladdan u adeegsada. Waxaa ka mid ah Ayuub Axmed Xuseen (Ayuub Kaarlo) oo ku nool gobolka Minnesota, wuxuu BBC-da u sheegay inuu kasoo horjeedo tallaabadan Mareykanku qaaday.
"Aniga sharcigan kuma farxin, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed meesha ugu badan ee laga caawiyo waa TikTok. Sidaas darteed, waa sharci saameyn doona dad badan oo Soomaaliyeed," ayuu yiri.
Dhanka kale, wuxuu Ayuub sheegay in inta bada dadka isticmaala barta TikTok ay sidoo kale leeyihiin akoonno Facebook iyo Youtube, kuwaasoo si ugu buuxin kara booskii TikTok, balse haddana aan siyaabo badan looga maarmin bartan.
"Aniga waxaan leeyahay Facebook iyo Youtube oo saameyn weyn iguma yeelan doonto. Laakiin dadka bixiya dhaqaalaha lagu caawiyo bulshada Soomaalida waxaa laga diraa Mareykanka, sidaa awgeed, taas unbaan u arkaa inay dhibaato noqon doonto oo saameyn doonto dadka masaakiinta ah," ayuu yiri.
Wuxuu intaa raaciyay, in haddii sharcigan uu dhaqangalo ay TikTokleyda u furan tahay inay aadaan aaladaha kale, sida Facebook iyo Youtube.
"Aaladdan TikTok waxay leedahay la qabsi oo qofka isticmaala wuu qabatimaa marka loo barbardhigo baraha kale ee bulshada." Ayuu yiri.
"Faaiidadiisa iyo khasaarihiisa waxaa badan khasaaraha"

Xigashada Sawirka, XASAN SUNNI
Dhanka kale, feker taa ka duwan waxaa qaba Xasan Ismaaciil Maxamed (Xasan Sunni) oo ka mid ah waaliddiinta Soomaaliyeed ee deggan magaalada Seattle ee dalka Mareykanka, isla markaana u dhaqdhaqaaqa bulshada.
"Mamnuucidda TikTok waxay leedahay faa'iido iyo khasaaro intaba. Waxaa jira dad badan oo ku bullaalay oo ku xayeysiista ganacsiyadooda, dhinaca kalena waalid ahaan, dhibaato badan ayuu ku hayay da'yarta sida wixii ka weyn 11 sano oo bartay inay isticmaalaan, waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay soo geliyaan waxyaabo aan carruurta u habbooneyn, iyo sidoo kale in carruurta uu waqtiga ka lumiyo," ayuu yiri.
"Haddiise dhanka xun iyo dhanka fiican la is barbardhigo aniga waxaan ka mid ahay dadka qaba in dhinaciisa xun uu badan yahay," ayuu intaa raacisay.
Xasan oo in badan kasoo shaqeeyay arrimaha bulshada ayaa aaminsan in dhalinyaro iyo carruur badan ay TikTok waqti ku lumiyaan.
"Dhibaatadu waa in marka ilmuhu soo yara weynaado oo qabatimo aaladdan, waxaan ka war qabaa arday badan oo dhanka waxbarashada uu ka mashquuliyo, inkastoo ay jiraan waaliddiin badan oo ku dadaala in telefoonnadooda ay aaladdan ka saaraan,".
Wuxuu Xasan oo qudhiisa isticmaala bartan TikTok oo wacyigelin ahaan uu u adeegsado sheegay in gaar ahaan Mareykanka ay jiraan dhalinyaro badan oo aan ka fekerin ammaankooda soona geliya xogtooda, iyo sidoo kale dad si khaldan u isticmaala.
"Haddii la xiro TikTok waxaa yaraanaya dadka waqtiga badan ku lumiya, dad baa laga yaabaa in ilaa siddeed saacadood ay toos ugu jiraan aaladdan oo qaarkood aysanba shaqo kale qaban. Waxaa imaan doonta in dadku ay ka faa'iideystaan fursadaha yaalla Mareykanka." Ayuu yiri.
Sidee ayay mamnuucidda TikTok u shaqeyn doontaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida ugu macquulsan ee Mareykanku u mamnuuci karo TikTok waxay noqon doontaa inuu ka saaro keydkiisa apps-ka, sida kuwa ay maamulaan shirkadaha Apple iyo Google ee aaladaha iOS iyo Android.
Meelahaas ayaa ah halka ay dadka inta ugu badan kala soo degaan aaladdan kuna shubtaan teleefannadooda, sidaa darteed mamnuucidda ayaa ka hor istaagi doonta macaamiisha cusub inay helaan oo adeegsadaan TikTok.
Taas ayaa micnaheedu yahay in dadka hore u heystan aaladdan aysan u suurto geli doonin inay mustqbalka wax cusub ka helaan aaladdan.
Sharcigan ayaa sidoo kale madaxweynaha awood ballaaran u siinaya inuu xaddido app-yada xiriirka la leh Ruushka, Shiinaha, Iiraan iyo Kuuriyada Waqooyi.
Muxuu TikTok arrintan ka yiri?

Xigashada Sawirka, Getty Images
TikTok ayaa aad uga soo horjeeday sharcigan, isagoo ku sheegay inuu lid ku yahay xaqa xorriyatul-qowlka Mareykanka.
Madaxa sare ee bartan Shou Zi Chew ayaa ka digay in sharciga uu "awood dheeri ah siin doono dhowr ka mid ah shirkadaha baraha bulshada", uuna shaqooyinka kumannaan Ameerikaan ah gelin doono khatar.
ByteDance ayaa oggolaansho ka raadin doonta saraakiisha Shiinaha si ay u iibiso TikTok, balse Beijing ayaa wacad ku martay inay kasoo horjeesan doonto tallaabada noocaas ah.
















