Maxay tahay gabadhii la sheegay inay TikTok isticmaaleysay ee lagu dilay Caabudwaaq?

- Author, Fatuma Maalim Abukar
- Role, BBC News Somali
Shalay galab waxaa degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ka dhacday arrin ay ka argagaxeen dadka deegaanka, kadib markii gabar dhalinyaro ah ay dileen hablo la sheegay inay qaraabo dhow yihiin.
Hadal-heyn ayaa ka dhalatay dilka gabadhan oo aad looga hadlayay baraha bulshada ee Soomaalida, iyadoo falcelinno kala duwan ay dadku ka bixiyeen.
Gabadha oo lagu magacaabo Nimco Jamaal Axmed ayaa u geeriyootay dhaawacyo ay gaarsiiyeen hablahan oo mid ka mid ah walaasheed ay tahay halka afarta kalena ay qaraabo yihiin.
Sheekh Ibraahim Faarax Cabdulle, oo ah gabadha abtigeed ahna guddoomiyaha garsoorka Caabudwaaq oo BBC la hadlay ayaa sheegay in hablahan ay weerarka u adeegsadeen ulo.
"Gabadha aniga ayay gurigeyga ku dhalatay, kusoo kortay, lagana guursaday. Shanta gabdhood ayuu Alle ku sababay," ayuu yiri.
Sheekha ayaa sheegay in afarta kale ee gabdhaha ay mid habaryarteed tahay, saddexda kalena ay dhaleen abtiyaalkeed.
Sababta loo dilay gabadha ayuu ka gaabsaday Sheekh Ibraahim, isagoo sheegay in laamaha ammaanka ay baaritaan ku hayaan dhacdadaas.
"Waxan qaddar Ilaahay ayay ku dhaceen. Annagu war kama aynaan heyn marka ay dhaceen ayaa booliska isoo wacay oo ii sheegay. markaan weydiinnay sababtay waxay gabdhuhu yiraahdeen waan xanjafinnay, iyagu ma dooneyn inay dilaan," ayuu intaa raaciyay.
Nimco ayay da'deedu ahayd qiyaastii 25, sida uu abtigeed u sheegay BBC. Waxay sidoo kale ahayd hooyo leh shan carruur ah oo ay aabbahood kala tageen.
Maxaa ka jira in TikTok dartiis loo dilay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa baraha bulshada Soomaalida la isla dhex marayay in Nimco ay muuqaallo 'anshax-xumo' ah ku faafisay baraha bulshada, taasna ay sababtay in hablaha walaalaheed ah ah ay soo weeraraan.
Wararka qaar ayaa sheegayay in gabadhan looga digay isticmaalka bartan TikTok, balse ay diidday.
Hase yeeshee, abtigeed, Sheekh Ibraahim, ayaa sheegay in arrintaasi aysan waxba ka jirin.
"Warkaas sidaad u maqashay baan u maqlay, laakiin anigu wax TikTok ah kuma arkin gabadha," ayuu yiri.
"Markaas dhaawac bay ahayd, waxay dhaheen falal anshax xumo ah baan u xanjafinnay," ayuu intaas ku daray.
Sidaan warka ku helnay, gabadhan ayaa ahayd ardayad diinta ka barata mid ka mid ah xarumaha diinta ee degmada, isla markaana ka shaqeyneysay goob shaaha lagu iibiyo.
"Nimco ma lahayn xitaa telefoon ay ka isticmaasho baraha bulshada" ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo BBC-da la hadlay.
Nimco ayaa isla shalayba lagu aasay Caabudwaaq, kaddib markii aabbaheed oo ku nool magaalada Jigjiga, ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya uu amray in meydka la aaso.
Maxaa laga yeelay gabdhihii falka geystay?

Xigashada Sawirka, CABDIKARIIM BULXAN
Sheekh Ibraahim ayaa BBC-da u sheegay in gabdhaha ay haatan ku jiraan gacanta laammaha ammaanka.
"Gabdhaha waxay u xiran yihiin Nimco aabbaheed oo Jigjiga ka soo socda, berri ayuu imaanayaa, waxaana laga yeelayaa sida ay diinta Islaamku qabto, ayuu yiri.
Sheekh Ibraahim ayaa sheegay in gabdhahan ay booliiska u sheegeen in falal anshax-xumo ah oo aysan faahfaahin waxay yihiin ay gabadha ku heysteen.
Ma aha markii ugu horreysay ee ay soo baxaan wararka noocan oo kale ah.
Dhowaan ayay ahayd markii baraha bulshada Soomaalida lasoo dhigay muuqaalka gabar wajigeedu ay nabarro ku yaallaan, taasoo ku barooraneysa in la isugu tagay oo la dilay.
Inkastoo gabadha aysan carrabaabin cidda nabarrada u geysatay, haddana waxaa aad loo hadal hayay in walaalkeed uu nabarrada u geystay "kadib markii uu uga maaro waayay isticmaalka aaladda Tiktok".













