Dilkii argagaxa galiyey Sacuudiga; Boqorkii Shidaalka ka jaray Israa'iil ee la dilay isagoo dhunkanaya wiilka uu adeerka u yahay

Boqor Faysal

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bishii Maarso sanadkii 1975-tii ayaa boqor Faysal-ka Sacuudiga lagu qaarajiyay magaalada Riyaad ee Sacuudiga. Ina adeerkii ayaa meel u dhow ka soo toogtay.

Ahmad Zaki Yamani oo ahaa wasiirka shidaalka ayaa garab taagnaa boqorka marka rasaasta lagu soo riday. Dr. Yamani inantiisa ayaa BBC-da la hadashay 2017-kii.

"Marna ma iloowayo maalintaas, xanuun ayaan dareemayaa. Weli waan xusuustaa dareenka aabahey, qiyaas qof agtaada taagnaa oo meel dhow laga soo toogtay".

Boqor Faysal saddex jeer oo degdeg ah ayaa la toogtay isagoo doonayay in uu hoos isu-dhigo si uu u dhunkado Dr Yamani oo 15 sano daacad u ahaa.

Boqor Faysal oo ahaa hoggaamiyihii saddexaad ee Sacuudiga iyo wiilka aasaasihii boqortooyada waxaa loola cararay isbitaalka balse waxyar kaddib ayuu geeriyooday.

Gabadha Dr. Yamani waxay jirtay 18 sano. Maalintaa meel dhowr kiilomitir u jirta ayey joogtay.

"Waxaan joogay guriga aabahey maalintaas" ayey tiri May oo intaas ku dartay "wuxuu yimid iyadoo wajigiisa ay ka muuqaato dareen xanuun iyo cabsi leh, wuxuu toos u aaday qolka qadada, halkaas ayuu ku baroortay", kaddibna hal eray ayuu yiri oo ahaa "Musiibo!".

Arrin aan aabahey ku aqoon ayey aheyd, waxaa lagu yaqaanay daganaasho iyo cod dabacsan.

Kaddib ayuu inantiisa u sheegay sheekada dhacday isagoo yiri, "10-kii arroornimo ayey ballantu aheyd in wafdi ka socday Kuwait uu boqor Faysal kula kulmo qasriga boqortooyada, maadama aan anigana ahaa wasiirka shidaalka waxana halkaas u aaday si aan boqorka u siiyo xogta muhiimka ah".

Aabaheed wuxuu yiri, "Amiir Faisal bin Musaed oo ay isku magac ahaayeen ayaa la soo galay wasiirka shidaalka ee Kuwait, amiirkana wuxuu soo dhaweyn labada gacmood uu kor u hayo u aaday dhinaca ina-adeerkii balse wuxuu la soo baxay bistoolad uu ku toogtay".

Saddex xabadood ayaa madaxa looga dhuftay

boqor Faysal

Xigashada Sawirka, Hulton Archive via Getty Images

Mid ka mid ah ilaalada ayaa seef la soo baxay. Sheikh Yamani wuxuu codsaday in aan la dilin amiirka.

Yamani wuxuu raacay boqor Faysal oo weli dhawac ahaa. Dhakhaatiirta waxay ku dadaaleen in ay badbaadiyaan balse way awoodi waayeen in ay noloshiisa badbaadiyaan. Markaa kaddib meel walba waa laga aamusay. Wadooyinka waa la cidleeyay.

Boqor Faysal wuxuu boqortooyada qabsaday 1964-tii. Sacuudiga waxa uu ahaa dhul saxara ah oo weyn oo la eg Yurubta galbeed. Wuxuu isku dayay in uu casriyeeyo dalka.

Faysal wuxuu ahaa curadka boqor Abdulaziz Al Saud. Wuxuu ka qeybqaatay ololaha aabihii ku mideynayay Sacuudiga iyo dadaalada horseeday dhismaha boqortooyada Sacuudiga. Faysal wuxuu noqday raysalwasaaraha dalka.

Isbaddelka uu sameeyay boqor Faysal lagama soo wada dhaweyn Sacuudiga, waxaa jiray kooxo ka soo horjeeda oo qoyskiisa ka tirsanaa.

Wasiirka shidaalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Markii boqor Faysal uu furay telefishinkii ugu horeeyay dalka sanadkii 1960-kii, waxaa la soo weeraray dhismaha TV-ga. Weerarka waxaa soo qaaday ninka boqor Faysal toogtay walaalkii.

Boqor Faysal wuxuu ka dhaadhicyay hoggaamiyayaasha diinta in haweenka oo wax la baro ay ka dhigeyso hooyooyin wanagsan.

Boqortooyo xooggan

Faysal wuxuu sameeyay markii ugu horeysay siyaasad Sacuudiga awood u siineysa in ay maamulaan keydka saliidda dalka, wuxuuna ka dhigay Sacuudiga dal awood badan oo kaalin weyn ka qaata dunida Carabta iyo caalamka.

Cunaqabateynta shidaalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sanadkii 1973-dii kaddib dagaalka Israel iyo Carabta, Sacuudiga oo ahaa dalka adduunka ugu soo saarida badan shidaalka ayaa markii ugu horeysay qaaday olole uu shidaalka ugu isticmaalayo hub siyaasadeed.

Wuxuu shidaalka ka jaray dalalkii taageeray Israel, shidaalkii adduunkana meel sare ayuu gaaray.

Sheikh Yamani ayaa ahaa ninka loo xilsaaray in uu fariintaas gudbiyo. Natiijada waxay noqotay in Israel ay ka baxdo dhammaan dhulkii Carabta, kaddibna shidaalka waxaa lagu soo celiyay qiimahiisa hore bishii Sabtamber 1973-dii.

Qiimaha shidaalka oo si weyn kor ugu kacay wuxuu wax ka baddelay isu-dheelitirka awoodda adduunka ee u dhexeysay dalalka soo koraya.

Isbeddalka awoodeed ee boqor Faysal wuxuu keenay in geeridsa 1974-tii loo aqoonsaday in uu ahaa "Ninka sanadka" waxaa sidaa qoray wargeyska Time magazine.

Kaddib dilkii boqorka

Amiir Faysal bin Musaed oo ahaa ninka dilay boqor Faysal, degdeg ayaa loo xiray weerarka kaddib. Su'aalo ayaa la weydiiyay, waxayna dhakhaatiirta xaqiijiyeen in uu maskixiyan xanuunsanaa.

Wararka waxay muujinayaan in amiirka uu deganaa ka hor dilka iyo kaddib markii uu falka dilka geystay.

Hoggaamiyayaasha caalamka ee ka qeybgalaya aaska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Markii la dilay boqor Faysal, waxaa la xiray magaalada Riyad, wax walba way istaageen ilaa muddo 3 maalmood ah. Boqor Faysal walaalkii boqor Khaalid ayaa boqortooyada loo dhiibay kaddib markii qoyska boqortooyada isku raaceen.

Amiir Faysal bin Musaed waxaa la soo taagay maxkamad. Bishii June 1975-tii ayaa meel fagaaro ah lagu daldalay sida ay shareecada Islaamka qabto.

Ma ogin sababta loo dilay boqorka balse amiirka dilka geystay wuxuu ahaa shaqsi qalafsan sida ay sheegtay May.

Sida lagu sheegay go'aan ka soo baxay golaha wasiirada boqortooyada, "Amiir Musaed waxa uu ahaa qof waalan".

Qabriga ayuu lagalay isagoo sheegin sababta uu u dilay boqorka balse wararka suuqa ayaa sheegaya in uu ahaa aargoosi la xiriira dilka walaalkii ka weyn oo ku dhintay isku dhac isaga iyo ciidamada ammaanka dhexmaray sanadkii 1966-dii.

.