Nin iyo xaaskiisa oo khiyaano fudud ku cunay lacag dhan £600k

Xigashada Sawirka, NSW Police
- Author, Aleks Phillips
Nin iyo xaaskiisa oo kasoo jeeda dalka Kazakhstan ayaa la sheegay inay adeegsadeen kaamiro qarsoon iyo sameecadaha dhegaha si ay si khiyaano leh ugu guuleystaan ku dhowaad A$1.2m (£593,000; $784,000) kadib qamaar ay kaga qeyb galeen casino ku taalla Australia.
Lammaanaha ayaa la qabtay kadib markii shaqaalaha goobtaas oo ku taalla Barangaroo oo deris la ah Sydney ay ka war heleen in Dilnoza Israilova, oo 36 jir ah, ay xirneed kaamiro yar, oo ay ku dhejisay funaadaddeeda Mickey Mouse, sida ay sheegeen booliiska New South Wales.
Iyada iyo seygeeda, Alisherykhoja Israilov oo 46 jir ah, ayaa kadib la xiray. Booliiska ayaa raadiyay kadibna ku helays kaamiro ay ku dhegsadeen telefoonka si ay dhac uga geystaan qamaarka.
Lammaanaha ayaa lagu helay inay si khiyaano ah u heleen dhaqaale waxayna kusii jiri doonaan xabsiga.
Booliiska New South Wales ayaa sheegay in lammaanaha ay soo galeen Sydney iyagoo ka yimid dalka Kazakhstan bishii October ayna isla maalintaas dalbadeen xubinnimada casino-da.
Toddobaadyadii xigay, dhowr jeer ayay booqdeen casino-da - oo lagu magacaabo Crown - waxayna ka heleen lacag dhan A$1,179,412.50.
Tan ayaa shaki ku dhalisay shaqaalaha goobtan, oo la sheegay inay kadib falka ku qabteen Khamiistii.
Booliiska ayaa sheegay in qalabka wax lagu basaasoo ee ku xirnaa telefoonnada lammaanaha uu u oggolaanayay inay arkaan sawirrada ka muuqda miiska.

Xigashada Sawirka, NSW Police
Waxay sidoo kale xirteen sameecadaha dhegaha, kuwaasoo la sheegay inay talooyin kaga helayeen.
Afhayeen u hadlay booliiska New South Wales ayaa BBC u sheegay inaysan haatan raadineyn qof kale oo ku lug leh dhacadadan musuqa.
Intii lagu guda jiray baaritaanka gurigooda oo u dhow casino-da, ayay saraakiishu ka heleen qalab kale, dahab qaali ah iyo €2,000 (£1,750; $2,320) oo lacag caddaan ah.
Lammaanaha ayaa Jimcihii maxkamadda kasoo muuqda waxaana loo diiday in damiin lagu sii daayo, sida ay sheegeen booliiska New South Wales.
Mrs Israilova ayaa lagu wadaa in mar kale maxkamad lasoo taago bisha February, sida uu tebiyay Guardian Australia, halka Mr Israilov lagu wado in mar kale maxkamad lasoo taago 11 December.













