Maxay tahay sababta lacagta duugoowday ee Gaza dib loogu hagaajinayo?

Suuqa aadka loo buuxo ee Gaza waxaa dib loogu hagaajinayaa lacag dhammaatay. Waa boqol lacagta shekel-ka ah waxay u dhigantaa sodon doolar iyo bar ($30.50). Nin ayaa toosinaya oo ka bixinaya laalaabka , wuuna midabeynayaa isagoo si taxadar leh u adeegsanaya qalin-qori.
Baraa Abu al-Aoun waxay aheyd in uu jaamaad dhigto balse halkii uu ka aadi lahaa wuxuu nolol ka raadsanaya miis uu dhigtay jidka dhinaciisa. Waxyar ayuu dadka ka qaataa si lacagta caddaanka ay suuqa ugu sii jirto. Lacagta oo la hagaajiyo waa ganacsi fiican oo ka jira Gaza.
Ilaa markii uu qarxay dagaalka Gaza 2023-kii, Israel waxay joojisay in ay siiso Gaza lacagaha caddaanka iyo sahay kale oo badan.
Inta badan bangiyada waxaa burburiyay duqeynta Israel, waana la bililiqeystay. Qaar ka mid ah bangiyada ayaa dib loo furay kaddib markii ay hirgashay xabadjoojinta balse weli ma shaqeynayaan mashiinada bangiyada ee loo yaqaan ATM-ka.
Dadka waxay u baahan yihiin lacag caddaan ah oo ay wax ku iibsadaan. Dantu waxay ku qasabtay in ay adeegsadaan lacag aan rasmi aheyn taas oo lacag badan la saaro marka ay tahay digitalka oo sarifo.
"Qalabka aan haysto waa wax sahal ah, mastarad, qalin-qori, midka midabada iyo xabag" ayuu yiri Baraa.
"Xabadjoojinta waxba kama baddelin xaalada dhaqaale. Hadda dadka ayaan u adeegayaa".

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Burbur dhaqaale oo xoogan ayaa Gaza ka soo gaaray dagaalkii labada sano socday. Warbixin cusub ayaa sheegeysa in dhammaan bulshada Gaza ee ka badan 2-da milyan ay noqdeen sabool.
Afar ka mid ah shantii qof wax shaqo ah ma hayaan sida laga sheegay shirka Qaramada Midoobay ee beecmushtarka iyo horumarinta. Sidoo kale waxaa la sheegay kuwa wax keydsaday in aysan heli karin lacag cadaan ah.
Bilwogii dagaalka, Israel waxay bartilaameed ka dhigatay bangiyada ay ku sheegtay in ay xiriir la leeyihiin Xamaas. Qasnadahooda waxaa bililiqeystay burcad Falastiin ah oo hubeysan. Maamulka lacagta Falastiin PMA waxay hore u sheegeen in 180 milyan oo doolar la xaday intii uu dagaalka socday.
COGAT oo ah guddiga difaaca Israel ee maamula halka Gaza laga galo ayaa xaqiijiyay in iyagoo eegaya habka siyaasadda iyo "sida Xamas ay ugu tiirsan tahay lacagta cadaanka", in aan lacag caddaan ah loo ogolaaneyn Gaza.

Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Lacagta caddaanka oo la waayay waxay "ku keentay dhibaato macaamiisha iyo ganacsatada" ayuu yiri Zakaria Ajour oo miis ku haystsa suuqa magaalada Gaza. Dadka ma doonayaan in ay ku qaataan qiimaha ku qoran lacagta duugga ah.
Hadda, waxaa safaf dhaadheer loogu jiraa bangiga Falastiin ee Gaza. Macaamiisha waxay dib u furan karaan akoonadii la xiray iyo kuwa hor leh.
Qeybta koonfureed ee magaalada Khan Younis oo si weyn bangiyada loo burburiyay waxaa ku soo laabtay Abu Khalil oo ka yimid bartamaha Gaza. Maalinta oo dhan waxay kaga dhamaatay saf uu ku jiray. Uma suuragalin in uu galo xitaa bangiga, dhib ayey ku aheyd in uu dib u laabto.
Ninkan awoowaha ah waxa uu maamulka Falatsiin ka helaa mushaarkiisa 2kun ee shekel ah oo u dhiganta (($612), wuxuu sheegay in kala bar lacagtiisa ay qaataan mashiinada ATM-ka. "Waa in aad bixisaa qarash. Jidkale kuuma furna".
Ganacsiyo badan oo markii hore ku shaqeyn jiray xawilaadaha markii uu dagaalka socday ayaa hadda sarifka lacagaha digitaalka saarta faa'ido. Mar ayey gaartay boqolkiiba 50 inkastoo hadda ay hoos u dhacday.

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Lacagta in aad ku dirto App-ka bangiga ayaa noqotay mid si weyn looga adeegsado Gaza marka aad wax iibsaneyso.
Hanan Abu Jahel oo ka soo qaxday magaalada Gaza, waxay ku nooshahay xerada al-Zawaideh ee bartamaha Gaza. Dhawaan ayey 367 doolar ka heshay UNICEF. Waxay ku soo iibsatay lacagta waxybaaha aasaasiga sida bariiska iyo baastada.
Waxay sheegay Hanan in carruurteeda ay doonayaan khudaar, hilib iyo ukun. "Cunugeyga ugu yar ilama waxa uu doonayaa ukun, umana heli karo maadama qiimaha uu sare u sii socda, laygana rabo in aan daboolo baahida 12 qof".
Qorshaha 20-ka qodob ee madaxweyne Trump ayaa ballanqaadaya "qorshe horumarin dhaqaale oo Gaza dib loogu dhisayo".

Baraa Abu al-Aoun wuxuu weli ku jiraa shaqadiisa lacag hagaajinta. Waxaa sugaya macaamiil badan oo ka helay xirfadiisa hagaajinta lacagta .
Wuxuu sugi la'ayahay in xaalada caadi ku soo laabato oo uu helo shaqo faa'ido badan leh.
"Waxa kaliya oo aan doonaya waa in uu dagaalka dhammaadaa," ayuu yiri. "Rajadeydo waa in aan dareemaa deganasho aan wax ku baran karo, kuna shaqeysan karo. Gaza waa un ku nool nahay ee bani'aadan ma nihin".













