Sanad kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe, yaa maamula gobolka Gedo?

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la dhaariyay isla maalintii dib loo doortay 25 November 2024

Xigashada Sawirka, Jubaland State House

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la dhaariyay isla maalintii dib loo doortay 25 November 2024
    • Author, Ibraahim Maxamed Aadan
    • Role, Weriyaha BBC ee Muqdisho

Muddo sanad ah ayaa laga joogaa markii dib loo doortay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo 25-kii bishii November 2024 taas oo ay si adag u diiday dawladda federaalka, kuna tilmaantay mid baal marsan sharciga.

Axmed ayaa ku adkeystay sax ahaanshaha dib u doorashadiisa, wuxuuna dagaal toos ah iyo mid diblomaasiyadeed ba la galay dawladda federaalka.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa warqad soo qabasho ah u jartay Axmed Madoobe bilowgii khilaafka Muqdisho iyo Kismaayo, taa badalkeeda maxkamadda Kismaayo ayaa warqad soo xirid ah u jartay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Labadaas go'aan midkoodna ma hirgalin.

Dagaal ayaa ciidamada dawladda federaalka iyo kuwa Jubaland ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobollada Jubada Hoose iyo Gedo, waxaana ku dhintay, kuna dhaawacmay dad badan, iyadoo kumannaan kalena ay ku barakaceen wallow aan tirakoob sax ah laga hayn baaxadda khasaarraha ay gaysteen dagaaladaasi.

Dadaaallo dhowr ah oo lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka sanad jirsaday ee labada dhinac ayaa natiijo la'aan ku dhammaaday. Waddamada gobolka gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya ayaa qayb ka ahaa isku dayo labada dhinac lagu heshiisiinayay, kaas oo kii ugu dambeeyay uu ka dhacay Kismaayo bishii la soo dhaafay ee October.

Sanad kadib sidee loo kala maamulaa degmooyinka gobolka Gedo?

Jubaland

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tagay Kismaayo bishii hore ee October si xal longa gabro khilaafka labada dhinac

Gobolka Gedo waxa uu ka tirsan dawlad goboleedka Jubaland, waxa uuna ka kooban yahay todoba degmo. Muddadii sanad ka ahaa ee uu taagnaa khilaafka dawladda dhexe iyo maamulka Jubaland waxa uu loollan adag ku dhexmaray labada dhinac oo midba midka kale uu doonayay in uu ka fara maroojiyo.

Degmooyinka Garbahaarey, Beledxaawo, Baardheere iyo Buurdhuubo waxa gacanta ku haya maamulka gobolka ee wadashaqaynta la leh dawladda federaalka.

Degmooyinka Doolow, Ceelwaaq iyo Luuq waxaa maamula wakiillada Jubaland ee gobolka Gedo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Magaalooyinka qaar dagaal la isugu awood sheegtay ayaa ka dhacay sida Beledxaawo, Baardheere iyo Doolow.

Gudoomiyaha gobolka Gedo ee wadashaqaynta la leh dawladda federaalka Cabdillaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) ayaa BBC-da u sheegay in inta badan gobolka uu hoos tago maamulkiisa.

"Gobolka inta badan dee sidii madaxweyne Axmed Madoobe uu mar labaad isugu caano shubay si sharci daro ah, gacanta dawladda ayuu inta badan ku jiray, marka waxa jira degmo Doolow la yiraahdo oo inta badan ay itoobiyaanku gacanta ku hayaan, marka meelahaasi saraakiishiisa iyo madaxda uu soo diro ayay tagtagaan, marka Ceelwaaqna horey gacanta waxay ugu jirtay oo awalba iska ahayd Jubaland, in kastoo aanay waxba ku qabin," ayuu yiri Cabdillaahi Shimbir.

Aragtidaas mid ka duwan waxa qaba gudoomiyaha gobolka Gedo ugu magacaaban Jubaland oo la yiraahdo Maxamed Xuseen Al-qaadi, waxa uu rumeysan yahay in degmooyinka qaar wali la isla joogo.

"Gedo degmooyinkeeda marka wax yar laga reebo waxa gacanta ku haysa Jubaland, oo wax hadda federaal ama dawladda Muqdisho ay gacanta ku wada hayaan ma jiro, meel walba ciidan baa isku horfadhiya, marka Khalkhal iyo dhibaato ma ogiye wax ay ka faa'iideen weerarka siyaasadeed ee ay ku soo qaadeen gobolka midna ma jirto, hal degmo oo ay 100% maamulaan gabi ahaanba ma jirto" ayuu yiri Al-qaadi.

Khilaafka Muqdisho iyo Kismaayo ayaa mar kasta saameyn ku yeesha gobolka Gedo

Jubaland

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Khilaafka Muqdisho iyo Kismaayo wax cusub maaha, tan iyo markii uu Kismaayo maamul uga dhaawaqay Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) 2012 marrar kala duwan ayay is khilaafeen maamulkiisa iyo dawladda dhexe ee Muqdisho. Khilaafyadaas oo marrarka qaarkood gaaray gacan ka hadal.

Mar kasta oo uu soo shaac baxo muran labada dhinac ah, waxa goobta ugu weyn ee lagu loolamo ay noqotaa gobolka Gedo.

In kastoo gobolku uu ka tirsan yahay Jubaland haddana dadka degan waxay muddaba saluugsanaayeen hannaanka lagu dhisay maamulka Jubaland iyo habka awood qaybsiga ee uu ku dhisan yahay.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ee ay taageerto dawladda federaalka Cabdillaahi Shimbir waxa uu aaminsan yahay in siyaasiyiinta iyo odayaasha gobolku ay leeyihiin sababta koowaad ee keenta in khilaafka labada dhinac loo soo rarro gobolka.

"Waxan arkayaa wax seddexaad oo u diyaarsan baan jirin dadka reer Gedo, waxay iyagu sameysteen ma jiro, odayaasha dhaqanka iyo wax lagu baxsado ma jiraan, waa uun in labada meelood lala kala istaago, marka labada meelood diriraana waa inaan la kala safano weeye, hadda arinta uga yaabka badan waxay ahayd anagoo qaarna dawladda taageerahayo oo amarka dawladda qaadanahaya, qaarna Axmed Madoobe taageerahaya ayaan is leynay, cid kaloo meel ka timid ma jirin, waa is horfadhinaa" ayuu yiri Cabdillaahi Shimbir.

Doodda la xiriirta in siyaasiyiinta gobolka yihiin kuwa Gedo u soo rara khilaafka dawladda dhexe iyo maamulka Jubaland dhexmara, waa dood xoog badan.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ugu magacaaban Jubaland Maxamed Xuseen Al-qaadi isagu waxa uu si gaara eedda u saarayaa siyaasiyiinta gobolka ku matala dawladda federaalka.

"Anigu waxan is leeyahay sababtaas waxa keenaayo dadka federaalka ku matala gobolkan oo dad tayo leh aan ahayn oo gobolkooda duulaanka lagu yahay midna aan ka hadlin oo nolol maalmeed maalmo la siinayo ku xisaabtama intooda badan, een dhammaantood ma aha" ayuu yiri Al-Qaadi.

Sida muuqata haddii uu sii taagnaado khilaafka dawladda federaalka ee Muqdisho iyo maamulka Jubaland ee Kismaayo, waxa sii socon doona muranka maamul ee ka taagan gobolka Gedo oo hadda degmooyinkiisa ay kala maamulaan labo gudoomiye oo taageero ka kala haysta Muqdisho iyo Kismaayo.