Mareykanka oo baaraya in canshuuraha Minnesota laga ururiyo loo weeciyo al-Shabaab

Doollar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka ayaa sheegay inuu socdo baaritaan lagu sameynayo eedeymo sheegaya in canshuuraha laga ururiyo gobolka Minnesota loo weeciyo kooxda hubeysan ee al-Shabaab ee Soomaaliya.

Scott Bessent ayaa ku dhawaaqay baaritaanka maalmo kaddib markii madaxweynaha waddankaasi uu Minnesota ku tilmaamay "xarun dhaqaalaha sharci darrada ah iyo lacag dhaqidda lagu sameeyo".

"Waanu idinla wadaagi doonnaa natiijooyinkeenna inta uu baaritaanku socdo," ayuu intaa raaciyay.

Xildhibaanno dhowr ah oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa warbaahinta la wadaagay warar oo aan la xaqiijin oo sheegaya in Shabaabku ay ka faa'iidaysteen khiyaanooyin xagga maaliyadda ah oo laga geystay gobolka Minnesota.

Wareysi uu bixiyay Axaddii, Tim Walz, badhasaabka gobolkaasi, waxa uu ku qirtay in Minnesota ay soo jiidatay dambiilayaal, balse wuxuu ku adkeystay in la maxkamadeeyo marka la qabto.

Mr. Walz waxa uu hore madaxweynaha ugu eedeeyay in uu sumcad xumo ka faafinayo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Scott Bessent, Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Scott Bessent, Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka

Dhowaan, madaxa Hay'adda Dhalashada iyo Socdaalka Mareykanka (USCIS), Joseph Edlow, ayaa sheegay in madaxweynuhu uu faray inuu sameeyo "dib-u-eegis ballaaran oo adag oo lagu samaynayo sharciga deganaanshaha ee dalka Mareykanka oo horey la siiyay muwaadin shisheeye oo ka yimid dal kasta oo laga walaacsanyahay xaaladdiisa amni."

Markii ay BBC-du weydiisay hay'adda waddammada ku jira liiska, waxaa la tilmaamay bayaanno ka soo baxay Aqalka Cad bishii Juun, kuwaas oo ay ku jiraan Afghanistan, Kuuba, Haiti, Iiraan, Soomaaliya iyo Venezuela.

Ku dhawaaqista ayaa timid kaddib markii nin u dhashay Afghanistan lagu eedeeyay inuu Arbacadii toogasho ku beegsaday labo askari oo ka tirsan Ciidamada Ilaalada Qaranka magaalada Washington DC, isaga oo si daran u dhaawacay labadoodaba.

Shabaab

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale, bishii March ee sanadkii 2024, waaxda hantida dibadda ee wasaarada lacagta Maraykanka ayaa soo saartay liis ay ku jiraan shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali ah oo lagu soo rogay xayiraad loona jeediyey inay dhaqaale u ururiyaan kooxda al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya.

Shakhsiyaadka iyo shirkadaha la xayiray ayaa xarumahoodu ku yaallaan Geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo Jasiiradda Qubrus. Shabakaddan waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inay dhaqaale ku taageereen ururka al-shabaab.

Warka ka soo baxay Maraykanka waxaa lagu sheegay in dadka ku jira shabakaddani ay ka mid yihiin ganacsato saamayn leh oo ku sugan gobolka, kuwaasi oo taageero maaliyadeed siiya al-Shabaab oo xirir la leh al-Qaacida kana mas'uul ahaa sida xogtu sheegtay weerarro dad badan oo rayid ah ku dhinteen oo ka dhacay Bariga Afrika.

"Maraykanka waxaa ka go'an in uu la shaqeeyo saaxiibada gobolka si loo ciribtiro shabakadaha maalgelinta argagixisada iyo hay'adaha ay ku takri falaan si ay u ururiyaan oo ay u dhaqaajiyaan dhaqaalaha," ayuu yiri ku xigeenka Xoghayaha Maaliyadda ee Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadda Brian E. Nelson.

Tallaabadan ayey Maraykanku ku sheegeen inay u qaadeen si ay ugu gacan siiyaan dowladda Soomaaliya oo wada sida ay xuseen dagaal dhanka curyaaminta maaliyadeed ee Kooxda al-Shabaab sida warsaaxafeedka wasaaradda lacagta Maraykanku sheegeen.

Waxay intaa ku dareen Maraykanku in al-Shabaab sanadkii ay aruursadaan lacag dhan 100 milyan oo dollar iyagoo lacagahaas ka qaada gaancstada iyo dadka deegaanda ay maamulaaan, sidoo kale haya'adda lacagta Maraykanku waxay sheegay in lagacahaas Al-shabaab ay helaan inay u gudbaan kooxaha al-Qaacida ay ka mid yihiin.