Maxaan ka ognahay weerarkii askarta lagu toogtay ee Washington?

Askarta Ilaalada Qaranka ee Mareykanka

Xigashada Sawirka, Reuters

Labo ka mid ah askarta ilaalada qaranka ayaa si xun loogu dhaawacay meel u dhow Aqalka Cad ee Mareykanka ee Washington.

Hal askari ayaa geeriyooday halka kan kalena uu soo gaaray dhaawac halis ah, sidaasina waxaas sheegay madaxweynaha Mareykanka Donland Trump khamiistii. Ninka weerarka lagu soo eedeeyay oo u dhashay dalka Afghanistan ayaa xiran. Trump wuxuu sheegay in uu 500 askari oo dheri ah keenayo wadooyinka caasimada isagoo taas kaga jawaabaya weerarka

Sidee wax u dhaceen?

Xubnaha ka tirsan ilaalada qaranka waxaa laga soo toogtay meel u dhow fagaaraha Farragut ee magaalada Washington. Askarta waxay joogeen meel gees ah wadada 17-aad iyo tan koowaad halkaas oo ay joogeen shaqaale badan oo ah kuwa xafiisyada ka shaqeeya, waxayna aheyd xili qado.

Qofka la tuhunsanaa waxa uu ka soo baxay "meel gees ah" kaddibna "degdeg ayuu rasaasta u furay," sidaasina waxaa sheegay Jeff Carroll oo ah kaaliyaha taliyaha booliska Washington oo intaas ku daray "in saraakiishu la yaabeen". Duqa magaalada Washington waxay sheegtay in weerarku ahaa mid la soo qorsheeyay.

Maadama uu weerarka ka dhacay meel wax yar u jirta Aqalka Cad, waxaa goobta degdeg u yimid askar si ay gargaar caafimaad u siiyaan dhibanayaasha iyo in ay qabtaan ninka weerarka geystay.

Mid ka mid ah askarta ilaalada ee dhaawacmay ayaa geeriyootay kaddib markii isbitaalka la dhigay. Marka uu weerarka dhacay, madaxweyne Trump ma uusan joogin Aqalka Cad.

Sarah Backstrom iyo Andrew Wolf.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sarah Backstrom iyo Andrew Wolf

Dhibanayaasha maxaan ka naqaan?

Askarta la toogtay ayaa kala ahaa Sarah Backstrom oo 20 jir aheyd iyo Andrew Wolfe oo 24 jir ah. Labada askari waxay ahaayeen askarta ilaalada West Virginia. Trump wuxuu sheegay in Sarah Backstrom ay geeriyootay khamiistii.

Askariga kale oo lagu magacaabo Wolfe waxaa la sheegay in xaaladiisu ay daran tahay kaddib markii dhowr jeer la toogtay.

Maxaan ka naqaan eedeysanaha?

Waaxda Ammaanka gudaha Mareykanka waxay ku sheegtay ninka la tuhunsan yahay in uu yahay Rahmanullah Lakhanwal oo ah "dambiile ka soo jeeda Afghanistan".

Warbaahinta CBS oo BBC-da la shaqeysa ayaa warisay in illo dhanka ammaanka ah ay sheegeen in ninka la tuhunsan yahay la toogtay 4 jeer markii la xirayay. Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Lakanwal oo ah 29 jir uu diiday in uu hoggaansamo.

Waxaa la sheegay in Lakanwal oo yimid Mareykanka 2021-kii uu ku noolaa dalka dhinaciisa kale.

Rahmanullah Lakhanwal oo ah qofka la tuhunsan yahay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Rahmanullah Lakhanwal

Sidee ayuu ku yimid Mareykanka?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Lakanwal waxaa la sheegay in Mareykanka uu yimid 2021-kii, wuxuuna qeyb ka ahaa "Howlgalka Soo-dhaweynta Isbahaysiga" oo ah barnaamij la hirgeliyay xiligii madaxweyne Joe Biden.

Kaddib markii ay Mareykanka ka soo baxeen Afghanistan sanadkii 2021-kii halkaas oo ay joogeen 20 sano, waxaa dhacay in kumanyaal Afghanistan u dhashay ay dalka ku yimaadaan barnaamij qaxootinimo oo gaar ah.

Arrintan ayaa dhacay markii dalka ay ka jirtay xasiloonidarada ka dhalatay ka bixista ciidamada Mareykanka ee Afghanistan. Taliban markii ay xukunka ku soo laabteen, waxaa jirtay cabsi laga qabay in ay ka aarsanayaan dadka la shaqeeyay Mareykanka.

Qeybta cilmibaarista koongareeska waxay ku qiyaaseen in 77,000 oo u dhashay Afghanistan ay dalka ku soo galeen barnaamijkaas gaarka ah muddo sanad ah.

Madaxa FBI, Kash Patel, wuxuu sheegay in Lakhanwala uu qandaraas ka haystay ciidamada Mareykanka ee Afghanistan. Madaxa CIA, John Ratcliffe, isna waa uu sheegay in uu la shaqeeyay sirdoonka.

Lakanwal wuxuu codsi magangalyo soo dalbaday 2024-kii, waxaana la ogolaaday horaantii sanadkan sida ay mas'uuliyiintu u sheegeen CBS.

Madaxa FBI, Kash Patel,
Qoraalka sawirka, Madaxa FBI, Kash Patel

Dambi noocee ah ayaa lagu soo oogay?

Dacwad oogaha Washington, Jeanine Piro, waxay sheegtay in dambiga loo haysto la kordhinayo oo laga dhigayo fal dil oo darajada koowaad ah.

Markii hore waxaa la sheegay in lagu soo oogayo saddex fal dambiyeed oo ay ku jiraan in uu doonayay in uu dilo ciidamada ammaanka iyo in uu haystay hub markii uu dambiga galayay.

Sidee ayey maamulka Trump uga jawaabeen?

Saacado yar kadidb markii uu weerarka dhacay, madaxweyne Trump wuxuu soo saaray fidiyoow isagoo jooga xeebta dalxiiska ee Mar-a-Lago, Florida. Wuxuu ku sheegay weerarka "fal argagixiso" iyo "dambi ka dhan ah aadanaha."

Trump wuxuu kaloo sheegay in uu 500 oo askari keenayo Washington kuwaas oo lagu kordhinayo ku dhawaad 2,200 oo askari oo hore u joogay magaalada.

Ciidamada Ilaalada Qaranka waa ciidamo keyd oo meelo kala duwan loo diri karo sida askarta caadiga balse howshoodu maa mid xadidan maadama aysan xoojin karin sharciga ama aysan xiri karin dadka.

Ciidamadan wuxuu Trump keenay bishii Agoosto kaddib wax uu ku sheegay "xukunka oo faraha ka baxay" iyo dambiyo ka jira caasimada.

Kaddib markii ciidamadan la keenay wadooyinka waxaa hoos u dhacay dambiyada taas oo Trump uu sheego in ay ka timid askarta wadooyinka la dhigay.

Dhammaan codsiyada magangalyo-doon ee ay dalbadaan dadka ka soo jeeda Afghanistan ayaa la joojiyay kaddib weerarkii Arbacada.

Maalintii xigtay, xafiiska jinsiyadaha iyo socdaalka Mareykanka waxa uu ku dhawaaqay in dib u eegis lagu sameynayo deganaashaha iyo fiisaha shaqo ee la siiyay shaqsiyaadka ka soo jeeda 19 dal.

Trump wuxuu kaloo sheegay in uu "mamnuucayo" dhammaan muhaajiriinta ka yimaada "dunida saddexaad," oo ah eray loogu yeero dalalka aan horumarin iyo kuwa soo koraya.

Qoraal uu soo dhigay Facebook jimcihii, madaxa xafiiska jinsiyadaha iyo socdaalka, Joseph Edlow, ayuu sheegay in maamulka Trump uu "gabi ahaan joojinayo go'aanada magangalyo-doon dhammaan adduunka ilaa inta qof kasta oo shisheeye ah loo baarayo si adag".