Mid ka ah askartii la toogtay oo geeriyootay iyo ninkii weerarka gaystay oo xog dheeri ah laga helay

Gabadhan oo ahayd askariyad da' yar ayaa u geeriyootay dhaawac soo gaaray

Xigashada Sawirka, Reuters

Mid ka mid ah labadii xubnood oo ka tirsanaa Ilaalada Qaranka Mareykanka ee lagu toogtay Arbacadii magaalada Washington DC ayaa dhintay, sida uu sheegay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Sarah Beckstrom, oo 20 jir ahayd, ayaa u geeriyootay dhaawacyadii soo gaaray, ayuu Madaxweyne Trump sheegay xalay.

Xubinta labaad ee Ilaalada Qaranka, Andrew Wolfe oo 24 jir ah, "noloshiisa ayuu la halgamayaa", ayuu yiri.

Labadoodaba waxaa lagu toogtay agagaarka Farragut Square ee bartamaha magaalada Arbacadii. Boolisku waxay xireen hal eedeysane oo loo haysto toogashada kaas oo lagu magacaabo Rahmanullah Lakanwal, oo 29 jir ah kana soo jeeda Afghanistan.

Madaxweyne Trump ayaa xaqiijiyay geerida Ms Beckstrom isagoo la hadlayay hadlayay ciidamada Mareykanka.

"Sarah Beckstrom oo ka soo jeedda West Virginia, mid ka mid ah ciidamada aadk loo qadariyo, qof dhalinyaro ah oo cajiib ah… way geeriyootay. Way naga tagtay," ayuu yiri.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo u warramay CBS News, Trump wuxuu markii dambe la hadlay waalidiinteeda.

Ms Beckstrom waxay ku biirtay ciidamada 26-kii Juun sanadkii 2023-ka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay iskeed u dooratay inay ka shaqeyso caasimadda dalka inta lagu guda jiro fasaxa maalmaha Thanksgiving la yiraahdo ee Maraykanka, sida ay sheegtay Xeer-ilaaliyaha Guud Pam Bondi oo la hadashay Fox News ka dib toogashada.

Jim Justice, oo ah senator Republican ah oo ka socda West Virginia, ayaa sheegay inuu aad uga naxay markii uu maqlay geerida Ms Beckstrom.

"Ducadeennu waxay la jirtaa qoyskeeda, asxaabteeda, iyo ciidamada ay la shaqeynaysay xilligan aadka u adag ee Thanksgiving-ka," ayuu ku yiri bayaan la soo saaray.

"Waxaan sidoo kale caafimaad u rajeynayaa Andrew Wolfe maadaama uu weli ku jiro xaaladda soo kabashada."

Labada askari waxay kaaf waregayeen agagaarka isgoyska 17th iyo I streets, meel ay shaqaalaha xafiisyadu ku badan yihiin waqtiga qadada.

In ka badan 2,000 askari ayaa ilaalinayey caasimadda dalka tan iyo Ogoosto, markaas oo madaxweynaha uu bilaabay in uu ciidamo u diro magaalooyin si uu u xakameeyo waxa uu ku tilmaamay "dembi xad-ka-bax ah".

Marwo Beckstrom iyo Mr Wolfe waxay ka mid ahaayeen kuwii la hawlgeliyay bishii Ogoosto, sida uu xaqiijiyay Ciidanka Qaranka ee West Virginia oo la hadlay BBC News.

Ciidanka National Guard-ka waa ciidan keyd ah oo la hawlgelin karo si ay u qaataan hawlo ciidan, balse awood xaddidan bay leeyihiin maadaama aysan fulin karin sharciga ama aysan qaban karin dadka.

Goobta toogashada, oo aan ka fogeyn a Aqalka Cad, waxay keentay in tiro badan oo saraakiisha fulinta sharciga ah ay si degdeg ah halkaas u gaaraan si ay u daweeyaan labada dhibbane una qabtaan ninkii wax toogtay.

Eedeysanaha ayaa afar jeer la toogtay intii aan la qaban.

"Eedeysanaha mar ayuu la soo shaqeeyay CIA-da Mareykanka gudaha Afghanistan."

Sawirka Rahmanullah Lucknowa

Xigashada Sawirka, Reuters

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Mr Lakanwal uu yimid Maraykanka isagoo ka yimid Afgaanistaan sanadkii 2021.

Waxa lagu soo oogayaa saddex dacwadood oo ah in uu qaaday weerar u uku doonayay in uu dil ku gaysto iyadoo hub uu wato, iyo sidoo kale inuu haystay qori fal dambiyeed lagu smaeyay, sida ay sheegtay Xeer-ilaaliye Jeanine Pirro oo shir jaraa'id qabatay, ka hor intaan la shaacin geerida Ms Beckstrom.

"Waxaan u ducaynaynaa inay badbaadaan si eedda ugu sarreysa aysan ugu baahnayn inay noqoto dilka darajada koowaad," ayay Pirro intaas ku dartay. "Laakiin ha ka labalabeyn, haddii ay dhintaan, eeddaasi shaki la'aan waa noqon doontaa: dil darajada koowaad."

Xeer-ilaaliyaha Guud Bondi ayaa u sheegtay Fox News Khamiistii in xafiiskeedu uu raadin doono ciqaabta dilka (death penalty) ka dhanka ah ninka looga shakisan yahay, iyadoo ku tilmaamtay "bahal".

Mr Lakanwal wuxuu Maraykanka ku yimid barnaamij la yiraahdo Operation Allies Welcome, oo siinayay Afgaanistaaniyiinta ilaalin dhanka socdaalka ah oo gaar ah kadib markii Maraykanku ka baxay Afgaanistaan.

Waxa uu ka caawiyay ilaalinta ciidamada Mareykanka garoonka diyaaradaha Kabul sanadkii 2021, xilli kumannaan qof ay isku dayayeen inay ka baxsadaan Afgaanistaan ka hor inta aysan Taliban la wareegin awoodda, sida uu u sheegay BBC-da taliye militari oo hore ula shaqeeyay.

Ninka looga shakisan yahay weerarka waxa uu ka tirsanaa Cutubka 03 ee Kandahar Strike Force. Cutubkiisu waxa loo yiqiin Scorpion Forces, oo markii hore ka hoos shaqeyn jiray CIA balse markii dambe u shaqayn jiray hay'adda sirdoonka Afgaanistaan ee National Directorate of Security.

Mr Lakanwal wuxuu ahaa khabiir GPS-tracker ah, ayuu taliihii hore u sheegay BBC, isaga oo ku sifeeyay "qof ciyaar jecel oo farxad badan".

Cutubkoodii oo dhan waxa laga raray Kandahar iyadoo wareejiyay Kabul shan maalmood ka hor inta aysan Taliban soo galin caasimadda. Waxay sii wadeen ilaalinta garoonka muddo lix maalmood kale ah, ka hor intaan iyagana loo duulin Maraykanka.

Shir jaraa'id oo, Agaasimaha FBI-ga Kash Patel uu qabtay waxa uu ku xaqiijiyay xiriirka Mr Lakanwal uu la lahaa ciidamada Mareykanka, isaga oo sheegay in ninka looga shakisan yahay "uu xiriir wada shaqayn ah la lahaa ciidamada Afgaanistaan", ka hor inta uusan u soo guurin Maraykanka.

Mr Lakanwal wuxuu codsaday magangelyo sanadkii 2024, codsigiisana waxaa la oggolaaday horraantii sanadkan, sida uu sheegay sarkaal u warramay CBS.

Khamiistii, Joseph Edlow, madaxa USCIS, ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ku amray inuu sameeyo "dib-u-eegis buuxda oo adag oo lagu samaynayo dhammaan Green Card-yada muwaadiniinta dal kasta oo khatar loo arko".

Markii BBC-du waydiisay dalalka ku jira liiskaas, hay'addu waxay tustay digreeto uu Aqalka Cad soo saaray bishii Juun, oo ku jiraan Afghanistan, Cuba, Haiti, Iran, Soomaaliya iyo Venezuela.