TPLF oo soo saartay qaaylo-dhaan kale oo ay kaga cabanayaan dowladda fedraalka Itoobiya

Michael Asgedom was afhayeenka TPLF
Qoraalka sawirka, Afhayeenka TPLF, Michael Asgedom

Afhayeenka TPLF waxa uu sheegay in ururkooda oo dalka ugu diwaangashan xisbi siyaasadeed in si aan sharci aheyn loo mamnuucay, wuxuuna ku eedeeyay dowladda in ay qorsheyneyso in la qabto doorasho iyaga aysan ku jirin.

Afhayeenka TPLF, Michael Asgedom, qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay, "Waxaa jira arrin isa-soo-tareysa oo ah in si sharci-darro ah loo joojiyo kaddibna gobolka Tigray laga qabto doorasho sharci-darro ah, wuxuuna ku tilmaamay, "go'aan aan waxba ku saleysneyn".

TPLF oo weyday xubinnimadeeda in ay tahay xisbi ayaa hore u qabtay shir, waxyna ku baaqeen in laysugu yimaado mid kale oo golaha xisbiga ay ku shirayaan.

Afhayeenka xisbiga waxa uu cadeeyay in uu jiro "dareen lagu qabanayo doorasho aan sharci aheyn" oo ka dhacda gobolka Tigray taas oo uu ku sheegay in lagu "beegsanayo TPLF iyo dadkeeda".

Shir ay isugu yimaadeen golaha guud ee xisbiga ayaa la sheegay in uu abuuray khilaaf lagu kala qeybsamay oo u dhexeeyay xubnaha ururka iyo madaxda.

Kaddib shirka waxa uu wasiirkii hore ee isgaarsiinta dalka Tulu sheegay "in uu khilaafsan yahay heshiiskii Pretoria ee lagu dhameeyay dagaalka labada sano".

Guddoomiyaha TPLF
Qoraalka sawirka, Debretsion Gebremichale, guddoomiyaha TPLF

TPLF oo laga saaray liiska argagixisada kaddib heshiiskii Pretoria ayaa sidoo kale hadana laga dhigay in xisbi ahaan aysan sharic aheyn.

Waxaa jira xagjiriin ka baxay ciidamada Tigray, kuwaas oo isku magacaabay "Hara Ziraat" oo macnaheedu yahay "dhulkii xorta" ayaa lagu eedeeyay in ay weerayeen ciidamada TPLF.

Maleeshiyada waxay sheegeen in ay isku soo abaabuleen gobolka Cafarta si ay meesha ugu saaraan garabka TPLF ee Dr. Debretsion Gebremichael iyo taliyayaasha ciidamada.

TPLF waxay ku eedeysay xagjiriinta la sheegay in ay ka howlgalayaaan dhulka xuduuda ku yaal ee gobolka Tigray in ay yihiin kuwa "taageero ka helaya dowladda federalka".

Bilihii u dambeeyay waxaa jiray cabsi laga qabo in markale dagaal ka qarxo gobolka Tigray.

Dibadbaxayaal

Miyuu xisbiga ka baxay Dr. Debretsion?

Kaddib khilaaf baahsan oo ka dhex qarxay hoggaanka sare ee xisbiga, waxaa soo baxay warar sheegaya oo la soo dhigay baraha bulshada in guddoomiyaha xisbiga, Debretsion Gebremichael, uu iska casilay xilka.

Afhayeenka TPLF ayaa beeniyay wararka sheegaya in hoggaamiyaha xisbiga uu jagada ka dagay, wuxuuna ku tilmaamay wararkaas inay "been yihiin".

Xisbiga waxa ay sheegeen in ay hadda ka shaqeynayaan sidii ay ku "dhayi lahaayeen dhaawacyada ay geysteen kooxda xagjiriinta".

"Si kasta oo ay u jiraan tallaabooyin lagu carqaladeynayo midnimada dadkeena iyadoo la adeegsanayo fakar dambeeya, hadana doodaha kusaabsan midnimada way socdaan" ayuu yiri afhayeenka.

Shirka xisbiga

Su'aalaha aan laga jawaabin ee barakacayaasha

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ku dhawaad hal milayn ayaa ka qaxay gableedka gobolka Tigray, waxayna dadkaas ku qasbanaadeen in ay sanado ku noolaadaan cooshado.

Dadkaas ayaa qabtay dibadbaxyo nabadeed oo ay ku dalbanayeen in ay guryahooda dib ugu laabtaan.

Sida uu dhigayo heshiiska Pretoria, dadka barakacay waa in ay ku laabtaan guryahooda balse maamulka kumeel gaarka ee gobolka Tigray iyo dowladda federalka waxa uu midba kan kale ku eedeynayay in iyaga ay ku guuldareysteen in la sameeyo hab ay dadkaas dib ugu soo noqon lahaayeen guryahooda.

Raysalwasaare Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay TPLF in ay ku guuldaresteen in barakacayaasha ay dib ugu soo noqdaan guryahooda. Waxa uu u sheegay Aqalka Wakiilada in barakacayaasha ay aheyd in ay ku soo laabtaan guryahooda isla markii ay ka soo laabteen Pretoria.

"Barakacayaasha waxay doonayaan in ay ku soo laabtaan guryahooda, xanuunkooda waa mid dhab ah, dhibaatada ay ku jiraan waa wax iska cad, waa la xasuuqay, waxaana laga barakiciyay guryahooda iyo xoolahooda, dadkii barakicyay ayaa weli halkaas jooga," ayuu yiri afhayeenka TPLF Ato Michae oo la hadlay BBC laanta afka Tigrinya.

Mid ka mid ah waxyaabaha maamulka kumeel gaarka ah ee uu hoggaamiyo, Ato Getachew Reda, ay ku guuldareysteen ayaa ah in aysan soo celin dadka barakacay.

shirka aqalka wakiilada

Xiriir miyaa kala dhexeeya Eritrea?

Dowaldda federalka waxay sheegtay in TPLF ay "la shaqeyneyso dowladda Eretria blase Afhayeenka TPLF Ato Michael wuu beeniyay, wuxuuna sheegay, "in taasi ay tahay warka suuqa".

Warqad loo diray Qaramada Midoobay ayuu wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ku eedeeyay dowladda Eritrea iyo TPLF in ay "kawada shaqeynayaan" dagaal lagu qaado Itoobiya. TPLF iyo dowladda Eritrea way beeniyaan in arrintaas ay jirto.

Wasaarada arrimaha dibadda ayaa ku eedeeyay Eritrea iyo TPLF "in ay qeyb ka ahaayeen isku daygii dhawaan maleeshiyda Fano ku qabsadeen Woldia".

Raysalwasaare Abiy Axmed wuxuu sidoo kale sheegay in xiriir kasta oo lala sameeynayo dal dibadeed ay tahay in loo soo maro dowladda federalka