TPLF oo caalamka u dirtay baaq ku aaddan Itoobiya

Xigashada Sawirka, AFP
Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cadaadis diblumaasiyadeed ku saaraan dowladda federaalka Itoobiya si ay u "joojiso colaadda oo ay u ixtiraamto heshiiskii Pretoria," iyadoo ay sii kordhayso xiisadda u dhexeysa saxiixayaasha iyo cabsida sii kordheysa ee laga qabo in dib loo bilaabo colaadda.
Baaqan ayaa daba socda eedaymo ay kooxda TPLF oo ah xisbiga muhiimka ah ee dagaalka Tigray-ga u jeedisay dawlada federaalka oo ay sheegtay inay jabisay heshiiskii nabadda kadib markii ay duqayn diyaaradeed ku qaadday ciidamada Tigray-ga subaxnimadii Jimcaha.
Warqad furan oo ay u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayay kooxda TPLF ku eedaysay dawladda dhexe in ay taageerto koox goonni u goosad ah oo Tigree ah oo hubaysan oo ka hawlgasha gobolka ay dariska yihiin ee Canfarta.
Arbacadii, maamulka Canfarta ayaa ku eedeeyay ciidamada Tigreega in ay u soo gudbeen dhulkooda, iyaga oo sheegay in ay weerareen tuulooyin dhowr ah ay xoog ku qabsadeen.
Dowladda federaalka ayaan weli ka hadlin eedeyntan ugu dambeysay; si kastaba ha ahaatee waxay hore ugu eedaysay kooxda TPLF inay jabisay heshiiskii nabada ayna khalkhal galisay gobolka.
Maxay kooxdu tiri?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mas'uul sare oo ka tirsan qaybaha amniga ee Tigray ayaa u sheegay BBC-da in dawladda Itoobiya ay duqayn diyaaradeed ku qaaday iyaga.
Mas'uulka ayaa sheegay in weerarku ka dhacay meel u dhow xadka u dhexeeya gobollada Tigrayga iyo Canfarta.
Ilaa hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ka soo baxaysa dhinaca dawladda federaalka Itoobiya oo arrintaas ku saabsan.
BBC-du ma hayso caddeyn gaar ah oo ay ku xaqiijin karto weerarka. Isku dayadii ay BBC-du ku doonaysay in ay kula xidhiidho afhayeenka dawladda Itoobiya iyo ciidankuna waa ay guuldarreysteen.
Dhacdadan ayaa timid iyadoo ciidammada Tigray lagu eedeeyay in ay u tallaabeen gobolka deriska la ah ee Canafta isla markaana ay weerarro ka fuliyeen halkaas.
Waxa jira walaacyo xooggan in xiisadaha ka taagan waqooyiga dalka ay markale isu beddelaan iska hor imaad hubeysan.
Toddobaadkan, maamulka gobolka Canfarta ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku eedeeyeen ciidammada Tigray in ay xadka ka gudbeen, weerarro qaadeen, isla markaana ay sababeen khasaare baaxad leh.
War-saxaafadeedkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay meelaha ay ciidammada Tigray gacanta ku dhigeen, iyadoo lagu xusay in dad rayid ah ay qaxeen guryahoodii.
Maxay yihiin TPLF?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dagaalyahannada TPLF, oo badankood ka yimid koox milatariga ka tirsaneyd iyo maleeshiyo kale oo gobolka ka jirtay, ayaa loo maleynayaa inay gaarayaan 250,000.
Ururka waxaa la aasaasay sanadihii 1970-yadii wuxuuna ku soo caan baxay kacdoonkii keligii taliskii Mengistu Haile Mariam, oo xukunka laga tuuray sanadkii 1991.
Waxay kaddib ahayd quwad siyaasadeed oo dalka ka jirtay ilaa Abiy uu ra`iisul wasaare ka noqdo Itoobiya sanadkii 2018.
Kala fur-furkii TPLF
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kala-furfurka TPLF ayaa billowday sannadkii 2012, kaddib markii uu cudurka cancer-ka u geeriyooday hoggaamiyahoodii Meles Zenawi, isla markaana ahaa mufakarkoodii.
Is-qabqabsi awoodda xukunka ayaa dhex maray TPLF, oo laba garab u kala qeybsan. Heshiis daaha-gadaashiisa ah, oo ay dhexdooda galeen ayaa keenay inay isla sannadkaas xukunka u dhiibaan Xaylemaryam Desalegn, oo ka soo jeeda qowmiyadaha kala firirsan, ee deggan koonfurta Itoobiya.
Desalegn, oo ku-xigeen u ahaa Zenawi sannadihii 2010-2012, waxay TPLF-tu u arkayeen inuu yahay nin caana-ma-daadshe ah, wuxuuna noqday nin maqaarsaar u ah TPLF, oo xukunka ka maamuleysay daaha-gadaashiisa, qaasatan taliskii Ciidammada Xoogga Dalka iyo taliskii Sirdoonka, oo ay madax ka ahaayeen laba nin oo ka tirsanaa TPLF.
Desalegn, wuxuu ku dhex-haftay is-qabqabsi sii socday, oo u dhexeeyey TPLF-ta dhexdeeda iyo TPLF oo dhinac ah iyo dhinacyada kale ee EPRDF.
Waxaa sii xoogeystay cabashadii dadka Oromadu ay qabeen, ee ahayd inaysan wax awood ah ku lahayn hoggaanka dalka. Iyada oo cabashadaas ay taagan tahay ayaa waxaa aakhirkii 2014 dhacay mashruucii Master Plan, ee la damcay in magaalada Addis Ababa loogu sikiyo daafaha magaalada, oo dhinac kasta kaga xariirsan dhulka Oromada, ee hoos taga is-maamulka Oromada.
Arrimahaas waxay sii nusqaamiyeen qarbabooshnimadii uu Desalegn ku sii talinayey, wuxuuna aakhirkii dareemay culeyska haysta, isaga oo ku dhawaaqay inuu is casilay bishii Febraayo 2018.
Shirar xiriir ah oo dhex maray EPRDF ayaa dhaliyey in la isku mari waayo cidda loo magacaabayo Ra'iisal Wasaaraha. Laba bilood kaddib, heshiisyo hoose oo dhex maray labada urur ee Oromada iyo Amxaarada, oo ka mid ah afarta urur ee ka wada tirsan EPRDF, ayaa waxaa ku soo baxay Abiy Axmed inuu noqdo raysal Wasaaraha cusub.
Ma sugin waqti dheer, ee wuxuu Abiy Axmed billaabay inuu cafiyo mucaaradkii dalka dibaddiisa ku noolaa, ee ay xukunka 'argagixisanimada' ku sunteen TPLF.
Waxaa la cafiyey kuwii siyaasadda ugu xirnaa xabsiyada. Laba bilood kaddib, 7-dii June 2018, wuxuu xilalkii ay hayeen ka tiriyey Taliyihii Ciidammada Samora Yonis iyo Taliyihii Sirdoonka Getachew Assefa.
Laba usbuuc kaddib waxaa la isku dayey in la dilo 23 June 2018. Isku-dayga dilkiisa waxay dhalisay caro xoog leh oo keentay inuu Abiy Axmed wax badan ka beddelo is-bedelladii xowliga lahaa ee uu ku socday. Waxaa la billaabay in gacmo adag lagu qabto cid kasta oo lagu tuhmo inay ka horjeeddo, ama qalqal-gelinayso qorshayaashiisa.













