Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal xooggan oo ka dhacay Itoobiya

Xigashada Sawirka, AFP
Maamulka degmada Magaale ee gobolka Canfarta ayaa sheegay in ciidammada Tigray ay weerar ku qaadeen tuulada Tonsaa, isla markaana ay gudaha u soo galeen ilaa 15 kiiloomitir, iyagoo gacanta ku dhigay ilaa lix tuulo.
Laakiin xafiiska nabadgalyada ee gobolka Tigray ayaa beeniyay warkaasi, iyagoo sheegay in "aanay jirin weerar ay fuliyeen iyo dhul ay qabsadeen."
Dawladda Deegaanka Canfarta ayaa bayaan ay soo saartay xalay, ku sheegtay in "kooxda TPLF" ay qaadeen dagaal culus oo hubaysan gudaha tuulada Tonsaa ee degmada Magaale, oo ku taalla deegaankaasi.
Guddoomiyaha degmadaasi, Cabdu Sheekh Berah ayaa u sheegay BBC-da in ciidammada TDF ee ku sugan dhanka Tigray ay "subaxnimadii Arbacadii" bilaabeen dhaq-dhaqaaq ay ku doonayeen in ay "meelo cusub qabsadaan."
Maamulka gobolka Canfarta ayaa xaqiijiyay warbixin ay soo saareen oo lagu yidhi:
"Maalin dhan ayay [kooxda weerarka ah] meesha haysatay, ilaa 12-kii duhurnimo dadweynihii way cararayeen, kooxdaasina goobta ayay haysatay. Markii ay dhammaan gacanta ku dhigeen kaddib, hub culus ayay bilaabeen in lagu garaaco shacabka saacaddu markay ahayd abaare 12-kii habeennimo."
Dowladda deegaanka Canfarta ayaa sheegtay in "abaare hal saac habeennimo, lagu qaaday weerar culus oo loo isticmaalay hub uu ku jiro ZU-23" laguna qaaday "xoolo-dhaqatada Canfarta ee aan waxba galabsan."
Guddoomiyaha deegaanka ayaa sheegay in "dadka deegaanku ay argagaxeen oo ay bilaabeen in ay cararaan" isagoo intaas ku daray in "ciidankii halkaas yimid uu aad u xoogganaa."
Wuxuu intaas ku daray in "heshiiskii Pretoria ee soo afjaray dagaalkii Tigray si cad loogu xadgudbay."
Wuxuu yiri, "Hadda kuma dhihi karo waa intaas," isagoo intaas ku daray inuusan awoodin inuu sheego tirada rasmiga ah ee weeraryahannada ku sugan halkaas.
Cabdu oo in degmada Megale ay xuduud wadaagaan gobolka Tigray, ayaa yiri: "Ciidanku wuxuu galay dhammaan aaggaas."
Wuxuu intaas ku daray in "ciidanka weerarka ahi uu gacanta ku hayo lix tuulo kuwaas oo ah meelo ay dadku ku badan yihiin. Dhul ahaan, waxay gudaha u galeen ilaa 15 kiiloomitir."

Xigashada Sawirka, magalle woreda communication
Dawladda deegaanka Canfarta ayaa shalay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kooxda TPLF "haddii aan si degdeg ah u joojin weydo falalkaas," ay "qaadan doonto masuuliyadda ilaalinta amniga shacabka, difaaca karaamada dhulkeeda, iyo ka hortagga weerar kasta oo dibadeed."
Mar la weydiiyay in weerarka ay fuliyeen dagaalyahanno la sheegay in ay ka tirsan yihiin "Hara Meret" ama "Xooggaga Nabadgalyada Tigray " oo ka socda gobolka Tigray, Cabdu wuxuu sheegay: "Goobaha la qabsaday iyo meelaha la weeraray midna in aanay ka qabsan dad magacaas wata."
BBC-da ayaa eedaymahaas u bandhigtay Brigadier General Teklay Kidane oo ah madaxa waaxda amniga ee gobolka Tigray. Mas'uulka waaxda amniga ayaa sheegay in "aanay jirin meel aanu ka talinay oo ka mid ah gudaha Canfarta," isaga oo beeniyay eedeynta loo jeediyay ciidamada Tigray.

Xigashada Sawirka, sm
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taliyaha ciidamada dalka Itoobiya ayaa dhawaan ka warramay dagaalkii dhex maray dawladda Itoobiya iyo TPLF ee socday muddada labada sano ahayd. Waxa uu sheegay in xitaa wixii ka dambeeyay heshiiskii ay dhinacyadu ku wada gaadheen magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, falalka TPLF ay dhalin kareen dagaal dhammaystiran, bal se dhinacooda ay nabadda doorbideen.
Field Marshal Birhaanu Jula ayaa intii ay socotay khudbaddiisa oo qaadatay 40 daqiiqo, wuxuu ka hadlay TPLF iyo arrimo badan oo ku aaddan xaaladda amni iyo ciidan ee dalka Itoobiya.
Hadalkan Taliyaha Ciidammada ayaa ku soo beegmay xilli ay sii xumaanayso xiisadda waqooyiga dalkaas ee u dhaxaysa TPLF iyo dawladda Itoobiya.
Labada dhinac ayaa midba kan kale ku eedeynayay u diyaargarow dagaal.
Ciidamada Tigray ee daacadda u ah hoggaanka TPLF ayaa weerar ku qaaday taliska waqooyi ee Ciidamada Difaaca Itoobiya oo ku yaallay magaalada Mekelle, xilli habeennimo ah Novmber 2020-kii.
Waqtiyo kala duwan, dowladda Itoobiya iyo TPLF labaduba waxay isku eedeeyeen in dhinaca kale uu caqabad ku noqday fulinta buuxda ee heshiiskaas.
"Haddii aan dagaal doonaynay, wixii ka dambeeyay Heshiiskii Pretoria dhaqdhaqaaqa iyo diidmadii TPLF waxay ku filan yihiin in aan dagaal galno — aad bay ugu filan tahay."
"Laakiin dagaalkaas hadii uu dhacdo TPLF, way carari lahayd, dadka Tigrayna waa la waxyeelleyn lahaa. Taasi waa wixii aan dagaalkii hore ku aragnay."
"Iskaashi lala sameysto Shacbiya [Eriteriya] oo xudduudda la jabiyo waa wax ka hor imaanaya dastuurka.













