Zohran Mamdani aabahii markuu ku sigtay qaadashada dhalashada Soomaaliya iyo arrin la yaab leh

- Author, Abdishukri Haybe
- Role, BBC-Somali
Waxaa shalay loo doortay duqa magaalada New York Zohran Mamdani doorashadaan waxay dhalisay duufaan isbeddel oo lama filaan ah taas oo soo jiidatay dhammaan indhaha caalamka iyo sidoo kale saxaafaddaba.
Zohra Kwame Mamdani, waa 34 sanno jir noqonaya duqii magaalada ee ugu da'da yaraa tan iyo 1892-dii, waa muslim ku dhashay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Maxaan ka naqaanaa Aabbahii oo mar qarka u fuulay in uu qaato dhalashada Soomaaliya?
Aabbahii, Maxmuud Mamdaani, waa aqoonyahan wax ka dhiga jaamacadda Columbia ee dalka maraykanka. Sidoo kale waxuu wax ka dhigaa jaamacado ku yaala Afrika sida, Uganda, Tanzania iyo Koonfur Africa.
Sida uu bartiisa ku qoray aqoonyahan Faysal Rooble, Maxmuud Mamdani waxuu saaxiib dhow la ahaa barofeesar Xuseen Maxamed Adam oo loo garan ogaa (Tanzania) kana soo jeeday magaalada Hargeysa, waloow uu ku dhashay kuna barbaaray magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya.
Labadooduba waxay wax ka dhigteen Jaamacadda Hardvard iyaga oo saaxiibbo ah, sida bartiisa X Faysal ku qoray.
Arrinta cajiibka ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sannadkii 1969-kii, Maxmuud Mamdaani oo ku nool Mareykanka wax aqoonsi ahna aan haysan, ayaa loogu yeedhay in la ciidamayn doono si toos ahna uu u yimaado barta ciidameynta isaga oo mari doona imtixaanka bad qabka jidheed.
Taas wuu ka biyo diiday; waloow tani u horseedi kari lahayd in uu noqdo muwaadin Maraykan ah. Waxse uu gartay in tani ayna xallin doonin xaaladda adag ee uu dhexda kaga jiro.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Arrinta baasaboor la'aanta waxaa sabatay dhacdo uu la kulmay, baabuur uu watay oo uu meel kaga tagay ayay tuugo jabsadeen, waxyaabaha ay qaateenna waxaa kamid ahaa baasaboorkiisii.
"Markii aan tagay safaaradda Uganda ee New York anigoo dalbanaya baasaboor cusub, waxaan helay wargelin kakan" ayuu qoray Mamdani.
"Waxay nagu wargelisay waaxda socdaalka ee Ugaanda in keliya arrintaada lagu xallin karo Kampla" ayuu raaciyay.
"Laakiin hadda ma aanan haysan baasaboor, sidaas awgeedna ma jirin fursad nolol cusub oo aan heli karo waqti dhow. Maalmahaas, qof kasta oo ajnabi ah oo ku sugnaa Maraykanka waxaa looga baahnaa inuu isdiiwaangeliyo sidii ajaanib bisha Janaayo gudaheeda, isagoo taas ku sameynaya xafiiska boostada." Ayuu ku qoray buugiisa ah "Baasaboor la'aan isma diiwaangelin karin"
Saaxiibkii Xuseen Tansaaniya ayaa arrintan go'aansaday in uu wax ka qabto badbaadiyna saaxiibkiis. Warbixintaan waxuu ku qoray Mamdani buugiisa "Sun tartiib ah" ee afka qalaad ku ah "Slow poison" oo uu kaga xog warramayo xaaladda geedisocodka dowladnimo ee Uganda iyo waayo-joognimadiisa.
Xuseen wuxuu warqad u qoray sodogiisa oo ahaa wasiirka cusube ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, isagoo soo jeediyay dood uu islahaa waa mid qancinaysa:
"Mahmood waa Pakistani (run ma aha), waa Muslim wanaagsan (aad u adag in la yiraahdo waa run), wuxuu wajahayaaa dhibaato (run), wuxuuna u baahan yahay caawimaad (taasna waa tan ugu runta badan dhammaantood)" ayuu qoray isaga oo dib u milicsanaya dhacdadaas.
"Soomaaliya ma caawin doontaa Muslim kale oo dhibaataysan"
Isla toddobaad uun kadib waraaqadahii codsiga baasaboorka Soomaaliga ah ayaa u yimid, isla habeenkaas; waxaa Soomaaliya ka dhacay Af-ganbi.
"Wasiirku waxuu noqday shaqo la'aan, aniguna rejadii baasaboor ee mustaqbal meesha ayay ka baxday" ayuu ku qoray buugiisa xog warranka ah.
Afganbigaasi waa kii taliskii Maxamed Siyaad Barre xukunka kula wareegay dalka lix maalin uun kadib dilkii madaxweynahii Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dhacay 15-kii bisha Oktoobar 1969; Golaha Saree e Kacaankuna xilka la wareegeen 21-dii Oktoobar iyaga oo kala diray baarlamaankii dastuurkiina laalay.
Zohran hooyadiis qudheedu waa shaqsi caan ah, waxaa lagu magacaabaa Mira Nair waa film sameeye si weyn looga xurmeeyo Uganda.
Marka laga tago in uu yahay shaqsi ay iska dhaleen labo qof oo dabaqadda sare ku wada jira haddana Zohran waxaa cajiib ah in uu dhalashada Maraykanka qaatay 2018-kii durba saamayntaas baaxadda uu yeeshay.

Xigashada Sawirka, getty
Zohran Mamdani da'da toddoba jir ayuu la guuray qoyskiisa oo New York deggay. Wuxuu wax ku bartay Bronx High School of Science, kaddibna shahaadada culuumta Afrika ka qaatay Bowdoin College, halkaas oo uu ku aasaasay urrur arday oo u ololeeya cadaalad ka dhalata Falastiin.
Zohran Mamdani iyo xaaskiisa Rama Duwaji, oo asal ahaan Suuriyaan ah ayaa isku bartay app-ka shukaansiga ee la dhaho Hinge.
Hooyadiis Mira Nair waa filim-sameeye caan ah, halka aabbihiis Professor Mahmood Mamdani uu wax ka dhigo jaamacadda Columbia. Labadooduba waa arday kasoo baxday Jaamacada caanka ah ee Harvard.
Ka hor inta uusan siyaasadda galin, Zohran Mamdani wuxuu ka shaqeyn jiray inuu dadka kala taliyo guryaha iyo kireysiga, isagoo gacan ka siin jiray dadka dakhligoodu hooseeyo ee xaafadaha Queens daham in laga daafaco ka saarista guryahooda.
Mamdani waxa uu diintiisa Muslimka ah ka dhigay qayb ka muuqata ololihiisa, isagoo si joogto ah u booqan jiray masaajidda, soo na saari jiray muuqaallo uu kaga hadlayo nolosha adag ee magaalada ka jirta.
Mamdani ayaa sheegay in dadka ku nool magaalada ugu qaalisan Maraykanka ay rabaan in Xisbiga Dimuqraadiga uu diiradda saaro la noolaanshaha qiimaha sicir-bararka nolosha oo hoos loo dhigo.
"Waa magaalo ay rubuc dadka deggani ku nool yihiin saboolnimo, magaalo ay 500,000 oo carruur ahi ku seexdaan gaajo habeen kasta," ayuu u sheegay BBC-da.
Wuxuu soo bandhigay qorshayaal ay ka mid yihiin:
-Adeegga basaska oo noqda mid bilaash ah
-Yareynta kirada iyo ciqaab adag oo lagu soo rogo milkiilayaasha guryaha dayaca
-Xannaano bilaash ah oo loo fidiyo carruurta da'doodu u dhaxayso 6 toddobaad ilaa 5 sano










