Puntland oo ka jawaabtay in diyaarado ka kaca garoonka Boosaaso ay Suudaan "wax" geeyaan.

Maxamuud Caydiid Dirir, wasiirka warfaafinta, Puntland

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA

    • Author, Nimaan Osman
    • Role, BBC Somali

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa Talaadadii hortagay Aqalka Sare si uu uga warbixiyo xaaladda amniga ee dalka. Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay waxa ay qiratay in diyaarado ka duula garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ay dalka Suudaan u qaadaan "wax aan la cayimin".

Hadalkan wasiirka ayaa yimid xilli muddooyinkii la soo dhaafay ay kor u kaceen warar iyo warbixino ay tebinayaan warbaahinta maxalliga ah iyo kuwa Carabta oo ku saabsan duullimaadyadan iyo suurtagalnimada xidhiidhka kala dhaxayn kara dagaalka ka socda dalka Suudaan.

Bishii Oktoobar, warbixin ay si wadajir ah u daabaceen The Guardian iyo warbaahinta Kolombiya ee La Silla Vacía ayaa lagu sheegay in dagaalyahanno Kolombiyaan ah oo loo dirayey Suudaan, laga dhoofiyay magaalada dekadda leh ee Boosaaso.

Mudanayaasha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wasiir Fiqi su'aalo ka weyddiiyay arrimo la xidhiidha amniga dalka, la dagaalanka al-shabaab iyo gaar ahaan dhaq-dhaqaaqa diyaaradaha u kala socda Soomaaliya iyo Suudaan.

"Way jiraan. Waxaan ka qiraynaa dadka Soomaaliyeed iyo senetarrada hortooda , in diyaarado meeshaas ka duula ay Chad, Niger iyo galbeedka Suudaan wax geeyaan. Maxay geeyaan oo ay qaadaan? Ma garanayno annagu. Taasi waxay u baahantahay in la xaqiijiyo,"ayaa uu yidhi wasiir Fiqi.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Maallin Fiqi

Xigashada Sawirka, Google

Qoraalka sawirka, .

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday wararka indhawaale la hadalhayay ee ku saabsan ciidammo calooshada u shaqaysta oo laga dhoofiyo qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

"In niman Kolombiyaan ah oo calooshood-u-shaqaystayaal ah laga qaado, waxa qoraya wabixnnada. Laakiin annagu xaqiiqo uma haynno. Waxa aanaan xaqiiqo u ahayn, hadda ku siifogaan maynno."

"Annagoo Muslim ah, dhibaato gaadhaysa dad walaalaheen ah oo Muslimiin ah, in aan siyaasad ku saboolno, waxa aan ku dhacaynaa wax ka weyn waxa aan difaacaynno oo adduun iyo aakhiro ah," ayuu hadlkiisa raaciyay.

Boosaaso, oo ah magaalo deked leh oo ku taalla gobolka bari ee Puntland , ayaa hoy u ah joogitaan xooggan oo Imaaraadka Carabta ah, kuwaas oo tababar iyo taageero siinaya cutubyoka tirsan ciidamada amniga Puntland.

Maxay Puntland ka tidhi eedaymahan?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si aan jawaab ugu helno eedaymaha uu ka dhawaajiyay wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya waxa ay BBC-du la xidhiidhay wasiirka warfaafinta ugu qaybsan puntland, Maxamuud Cayddiid Dirir.

"Hadalkaasi waxa uu ahaa hadal meel ka dhac ah oo masuuliyad darro ah. Waxay ahayd in hadallada noocan ah uu xilkiisa ku waayo, maaddaama uu Soomaali oo dhan ceebeeyay."

"Waan beeninaynaa. Waa war been abuur ah oo aan sal iyo raad toonna lahayn. Puntland iyo Soomaaliya xuduud lama laha Suudaan. Dalal badan baa ka xiga. Haddii ay dalal ay ka mid yihiin Turki, Masar iyo Imaaraad ay isku laynayaan Suudaan dhexdeeda, ma jiro xidhiidh gaar ah oo ay Puntland ku leedahay," ayuu intaasi raaciyay.

Cayddiid Dirir, dhinaca kale waxa uu ka hadlay in Imaaraadka Carabtu ay wax saldhig ciidan ah ku leeyihiin deegaannada Puntland.

"Puntland waxa jooga ciidammo ay Imaaraadku taageeraan. Saldhigyo gaar ah oo ay leeyihiin ma jiraan. Ciidammo ay leeyihiin ma joogaan, garoon ma maamulaan. Markaa, warkaas waxba ka ma jiraan. In Fiqi yidhaahdo diyaaradaha wax duqaynaya annagaa maamulna iyo in uu yidhaahdo diyaarado waxa ay sidaan aanla aqoon baa kaca, labadaas isku heli maayo, " ayuu yidhi Wasiir Dirir.

"Punland calooshood-u-shaqaystayaal laga ma dhoofiyo. Ma na soo maraan. Xidhiidhna lama laha," ayaa intaas ku daray.

Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa si weyn loogu eedeeyaa in uu taageero ciidanna siiyo kooxda RSF ee Suudaan, inkasta oo Imaaraadku ay si dhab ah u diideen eedeyntaas.