Gudaha Qasa, BBC-da oo soo aragtay burburbka baahsan uu geystay dagaalku labo sano kadib

    • Author, Lucy Williamson
    • Role, Weriyaha Bariga Dhexe
    • Reporting from, Qasa

Marka Qasa Laga soo eego buur yar oo ka sarreysa Magaalada, ma jirto meel lagu qarin karo waxa dagaalkani uu gaystay

Qasadii ku jirtay khariidaha iyo xusuusta way tirtirantahay, waxaana beddelay muuqaal hal midab ah oo burburka dhismayaasha iyo fidhada kacaysa ay wax walba isu ekaysiiyeen, si siman oo aan dhaqdhaqaaq lahayn, laga bilaabo Beit Hanoun ilaa Magaalada Qasa.

Marka laga reebo dhismayaasha fog ee weli taagan gudaha Magaalada Qasa, wax kale oo kuu tilmaami kara halka aad joogto ama kuu sheegi kara xaafadihii halkaan ka jiray oo ay ku noolaan jireen tobanaan kun oo qof, ma jiraan.

Tani waxay ahayd meelihii ugu horreeyay ee ciidammada dhulka ee Israa'iil ay soo galeen usbuucyadii hore ee dagaalka. Tan iyo markaas waxay dib ugu soo laabteen dhowr jeer, maadaama Xamaas ay dib isu abaabushey meelihii ay awoodda ku lahayd ee aaggaas.

Israa'iil ma ogola in hay'adaha warbaahintu ay si madaxbannaan ugasoo waramaan gudaha Qasaa. Maanta waxay koox saxafiyiin ah oo ay ku jirtay BBC geeyeen qaybta Qasa ee ay ciidamadoodu maamulaan.

Booqashadaasi waxay ahayd mid si aad ah loo xakameeyey, waxaana gebi ahaanba laga reebay in lala kulmo dadka reer Falastiin ama meelaha kale ee Qasa ah in la tago.

Sharciga cunaqabataynta milatari ee Israa'iil ayaa dhigaya in saraakiisha ciidamada ay eegaan warbixinta ka hor intaan la daabicin. BBC-du waxay haysatay xorriyadda tafatirka warbixinta wakhti kasta

Haraaga Shujaaciya, oo ah xaafad bari ka xigta magaalada Gasa
Qoraalka sawirka, Haraaga Shujaaciya, oo ah xaafad bari ka xigta magaalada Gasa

Markii la waydiiyay heerka burburka aagga ay booqdeen, afhayeenka ciidanka Israa'iil Nadav Shoshani ayaa sheegay in "taasi aysan ahayn yoolka."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Ujeeddadu waa la dagaallanka argagixisada. Ku dhowaad guri kasta wuxuu lahaa marin tunnel ah, ama miinooyin ayaa lagu xiray, ama wuxuu lahaa RPG [hoobiye la tuuro] ama goob gooni-baadh ahi yaalay (sniper)," ayuu yidhi.

"Haddii aad si degdeg ah u waddo gaadhiga, daqiiqad gudaheed waxaad geli kartaa qolka fadhiga ayeeyo ama ilmo Israa'iili ah. Taasi waa wixii dhacay 7-dii Oktoobar."

In ka badan 1,100 qof ayaa lagu dilay weerarradii Xamaas ee Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, 251 kalena waa la afduubtay.

Tan iyo markaas, in ka badan 68,000 oo reer Qasa ah ayaa la dilay, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee ay Xamaas maamusho.

Lt Col Shoshani wuxuu sheegay in meydadka dhowr qof oo la haystay laga helay aaggaas, oo ay ku jirto Itay Chen, oo Xamaas toddobaadkan u soo celisay Israa'iil. Weli waxaa socda raadinta meydadka toddobo la hayste oo kale.

Saldhigga ciidanka Israa'iil ee aan booqannay wuxuu dhowr boqol oo mitir u jiraa xariiqda jaalaha ah taas oo ah xadka ku meelgaadhka ah ee lagu qeexay qorshihii nabadeed ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo kala qaybiya meelaha Qasa ee ay Israa'iil maamusho iyo meelaha ay Xamaas maamusho.

Ciidanka Israa'iil ayaa si tartiib tartiib ah dhulka ugu calaamadaynaya xariiqda jaalaha ah, si loogu digo dagaalyahannada Xamaas iyo dadka rayidka ah labadaba.

Qaybtan xariiqda ah weli calaamado muuqda ma leh askari ayaa i tusay isagoo tilmaamaya meel yar oo ciid ah oo u dhaxaysa burburka cawlka ah ee dhismayaasha la dumiyey.

Dagaalyahannada Xamaas oo fadhiya dhabarka dambe ee gaadhi yar oo ay ka dambeeyaan dhismayaal burburay

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dagaalyahannada Xamaas oo fadhiya dhabarka dambe ee gaadhi yar oo ay ka dambeeyaan dhismayaal burburay

Xabbad-joojintu waxay socotaa ku dhowaad bil, balse ciidamada Israa'iil waxay sheegeen inay weli la dagaallamayaan dagaalyahanno Xamaas ah "ku dhawaad maalin kasta" oo ku teedsan xariiqda jaalaha ah. Qashirka rasaasta ee daadsan ayaa calaamad u ah meelaha xabadda loogu riday dhanka Qasa

Xamaas waxay ku eedeysay Israa'iil inay jebisay xabbad-joojinta "boqollaal jeer", halka Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa oo ay Xamaas maamusho ay sheegtay in in ka badan 240 qof lagu dilay jebinta joogtada ah ee xabadjoojintaas darteed.

Col Shoshani wuxuu sheegay in ciidamada Israa'iil ay weli ku adkaysanayaan qorshaha nabadda ee uu Maraykanku hoggaaminayo, balse sidoo kale ay hubin doonaan in Xamaas aysan mar dambe khatar ku noqon dadka Israa'iil, isla markaana ay joogayaan intii loo baahdo.

"Waxaa si cad u muuqata in Xamaas ay weli hubaysan tahay oo ay isku dayayso inay Qasa maamusho," ayuu yidhi. "Arrintan waa la xallin doonaa, balse weli meel fog ayaan ka joognaa."

Burburka dhismayaasha magaalada

Xigashada Sawirka, Moose Campbell/ BBC

Qoraalka sawirka, Burburka dhismayaasha magaalada

Marxaladda xigta ee qorshaha nabadeed ee uu Maraykanku hoggaaminayo waxay dhigaysaa in Xamaas hubka laga dhigo oo awoodda lagu wareejiyo guddi Falastiini ah oo ay kormeeri doonaan mas'uuliyiin caalami ah oo uu ku jiro Madaxweyne Trump.

Laakiin halkii ay awoodda iyo hubka wareejin lahayd, Col Shoshani wuxuu sheegay in Xamaas ay ka soo horjeedo.

"Xamaas waxay isku dayaysaa inay hub urursato, awood muujiso, oo ay Qasa si buuxda u maamusho," ayuu ii sheegay. "Waxay dadka ku dilaysaa iftiinka maalinta si ay u cabsi geliso rayidka, una tusto cidda Qasa maamusha. Waxaan rejeyneynaa in heshiiskan uu cadaadis ku filan saaro si Xamaas loo hubka dhigo."

Ciidamada Israa'iil ayaa na tusay khariidad muujinaysa godad ay sheegeen in askartu ka heleen hoosta burburkii aan aragnay "shabakad aad u ballaaran oo godad ah, sida shabakadda caarada," ayay ku sheegeen qaar waa la burburiyey, qaarna weli way taagan yihiin, halka kuwo kalena weli la raadinayo.

Waxa dhici doona wejiga xiga ee heshiiskan nabadeed wali lama hubin.

Heshiisku wuxuu Qasa ku reebay xaalad kacsan oo aan la hubin. Washington way ogtahay sida ay xaaladdu u jilicsan tahay – xabbad-joojintu laba jeer ayay horay u burburtay.

Maraykanku wuxuu si xoog leh u riixayaa in xaaladdan khatarta ah laga gudbo si loo helo nabad waarta. Wuxuu u gudbiyey xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar qabyo ah oo BBC-du aragtay – kaas oo soo jeedinaya in la dhiso ciidamo caalami ah oo laba sano maamulaya amniga Qasa, isla markaana Xamaas laga dhigo mid aan hub wadan.

Si kastaba, faahfaahinta wejiga xiga waa mid aad u yar: lama oga dalalka ciidamo diri doona si ay Qasa u sugaan ka hor hub-ka-dhigista Xamaas, goorta ay ciidanka Israa'iil ka bixi doonaan, ama sida xubnaha maamulka cusub ee gudiga farsamada Qasa loo magacaabi doono.

Madaxweyne Trump wuxuu sawiray aragtidiisa Qasa oo ah magaalo casri ah oo bariga dhexe ah, oo lagu dhisayo maalgelin shisheeye. Taasi waa mid aad uga fog meesha ay Qasa maanta taagan tahay.

Waxaa si weyn u burburisay Israa'iil, halka Trump uu u arko maalgashi cusub su'aasha weynna waxay tahay: ma aha oo keliya cidda joojin karta dagaalka, balse intee le'eg ayay dadka reer Qasa awood ugu yeelan doonaan inay go'aamiyaan mustaqbalka dhulkooda iyo bulshadooda.

Khariirad muujinaysa khadka Jaalaha ah
Qoraalka sawirka, Khariirad muujinaysa khadka Jaalaha ah