Mas'uuliyiin Tigray ah oo dawladda Itoobiya ku eedeeyay weerar diyaarado loo adeegsady

Askari Canfar ah

Xigashada Sawirka, AFP/ Getty Images

Mas'uul sare oo ka tirsan qaybaha amniga ee Tigray ayaa u sheegay BBC-da in dawladda Itoobiya ay duqayn diyaaradeed ku qaaday iyaga.

Mas'uulka ayaa sheegay in weerarku ka dhacay meel u dhow xadka u dhexeeya gobollada Tigrayga iyo Canfarta.

Ilaa hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ka soo baxaysa dhinaca dawladda federaalka Itoobiya oo arrintaas ku saabsan.

BBC-du ma hayso caddeyn gaar ah oo ay ku xaqiijin karto weerarka. Isku dayadii ay BBC-du ku doonaysay in ay kula xidhiidho afhayeenka dawladda Itoobiya iyo ciidankuna waa ay guuldarreysteen.

Dhacdadan ayaa timid iyadoo ciidammada Tigray lagu eedeeyay in ay u tallaabeen gobolka deriska la ah ee Canafta isla markaana ay weerarro ka fuliyeen halkaas.

Waxa jira walaacyo xooggan in xiisadaha ka taagan waqooyiga dalka ay markale isu beddelaan iska hor imaad hubeysan.

Toddobaadkan, maamulka gobolka Canfarta ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku eedeeyeen ciidammada Tigray in ay xadka ka gudbeen, weerarro qaadeen, isla markaana ay sababeen khasaare baaxad leh.

War-saxaafadeedkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay meelaha ay ciidammada Tigray gacanta ku dhigeen, iyadoo lagu xusay in dad rayid ah ay qaxeen guryahoodii.

Dhanka kale, maamulka Tigray ayaa beeniyay eedeymahaas.

Maxaa dhacay?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida uu sheegay sarkaal dhinaca ammaanka ah oo ka tirsan Tigray oo la hadlay BBC-da isla markaana codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sheegay in weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay sababeen dhaawacyo yaryar oo dadka iyo hantidaba soo gaadhay.

Goobta weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay in ay ahayd meel la yidhaahdo Milkaa, oo ku dhow xadka gobolkaasi la wadaago deegaanka Canfarta, wuxuuna sarkaalkaasi sheegay in weerarka lagu beegsaday sal-dhig ciidan.

Sarkaalkaasi waxa uu ku eedeeyay dawladda federaalka in ay jebisay Heshiiskii Pretoria, kaddib markii ay duqayntan fulisay.

BBC-du waxay sheegtay in goobta la duqeeyay ay u dhowdahay aag ay dawladda deegaanka Canfartu ku eedeysay in ciidammo Tugree ahui ay weerar ka gaysteen.

Xogtan ayaa ah tii ugu horraysay ee laga soo tabiyo iska-hor-imaad u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Tigray tan iyo markii dagaalkii hore uu sababay dhimashada kumannaan qof.

Dagaalkii ka dhacay waqooyiga Itoobiya ee qaatay labada sano ayaa markii hore ka bilowday gobolka Tigray, kaddibna wuxuu ku faafay gobollada Canfarta iyo Amxaarada, balse ugu dambayntii waxaa lagu soo afjaray Heshiiskii Nabadda ee Pretoria.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu jebiyay heshiiskaas.

Toddobaad ka hor, warbixin ayaa sheegtay in kooxo ciidan oo loo yaqaan "Haaraa Mareet" ay dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyeen magaalooyinka Magaale iyo Tonsaar, iyagoo isku dayay inay qalalaase ka abuuraan deegaannada la yidhaahdo Dederban, Tsahaafti iyo Gerbaagew.

Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedka ayaa sheegay in arrintan lagu xallinayo wadahadal, islamarkaana aan loo baahnayn in si degdeg ah loo shaaciyo faahfaahinta.

Dhanka kale, maamulka gobolka Canfarta ayaa war-saxaafadeed ay xilligaasi soo saareen waxa ay ku sheegeen in eedeymaha sheegaya in warka sheegaya in ciidamada Tigray ay gudaha u soo galeen gobolka Canfarts oo ay weerarro fuliyeen ay yihiin "kuwa aan sal lahayn."

'15km ayay gudaha u galeen xadka'

Askari Itoobiyaan ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shalay ayay ahayd markii mamulka gobolka Canfartu ay ku eedeeyeen kooxo ciidan ah oo ka tirsan TPLF in ay gudaha u soo galeen xadka gobolka Canfarta islamarkaana ay adeegsanayeen hub culus si ay weerarro u fuliyaan.

Guddoomiyaha degmada Magaale ee gobolka Canfarta, Cabdu Sheek Beraah, ayaa isagoo la hadlayay BBC-da yidhi:

"Saacaddu markay ahayd 12-kii ayay bilaabeen in ay dadka ku soo tuuraan hub culus.Waxay wateen ciidan xoog badan, waxaanay u muuqdeen in ay adeegsanayeen hubka lidka diyaaradaha ee ZU-23 la yidhaahdo," ayuu yidhi.

Mar la weydiiyay in weerarka ay fuliyeen dagaalyahanno la sheegay in ay ka tirsan yihiin "Hara Meret" ama "Xooggaga Nabadgalyada Tigray " oo ka socda gobolka Tigray, Cabdu wuxuu sheegay: "Goobaha la qabsaday iyo meelaha la weeraray midna in aanay ka qabsan dad magacaas wata."

BBC-da ayaa eedaymahaas u bandhigtay Brigadier General Teklay Kidane oo ah madaxa waaxda amniga ee gobolka Tigray. Mas'uulka waaxda amniga ayaa sheegay in "aanay jirin meel aanu ka talinay oo ka mid ah gudaha Canfarta," isaga oo beeniyay eedeynta loo jeediyay ciidamada Tigray.

Maxay tahay kooxdan cusub ee 'TPF'?

Ka hor arrintan, ururka TPLF ayaa ku eedeeyay dawladda federaalka Itoobiya in ay halkii ay wadahadal siyaasadeed ku xallin lahayd khilaafaadka, ay ka dooratay in ay tababar iyo taageero siiso kooxo hubeysan oo ku jira gudaha dhinacyada Canfarta iyo galbeedka Tigreega.

Dhanka kale, Brigadier General Gebregziabher Bayyana (loo yaqaan Waddi Anxiru), oo ka mid ah saraakiishii hore ee ka baxay ciidammada Tigray oo hadda dhisanaya ciidan cusub, ayaa u sheegay BBC-da in ay "lamadegaanka u galeen si ay u abuuraan wax cusub."

Isagoo la hadlayay BBC-da af-Tigrinya ayaa janaraalku wuxuu sheegay in "wax cusub" uu ula jeedo in ay dhisayaan ciidan ka madax-bannaan TPLF, isagoo sheegay in ay doonayaan in ay ka madax-bannaanaadaan xisbiga.

Wuxuu intaas ku daray in ujeeddadoodu aanay ahayn in ay dawlad ama xisbi ciidan cusub ku dhisaan, balse ay rabaan in ay TPLF meesha ka saaraan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay qorsheynayaan in afar qaybood oo ciidan ah laga dhiso xuduudaha u dhexeeya gobollada Canfarta iyo Tigreega.