Canada oo hoos u dhigtay tirada dadka ay qaabileyso saddexda sano ee soo socota

Baasaboorka Canada

Xigashada Sawirka, Getty

Raysal wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa soo bandhigay miisaaniyaddiisii ugu horreysay ee federaalka.

Waxay muujinaysa qorshe hammi leh oo lagu beddelayo dhaqaalaha Canada isla markaana lagula tacaalayo caqabadaha canshuuraha Mareykanka.

Dowladdu waxay miisaaniyaddaan ku tilmaantay "miisaaniyad maalgashi,". Qorshahan maaliyadeedna wuxuu kordhinayaa deynta Canada ilaa C$78 bilyan ($55.3 bilyan; £42.47 bilyan), taasoo ah tii labaad ee ugu weynayd taariikhda.

Marka la fiiriyo dhanka socdaalka, Canada waxay hoos u dhigtay yoolkeeda soo-galootiga ku-meel-gaarka ah ee miisaaniyadda snadkan 2025-ka.

Dowladda federaalka ah ee Canada ayaa ku dhawaaqday Qorshaha Heerarka Soo-galootiga 2026–28, taas oo qayb ka ahaa miisaaniyaddeeda, waxaana golaha wasiirrada hor geeyay wasiirka maaliyadda, Francois-Philippe Champagne.

Waxaa jiri doona hoos u dhac ku yimaada dadka soo-galootiga ku-meel-gaarka ah saddexda sano ee soo socota, sida ay dowladda federaalku ku sheegtay dukumintigeeda miisaaniyadda maanta.

Sanad kasta, dowladdu waxay ku dhawaaqdaa tirada dadka degganaanshaha rasmiga ah ee ay qorsheyneyso inay soo geliso Canada sanadaha soo socda.

Sanad kasta, dowladdu waxay ku dhawaaqdaa tirada dadka degganaanshaha rasmiga ah ee ay qorsheyneyso inay soo geliso Canada sanadaha soo socda.

Xigashada Sawirka, getty

Miisaaniyadda sanadkan

"Miisaaniyaddan aad ayay uga duwan tahay kuwii hore, balse waxaa un isbedelay fekerka guud oo ah sida loo sameyn lahaa miisaaniyadda, waayo dhaqaalihii waddanka waxba iskama bedelo, marka Mark Carney, maadaama uu dhaqaalayahan yahay, waxaa uu u bedelay inuu yareeyo dadka shaqsiyaadka ah waxyaabihii ay faa'idayeen si loo kobciyo dhaqaalaha guud ee waddanka", ayuu yiri Warsame Jirde Warsame oo wax ka qora kana faalooda arrimaha waqooyiga Amerika.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waa markii ugu horreysay oo miisaaniyadda Canada lagu soo daro arrimaha la xirriira miisaaniyadda socdaalka sida uu sheegay Jirde.

Sannadkii hore, dowladdu sidoo kale waxay bilowday dejinta yoolkeeda ku saabsan soo-galootiga ku-meel-gaarka ah.

Miisaaniyadda 2025, dowladda federaalku waxay soo bandhigtay qorshaheeda ku aadan tirada dadka helaya deganaanshaha rasmiga ah ee loo qorsheeyay inay Canada soo galaan saddexda sano ee soo socota, laga bilaabo sanadka soo soocda ee 2026 ilaa 2028, kuwaas oo noqonaya 380,000 sanadkiiba.

Bartilmaameedkii hore ee dowladda Canada wuxuu ahaa 500,000 sanadkiiba kadib hoos ayaa loo dhigay oo waxaa laga dhigay 395,000 ilaa laga soo gaarayay miisaaniyadda maanta oo markale hoos loo dhigay tirada dadka Canada ay qaadanayso sanadkiiba oo helaya deganaanshaha rasmiga ah kaasoo laga dhigay 380,000 sanadkiiba.

ku dhawaad 43% ayaa hoos loo dhigay tirada dadka deganaanshaha kumeel gaar ka ah ka helaya Canada saddexda sano ee soo socota kuwaas oo laga dhigay 385,000 oo qof 2026, halka 2027 iyo 2028 laga dhigay 370,000 oo qof.

Dowladda Canada ayaa bishii Janaayo ee sanadkan hirgelisay sharciyo adag oo xakameynaya soo galootiga.

Dowladda Kanada ayaa soo jeedisay sharci cusub oo xaddidaya qaybo ka mid ah hannaanka sheegashada magangalyada isla markaana siinaya hay'adaha dowladdu awood dheeraad ah oo ay ku joojin karaan hab-socodka codsiyada soo galootiga.

Wasiirka socdaalka ee Kanada, Lena Diab, ayaa sheegtay in sharciga cusub ee la yiraahdo Strong Borders Act (Sharciga Xuduudaha Adag) uu ujeeddadiisu tahay in lagu xakameeyo dambiyada abaabulan iyo qulqulka daroogada iyo hubka sharci darrada ah, iyadoo sidoo kale la xoojinayo "daahfurnaanta iyo hufnaanta" nidaamka socdaalka ee dalkaas.

Sharcigani waxa uu bixinayaa awood dheeraad ah oo ay boolisku ku kormeeri karaan xuduudda Kanada la wadaagto Mareykanka.

Sidoo kale, waxaa laga yaabaa inuu mamnuuco in qof degganaa Kanada in ka badan hal sano uu dalbado magangelyo. Laakiin dhaleeceeyayaashu waxay sheegeen in sharcigan, oo oggolaanaya in la ballaariyo awoodda dowladda ee baaritaanka taasoo xadgudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta.

Sharcigan la soo jeediyay ayaa yimid iyadoo cadaadis xooggan la saaray Kanada – waddan si taariikhi ah ugu furfurnaa martida cusub – si loo xadido tirada muhaajiriinta, maadaama adeegyada dadweynuhu ay aad ciriiri u noqdeen, islamarkaana ay jirto dhibaato ba'an oo guryo la'aan ah.